Abwaan Weedhsame Oo Shaaciyay In Uu Soo Bandhigi Doono Maansada Cusub Ee “ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Iyo Nuxurka Ay Xanbaarsan Tahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Weedhsame Oo Shaaciyay In Uu Soo Bandhigi Doono Maansada Cusub Ee “ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Iyo Nuxurka Ay Xanbaarsan Tahay!
July 22, 2019 - Written by Editor:

“ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Waa Tix Aan ku Xorayn Doono Inamada Adeeradood U Af-Duuban”Abwaan Weedhsame,

HARGAYSA(W,N) Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame Oo Kamid Abwaanada sida wayn looga yaqaaano gayiga somalida gaar ahaan Somaliland islamarkaana caan ku ah suugaanta lagu toosinayo xukuumadaha talada dalka haya ayaa shaaciyay in uu dhawaan soo saari doono maanso cusub oo ka hadlay sida shacabka qaar loogu Adoonsado Abtirsiinta iyo Haybta Qabiilka taasi oo lagu magacaabo“ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Iyadoo sida uu abwaanku sheegay Tixdan uu ku xorayn doono dhalinyarada lagu doonsaday adeernimo iyo haybta qabiilka,

Sidoo kale Abwaan weedhsame ayaa dhaliilo xoogan  ujeediyay madaxda shacabka ku idhaahda reernimo igu difaaca isagoo bulshada uu masuul Uwada Yahay.

Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ayaa sidaa ku sheegay Qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Waa tix Aan ku Xorayn Doono Inamada Adeeradood U Af-duuban. Ciyaalo-adeero waabay cadhoonayaan!!!!

قُلْ مُوتُوا بِغَيْظِكُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ

Dawladnimadu xoolo reerkiinu leeyahay maaha, Ninka madaxda ahina dadka waa u dhex, hadduu xisbi hoggaamiyo iyo hadduu xil kale hayaba. Hadduu isagu “iga difaac dadkayga” ku yidhi waa gunnimo iyo dhaqan cusub oo hor leh, haddaad is xil-qaanteena waad xiiqaysaan.

“Markaad hebel duqaysaa

Reer hebel damqanayaa” Gaarriye

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

COMMENTS
LINKS