Fikrada Guban: Wajaale Iyo Arabsiyo Waxay U Qalmaan Degmooyin Is-Maamula! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fikrada Guban: Wajaale Iyo Arabsiyo Waxay U Qalmaan Degmooyin Is-Maamula!
July 23, 2019 - Written by Editor:

Axadii Baarlamaanka wakhtigiisu dhammaaday waxay  ansixiyeen sharci ay ku  qiimeenayaan degmooyinka Somaliland. Waxay u  kala qaybiyeen degmooyinka afar darajo. Hase ahaatee, baarlamaanka ma uusan faahfaahin , shuruudaha lagu qiimeeyey degmooyinka  sida  tirada dadka, iwm; taasina waxay dhalisay jahwareer hor leh.

Laakiin, arrinta uga yaabka badan waxay tahay, sida deegaanooda qaarkood degmooyin loogu magaacabay: Dila, Awadal; Dar-Salaam iyo Faroweyne, Hargeysa agagaarkeeda; Duruqsi, Toghdheer; iyo Xiis, Sanaag.Degaano, tiro dad, baaxad dhul iyo dhaqdhaqaaq ganacsi leh loogu reebay degmooyinka ka jira wadanka. Tusaale ahaan, side bay ku dhacday in Tog-Wajaale, oo ah goobta  ganacsiga ee Somaliland ugu weyn,  iskuna xidha Somaliland iyo Ethiopia, lehna dhul baaxad weyn oo ku  habboon beeraha; Arabsiyo oo dadka ku nool sannad walba ay kordhayaan aysan noqon degmooyin is-maamula.Dadka ku nool Wajaale iyo Arabsiyo way ka badan yihiin kuwa ku nool  degmooyinkaas.

Degmada Wajaale waxaa hoos yimaada 23 tuulo. Dawlada dhexe iyo ta hoosaba waxaa kasoo gala canshuur baxad leh oo laga qaado shacabka.sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada,dhulka, iyo ganacsatada. .

Magaalada Wajaale  aad iyo aad bay u fiday labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waana meelaha ugu dhul qaalisan Somaliland. Waxaa ka socda dhismayaal iyo bakhaaro waaweyn. Laakiin, wadooyinkeeda waxay u baahan yihiin in la hormariyo..Adeegyada aasaasiga ah dhamaan way leedahay degamadu.

Wajaale way ka bilic wacan tahay degmooyin badan oo dalka ka mid ah lana siiyay darajada uu dhigayo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee dhawaan markale golaha wakiiladu ansixiyeen.

Dadweynaha wajaale iyo Arabsiyo waxa ay doonayaan waa xuquuqdooda ay isku maamuli lahaayeen. Laakiin, waxa ka hortaagan faragelin baahsan  iyo xakameyn oo ay ku hayso Wasaarada Arrmiha Gudaha, oo u dhaqanta sidii ‘Faqshta” oo kale. Waxaa kaloo caqabad ku ah siyaasiintii u hana qaaday Gabiley oo noqday kuwa a deega dano xisbi iyo mid gaar ahaaneed.

Maanta, Gabiley waxay ku leedahay baarlamaan ku sheega hal xildhibaan oo keliya. Waa  tiradii ay ku lahayd Somaliland markay xorriyada ka qaadatay UK. Labo ka mid ah xildhibaanada Gabiley way dhinteen, waxaana lagu bedelay wakiilo degaano kale matala.Ku soo dhawow dimuqoradiyada Somaliland.

Somaliland waa meesha aad helayso xuquuqdaada ama sadbursiba marka aad abaabusho mudaaharaad lagu gubayo taayaro, wadooyinka oo dhagax lagu gooyo, ama lagu hanjabo “Somaliland baa lagu kala tegayaa haddii aanan helin waxan ama waxaas..”. Ficiladaas foosha xun oo kale beelo  qaarkood ayaa ku helay waxaysan u qalmin.Dadka reer gabiley way ka daaleen balamo madhan ah oo codod lagu helo xilliga doorashooyinka. 2010 iyo 2017, waxay Gabiley u codaysay xisbiga Kulmiya. Biixi,  madaxweynaha ma uusan ahaadeen maanta codadka Gabiley la’aantood. Maxaase  loogu abaalguday reer Gabiley ? In lagu madaaliyo gobol aan jirin, Wasaarada Arrimaha  Gudaha ay ka dhammaan waydo faragelin ay ku hayso golaha deegaanka Gabiley.Iyo, in loo magaacabo Wasaarad  madhan wasiirka metelaya Gabiley.

Waa in reer gabiley ay ka kacaan hurdada ay ku jireen mudada dheer. Maamul xumada ka taagan iyo is qab qabsi joogatada ee golaha deegaanka Gabiley waa qorshe laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliland iyo Wassarada arrimaha Gudaha tan iyo 1993, waxaana suurto geliyey danaystayaal reer Gabiley sida Abiib-Tima-cade iyo kuwa la mid ah.Laakiin, Biixi fursad ayuu u haystaa in wax ka bedelo habkii loola dhaqmo  Gabiley.

Wixii tegay tage. Sidee bay reer Tog-wajaale iyo Arabsiyo u heli karaan arrimahooga inay ka taashadaan ayna isku maamulaan sida uu waafaqsan yahay dastuurka— ila iyo hadda aan dib loo eegin ee Somaliland.

Dastuurka Somaliland ayaa si cad u qeexaya inay golaha deegaandano ay masuul ka yihiin, nabagelyada, biyaha iyo kororntada, waxbarashada, caafimaadka, iyo xitaa isgaadhsiinta.

Waa in dawlada dhexe ay awooda la qaybsataa dawladaha hoose si loogu adeego dadweynaha.

Dadweynaha reer Gabiley ama Somaliland oo dhanba khaatiyaan bay ka joogaan Gole deegaan oo tiro badan, lagana hago Wasaarada Arrmiaha Gudaha, wax hagardaamo ahayn   aan u qaban reer Gabiley.

Tusaale ahaan, soo ma habboona in wajaale, Arabsiyo, Allaybaday iyo Gabiley mid walba u lahaado mayor dadka ay si toos u soo doortan iyo gole deegaan oo aan ka badnayn 3-4 qof. Waa sida ay adduunka  u shaqeeyo.Mayorka iyo golahaas ay masuul ka noqdaan siday ugu adeegi lahaayeen dadka soo doortay. Haddii ay shaqadoodu ay ka soo bixi waayeen, dadweynaha ayaa ku ridi kara codkooda.

Maxaase keenay xildhibaan dadweynahu ay soo doorteen in uu ka amar qaato Wasaarada Arrimaha Gudaha?

Ma doonayno dhaqankii “Faqashata” ku dhisnaa “Xakameynta iyo cabushis dadweyne” in lagula dhaqmo golaha deegaanada Somaliland. Wasaarada Arrmiha Gudaha waa inay faraha kala baxdaa arrimaha golaha deegaanada(Municipal govenrments).

Dadweynahu waa inay xor u noqdaan siday ay u maamuli lahaayeen arrimahooga.Habka loo qiimaynayo degmooyinka uu noqdaa mid  cadaalad ku dhisan oo aan ku dhisnayn deegaan ama reer jeclaysi. Sida ka muuqata degmooyinka qaarkood  laguma  xulin  si xaq ah. Taasna waxay dhalin kartaa in dawladu ay ku weydo kalsoonida qaybo ka mid ah bulshadeenna.

Ugu dambeyn, si loo adkeeyo maamulka iyo nabadgelyada Somaliland, waa in deegaaanada Wajaale, Arabsiyo, Alleybadey iyo kuwa kaleba si toos u soo doortaan mayorka iyo golaha deegaankaba. Xakameyn, cabudhis dadweyne, iyo siyaassin la iibsado kama shaqayn doonto Gabiley. Reer Gabiley waxay u dagaalameen inay arrimahooga ay maamulaan, Somalilandna noqoto ummad isku maamusha dastuur. Wixii kale waa fawdo ,iyo is qab-qabsi hor leh.

Ali-Guban  Mohamed

Editor, Gubanmedia.com,

Covering Horn of Africa

aliadm18@gmail.com

COMMENTS
LINKS