Dal Laba Goor Lama Aqoonsado!Qalinkii; Maxamed Faarax Qoti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dal Laba Goor Lama Aqoonsado!Qalinkii; Maxamed Faarax Qoti.
July 24, 2019 - Written by Editor:

Quwaddihii tartanka ugu jiray kala qaybsashada wadamada aduunka Qarnigii  18-aad , inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca aragtida, fikirka iyo nidaamka qorshahoodii siyaasadeed, haddana waxay   aaminsanaayeen laba ha boo kala ahaa,  habka guumaysiga ah “ Colony” ( xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah uu u xukumo dal-kale)  iyo nidaamkii siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo ka xakameynta  wadamada kale, inta ay  soo korayaan ),   British Protectorate of Somaliland  waxa ay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u  ahaa boqortooyadii ingriiska  sannadihii 1841-1960-kii.  kuwaasoo ahaa 22-dal ee sida tooska ah ay u xukumaysay boqortooyadii ingiriisku.  Qarnigii 19-aad ged-gedoonkii iyo dabeylihii xornimo doonka ee ka socday dunida  sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British Protectorate of Somaliland  22-kii  Dal ee xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii  ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, kuwaasoo kala ahaa, :–  Cameroon, Togo,  Somaliland British protectorate,  Madafascara , Mali Federation,  Union Senegal, French Sudan, Congo,  Somalia,  Republic Dahomey, Niger, Upper Volta(Burkina faso) Chad, Central Africa Republic, Congo Brazzavilla, Cyprus, Gabon, Nigeria, Mauritania, Islamabad, Benin, I very cost.

ka dib markii dowladda Somaliland (British Protectorate of Somaliland) ka qaadatay xornimadeeda maxmiyadii ay u ahayd boqortooyadii Ingiriiska,  waxa ay la baxday magaca Jamhuuriyadda Somaliland ( Republic of Somaliland) balse,  maalmo yar ka dib,  waxa ay ka mid noqotay  12-kii  Dal ee isla wakhtigaasi  ku dhawaaqay inay sameysteen  hab-wadaag dowladeed oo mideysan, waxaana  gun-dhig u ahaa  dhinaca, dhaqanka, diinta, iyo luuqada ay wadaagaan, dalalkaasoo ahaa ”-   “Mali federation, French Sudan, Union Senegal, Republic of Somaliland, Somalia,  Republic  Dahomey, benin,  Republic of upper volta,  Upper Volta, Burkina faso, Niger,  Congo brazafil iyo Democracy Republic of Congo.

Markii ay dhex-mareen dhibaatooyin hor-lihi  dowladii la odhan jiray Katanga ee dalka Congo, waxa madax-banaanideedii ka qaadatay  dowladii  Democracy  Republic of Congo,  waxa iyaguna Xiisad xoogani  ka bilaabmatay xidhiidhkoodii  iyo  midowgoodi, dowladihii  Mali federation,  Union Senegal iyo French Sudan, isla markaana waxa ka go’day  French Sudan,  taasoo qaadatay madax-banaanideedii, lana baxday  Jamhuuriyadda Sudan “Republic of Sudan”,  haddana waxa  ku kala noqday israacii iyo wada-jirkii, taasoo mid waliba geesteeda u qaadatay  madax-banaanideedii Mali federation iyo Union Senegal,  waxa iyaguna midowgaasi ku kala noqday  Republic  Dahomey iyo benin  oo markii hore la baxay Republic of Upper Volta,  isla wakhtigaasi  waxa iyaguna ku kala noqday midowgoodii, oo qaatay  gooni isku-taag  iyo  madax-banaanidoodii, Burkina faso iyo Niger oo la isku odhan jiray  Upper Volta.

Dowladii  Jamhuuiryada Somaliland “Republic of Somaliland”  ayaa hormood ka noqotay raadinta midnimada ka dhalata shantii Soomaaliyeed, ee ay ka mid ahaayeen Somalida waqooyi barri ee dalka Kiiniya (kenia), Somalida degan gobolka galbeedka Itoobiya, Koonfurta Somaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo Jamhuuriyadda Somaliland,  si loo hello midnimadii shantii soomaaliyeed,  waxay Jamhuuriyadda Somaliland horseed ka noqotay midowgii koonfurta Somaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray, kuwaasoo la baxay Jamhuuriyadda Somaliya “Somali Republic”,   oo wada jiray mudo 9-Sannadood ah, ka dibna,  waxa iqlaab militariy ku qabsaday ciidamadii  taliskii  Maxamed Siyaad Barre.

In ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xooggagii  jabhadii SNM,  ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii,  waxaanay haddana isla-sannadkaasi  la dhalatay   23-kan Dal ee  qaatay madax-banaanida,  kuwaasoo kala ahaa:-  Republic of Somaliland, Goargia, Croatians, Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove , Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania,  Azerbaijan, Kazakhstan. 22- kaa dal laba goor lama aqoonsan ee waxa la aqoonsaday hal mar oo kaliyaata, Somaliland uma baahna aqoonsi ay aqoonsadaan dalalka shisheeyaha ahi ama ay ku dhawaaqaan in ay aqoonsan yihiin, sababtoo ah waxa la aqoonsadaa dal ka go’ay dal kale, laakiin, Jamhuuriyadda Somaliland waa dal aduunkoo dhami uu u aqoonsan yahay in uu ahaa dal xornimadiisii iyo madax-banaanidiisii ka qaatay maxmiyadii uu u ahaa boqortooyadii Ingiriiska, ka dibna la soo noqday madax-banaanidiisii, markaa umaba baahna aqoonsi uu ka sugu dalalka aduunka, sababtoo ah dal laba goor  lama wada-aqoonsado, ee horaa Somaliland loo aqoonsaday, balse arrinka kaliyaata ee la gudbooni uu yahay in Somaliland saaxiibo badan ku yeelato waddamada caalamka. Runtana Allaa Og. Somaliland waa dalka kaliyaata ee dadka ku nooli ay yihiin hal-qoys oo isku diin ah, isku-dhaqan ah, isku-luuqad ah, isku-sinji ah, isku-isir wadaaga marka loo eego dunida inteeda kale.

Sababaha dhaliya kala go’ida, ka go’ida iyo kala noqoshada laba dal ama dal, waxa  lagu  tilmaamaa dhinaca diinta, dhaqanka, luuqada, jinsiga iyo isirka,  kamay fogeyn  sababihii  ku keenay  in dalka Bakistan ka go’o dalka Hindiya.

Dadka Hindida  waxay  intoo badan caabudi jiray Lo’da, halka ay dadka reer Bakistaana ay dhaqan jireen, isla markaana hilibkoodana cuni jiray,  kadibna  waxay arrintaasi  ku keentay isku dhac colaadeed iyo inay dagaalo  dhexmaraan Hindidii  iyo Bakistaaniyiinta wada degenayd  dalka hindiya, waxaanay u arkayeen  Hindidu in maalin kasta mid ka mid ah IIlaahyadoodii la gowraco, isla-markaana ay cunaan hilibkooda  dadka reer Bakistan.

Haddaba marka aynu eegno koonfurta Soomaaliya ee la baxday dowladda Federalka Soomaaliya waxa u sabab ah inay yeeshaan  8-deed  madax-weyne oo ka kala taliya sida, Ximan iyo Xeeb, Galmudug, Xamar, Galbeedka Xamar, Putland, Kismaayo, Ehlusunna-wajamaaca iyo Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo leh 238 wasiir iyo in ka badan 400 oo xildhibaan.

Waxaana lagu qiyaasaa inay ku nool in ka badan 10-qoomiyadood oo ku kala duwan dhinaca dhaqanka, diinta, luuqada, sinjiyadda, isirka ay ka soo kala jeedaan,  waxaana lagu sheegaa in lagaga hadlo in ka badan 10-luuqadood oo kala ah, sida:-

Af-Bajuuni oo ah luuqad u dhow  afka Sawaaxiliga oo ay ku hadlaan dadka bajuuniga ah ee degan Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya iyo Waqooyiga dalka Kenya, dhalasho ahaan ka soo jeeda TUUNI oo ka mid ah qabiilada la yidhaahdo, Digil iyo Midhifle.

Magacyad deegaamada ay degen yihiina waxa lagu tilmaamaa inay yihii Af-baajuuni sida:-   Sanguuni, Kibsuuma, Kumbareera, Af-midow turdhi, Kismaayo oo macno ahaan noqonaysa  (KISIMA “Ceel”  Yoo “ Dheer “).

Af-Banaadiri waa luuqad ay ku hadlaan dadka banaadiriga ee degan koonfurta Soomaaliya iyo woqooyiga dalka Kenya, kana soo jeedaan Afrika iyo beershiya (Iran)  in kastoo ay la baxaan ragoodu magacayada sida: Iikar,Yaamad, Macaloo, Muriidi, Amoo Shee-mat , Sheenyaalo , Baaboo, Siidoo, halka dumarkooduna ay la baxaan sida:-  Maanfaay, Baa’iishe, Daadooy, Biibi, baa’ita, haameey, Abaasti, Daadooy, Roonooy, Baabinti, IWM, dhanka maahmaahyada waxa ka mid ah sida:- Dadayasho doorabo ka uurowti,  Erbet aruurti misaar, Tukulush timir gaaree waayi xaraar dhahyi,  La faltee la beeqtee ka roon.

Af-Baraawe waa luuqad af-sawaaxiliga u dhow oo ay ku hadlaan reer baraawe iyo banaadirugu , oo asal ahaan lagu sheego inay ka soo jeedaan boortaqiiska.

Af-Dabarre ama  Af-Ciroole  oo ah luuqad u dhow Af-maay taasi oo ay ku hadlaan  Dabarlaha iyo Ciroolaha  dega  gobolka bay, Jubada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya

Af-Garre  waxa lagu tilmaamaa inay u dhow-dahay luuqada af-baayga  oo ay ku hadlaan garraha degan shabeelada hoose ee koonfurta Soomaaliya,

Af-jiido waa luuqad ay ku hadlaan jiidaha degan shabeelada hoose , bay iyo jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya

Af-tuuni waa luuqad ay ku hadlaan Tuuniga degan shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe ee koo furta soomaaliya.

Af-maay waa luuqad ay ku hadlaan Maay-maayga degan koonfurta Soomaaliya, erayada luuqadaas waxa ka mid ah:-  matha dhuura” madax-xanuun”  qaathasha “ guurka,  Kood “qosol” birooyma “gudniinka “ hangfar”dabeel” owaraad “Xalay” surung “istaag”  nyaanyuur, “ bisada”  maanya “bada”  mid ka mid ah gabayadooda oo dhigan sidan : Aaw Rewinoow ul malaag ing fuully, eleeng liing fiiriya arryng luku sughaaw, eretybyho ky eediyoony ly etheegsythaw, umyty liing eleeyo ilkoo liing edaayaw, Allyma ay kiingly moqyng,  Unugi af gaapyno owaadjkey yeraathy, aathisba ilduufase iyow hang towaane.
Af-Gosha  waa luuqad ay ku hadlaan JareerGosha or Mushunguli degan Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Koonfurta somaliya waxaana la yidhaa Somali bantu, iyo Af-Somaliga oo ay yar yihiin dadka ku hadla  koonfurta soomaaliya.

Dhinaca cilmi falagga waxay xidhiidh wadaagaan Yementa iyo koonfurta Soomaaliya , laakiinse, waxay Yamentu kaga duwan tahay koonfurta Soomaaliya waa dad leh dhaqan qudha oo soo jireen ah, sidaa daraadeed waxay ku suntan tahay dhiig iyo colaad aan dhammaad lahayn koonfurta Soomaaliya, lagama yaabo in gobolka ka mid ah koonfurta soomaaliya uu ka go.o Runta Allaa Og.

 Qoraa:  Maxamed Faarax Qoti

COMMENTS
LINKS