MadaxweynahaJsl Oo Tacsi Udiray Shacbiga Iyo Eheladii Uu ka Baxay Marxuum Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar) Oo Caawa Ku Geeriyooday Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MadaxweynahaJsl Oo Tacsi Udiray Shacbiga Iyo Eheladii Uu ka Baxay Marxuum Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar) Oo Caawa Ku Geeriyooday Gabiley.
July 25, 2019 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

HARGAYSA(W,N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum oday Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar)  oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 25/07/2019, magaalada Gabiley.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loo soo galay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS