Sumcadii Qaranka Iyo Tii Muwaadiniintaba Waa Lagu Tuntay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sumcadii Qaranka Iyo Tii Muwaadiniintaba Waa Lagu Tuntay!
July 25, 2019 - Written by Editor:

Ayaan Daro ka wayn ma jirto marka waxii umadu dhigatay lagu tumanayo ee muwaadiniinta reer somaliland sifo qaldan lagu xidhxidhayo iyada oo la baal marayo sharciga dalka u yaalla .

Qofku haduu dambi galo wado sharcigu tilmaamay oo loo soo maro ayaa jirta, oo waa in aan muwaadinka waaran la’aan la soo xidhi karin marka laga yimaado xaalado kooban sida sharcigu tilmaamay.

Waxa ceeb ah oo horena u dhacday, haddana taagan in xildhibaano xasaanad leh oo umadi soo dooratay la iska soo xidhxidho, waana xadhigyo aad u foolxun oo muwaadiniinta reer somaliland aan qaban , waa sumcad iyo karaamo dil ku dhacaysa qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Waxa dheeraad ah intan ay dalka Madaxwayne Biixi iyo wasiir kaahin oo ciidan ahi qabsadeen in aad moodo in ciidmadii dadkii lagu fasaxay oo aan loo aabo yeelayn, waxa aynu ognahay oo kaliya inta magaca leh ee la xidhxidho, laakiin waxa jirta muwaadiniin jeelasha dalka ka buuxda oo aan iyaga cidina u hadal.

Waxa wax lalayaabo ah in dadka Somaliland dhayalsadaan habdhaqanka guracan ee noocan ah oo barito ku sii fidi Kara hadii aan maanta bulshadu ka kicin oo aan laga hadal xadhigyada sharciga aan waafaqsanayn ee dalka ka dhaca.

Sidaasi oo kale ay dadka reer somaliland meel uga soo wada jeedsadaan waxii habdhaqan kalitalisnimo u soo muuqda iyo waxii kale ee qaranka ka qaldan oo dhan , si ay umadani hore ugu socoto oo dalku noqdo mid kan maanta dhaama.

Dhacdooyinka dhacaa maaha qaar ay xukuumada oo kali ahi ku ceebaysan tahay , ee waa qaar qaranka oo dhan dhaawacaya oo wax yeelaya sumcadii iyo sharafkii uu lahaa, iyo sharafta dadka reer somaliland ba .

Hay’adaha qaranka ee xadhiga dadka laxidhiidho , sida police ka dambibaadhista, nabadsugida , asluubta iyo cidkasta oo qaranka masuuliyad u haysaa waa in ay gartaan cida loo shaqeynayo ee la ilaalinayaa in ay dadka tahay oo ay muwaadiniinta xil iska saaraan in aan xuquuqdooda lagu xadgudbin.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS