“Wasaaradda Waxbarashadu Waxay Eeday Xisbiga Kulmiye Markii Uu Xilka Qabsaday,Maantana..”Cabdilaahi Beershiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wasaaradda Waxbarashadu Waxay Eeday Xisbiga Kulmiye Markii Uu Xilka Qabsaday,Maantana..”Cabdilaahi Beershiya.
July 26, 2019 - Written by Editor:

Wasaaradda Waxbarashadu waxay eeday Xisbiga Kulmiye markii uu xilka qabsaday 2010-kii oo ahayd ka hor madaxweyne Muuse Biixi.. ilaa maantana dhibtii gaadhay ayey baabacooyinka dhulka ku haysaa.

waxba kordhin maayaan dagaalada macno-darrada ah ee ka socda gudaha shaqaalaha ka hawl gala meeshaasi… sidan haddii ay sii ahaato waxay bahdilaad ku tahay aqoonyahanka iyo caqligii fayow ee wadaniga ah.

Weli wasiir toosan oo daacad ah amma koox dhab ah oo dareen dadnimo ku jiraa fursad umay helin hoggaaminta Waxbarashada Somaliland marka laga tago in kooban oo aan muddooyinkoodu dheeraan..

waxa aynu u baahanahay in Madaxweynaha, ay ka codsadaan amma kala shiraan aqoonyahanada iyo dadka lexjeclada leh in loo sameeyo dalka guddi adag oo waxbarashada inoo maamusha oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada iyo nidaamka waxbarashada ee dowlada.

waxaynu ka jawaabi lahayn su’aalo aasaasi ah oo aan inoo qeexnayn ilaa immika 30 sanno ka dib sida waxbarasho waa maxay? wadadee ayaa loo marayaa? yaa go’aan ka gaadhaya masiirka waxbarasho ee ubadkeena? wallaahi waa meel soke loolanka gacan ku samayska ah ee u dhexeeya dugsiyada private-ka ah iyo dugsiyada Dowladda.

Waxaynu u baahànnahay gurmad ballaadhan oo aynu ku soo celino karaamadii waxbarashada iyo goobaha waxbarashadu leahaayeen.. maaha oo keliya wajib saaran Madaxweynaha.. ee aqoonyahanka iyo dadka damiirka leh oo dhan ayey arintani saaran tahay.

Haddii aad tagto dugsiyada dowladda qaar ka mid ah waad ilmeynaysaa. kuwa kale ee aan dowliga ahayna wax weyn oo la sheego ma dhaamaan… guntii iyo gebogebadii Dadka ka dhex casheeya buuqa laga rido nidaamka WWTS iyo goobaha waxbarashada ee kale waxa ku haboonaan lahayd inay dalka u sheqeeyaan kol haddii loo igmaday xilalkii wasaarada waxbarashada.

QALINKII; MACALIN CABDILAAHI BEERSHIYA

COMMENTS
LINKS