Tiro-koobka Dadka Ku Nool Somaliland Iyo Caasimada Hargeisa Maxaa Ka Qaldan!W/Q;Saleebaan Xuquuq. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tiro-koobka Dadka Ku Nool Somaliland Iyo Caasimada Hargeisa Maxaa Ka Qaldan!W/Q;Saleebaan Xuquuq.
July 26, 2019 - Written by Editor:

Tirada Dadka ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxa ay Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Waaxda Tirokoobku (Statistics Department) ay Ku sheegtay sanadkii 2014 in ay ahayd tirada dadka ku nool caasimada Hargeisa 500,000 ilaa 600,000 qof.

Buuga ay qoraan Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA waxay tirada dadka ee Hargeisa ku sheegeen 760,000 qof sanadkii 2015. Halka ay Hay’ada UNDP iyaduna waxay ku sheegtay In Hargeisa Ku noolaayeen sanadkii 2005tii dad tiradoodu dhan tahay 560,028 qof. Wakhtigan xaadirka ah 2019 World Population Report ayaa ku sheegay in ay Hargeisa Ku nool yihiin 1,200,000 ruux.

U fiirso warbiximaha 2015 kii la qoray waxa ugu yar tirada ay Wasaarada Qorshaynta Somaliland soo saareen oo ah in Hargeisa ku nool yihiin 500,000 ilaa 600,000 ruux.

Tirokoobka Dadka Ku nool Jamhuuriyada Somaliland waxa ay Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland Ku sheegtay sanadkii 2014 in ay tahay 3,500,000 ruux.

Wasaarada Qorshaynta Puntland waxay ku sheegtay sanadkii 2016 tirada dadka ku nool Puntaland in ay tahay 4,334,633 Ruux, inkasta oo ay ku darsadeen Sool iyo Sanaag bari hadana Afar Milyan iyo badh ma ku nool yihiin Puntland?

Mashaariicda Horumarinta iyo kuwa Caawimada ahba waxa ay Qaramada Midoobay iyo Dawladaha Dunida ee Gargaarka bixiyaa Ku sargoooyaan tirakoobkaasi kor Ku qoran.

Su’aasha muhiimka ah ayaa ah Tirada Dadka Ku nool Somaliland iyo kuwa Ku nool Puntland Kee Badan?

Su’aashaasi waxa ka jawaabtay Xukuumada Somaliland oo Tirokoobada ay soo saaraan ay cadaynayaan In dadka ku nool Puntland ay ka tiro badan yihiin kuwa Ku nool Somaliland.

Maxaase ka Khaldan Xukuumadaha Somaliland ee soo Saaraya tirokoobada Malo-Awaalka ah oo xataa ay Qaramada Midoobay iyo dalalka dunida Qaar ku gacan saydhayaan.

Hargeisa Wikipedia bal akhriya 500,000 ruux ayaa Ku nool Hargeisa ayaa Ku qoran, Duqa Magaaladana waxa ka ah Abdirahman Mohamoud Aydiid SOLTECO ayaa Ku qoran

QALINKII; SABEEN BULAALE(SALEEBAN XUQUUQ)

COMMENTS
LINKS