Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada Iyo Deegaanka Jsl Oo Markii Labaad Dib u Dhacaya Intii Xukuumada Madaxwayne Biixi Talada Haysay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada Iyo Deegaanka Jsl Oo Markii Labaad Dib u Dhacaya Intii Xukuumada Madaxwayne Biixi Talada Haysay!
July 28, 2019 - Written by Editor:

Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada Iyo Deegaanka Jsl Oo Markii Labaad Dib u Dhacaya Intii Xukuumada Madaxwayne Biixi Talada Haysay, Iyo Suurtagalnimada In Ay Mar Sadexaad Dib U Dhacaan!

Waxa diyaar ah mudo kordhintii labaad iyo jiitankii doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland intii xukuumada Madaxwayne Biixi hogaaminayaa talada qaranka haysay , waana ayaan daro weyn in doorashooyinka dalku ku dhici waayaan xili cayiman oo la isla yaqaano iyaga oo aanay jirin sabab maangal ah oo la taaban karo oo dib u dhigeysa doorashooyinka Somaliland 99.9% waxii mudo kordhin doorasho Somaliland ka soo dhacay.

Waa kan xaga hoose ku lifaaqan heshiiska ay axsaabta qaranku ka gaadheen khilaafkii u dhexeeyay ee dib u riday doorashada.. Haddana waxa muuqata in aanay cayinayn xiliga doorasho qabsoomaysaa, waxaana muuqata in mudo kordhin kale soo socoto, oo ay wax ka suuragali karaan mar hadii khilaafkii meesha laga saaray.

12/12/2018 ayaan qoraal ka qoray in aanay doorasho dhacayn markii la mudeeyey sanadkan aynu ku jirno dabayaaqadiisa , sababtuna waxa ay ahayd iyada oo waxii la isku diidanaa ee sababay in ay taa hore dib u dhacdo aan meesha laga saarin.

Waxa aynu wada ognahay in dalku gilgilmi lahaa hadii ay doorashhoyinkaa maanta markii labaad dib u dhacaya inta ay xukuumada Biixi talada haysay ay ahaan lahayd doorasho kursi Madaxwayne ama madaxtooyo hadba sida aad u taqaano.

Laakiin waxa ay ka dhigteen axsaabtu hal xidhaale lagu kala adkaado maadaama aanay jirin dad u diyaar ah doorashada Golaha wakiilada iyo doorashada goleyaasha deegaanada dalka oo iyaga iyo dalkaba culeys ku haya ilaashanayana xili doorasheedka la mudeeyey.

Waxa la isku haystaa waa masiirkaagii iyo kii umadani lahayd oo laga dhigtay wax lagu kala adkaado oo midina aanu ka tanaasulin halkuu qabsaday , caqabadaha doorashooyinka dib u dhigaana waa qaar la abuuro had iyo goor oo aan ahayn wax iska dhaca, waxaaba dhici karta in ay cidi cimri dherer ka dhigato caqabad ay samaysay oo aan hore u jirin oo doorashada la hordhigo.

Waxaaba aad moodaa in dadkii ka qanceen doorashooyinkii amaba ay ka niyad jabeen balanqaadyada axsaabta siyaasada ee marka ay kursiga doonayaan iyo marka ay gaadhaan kala duwan , laakiin waxa ay ahayd in aan la niyad jabin ee dabada lagaga taagnaado ilaa inta nidaamku saxmayo oo doorasho walba xiligeeda la qabanayo.

Beesha caalamka iyo dadka doorashooyinka dhaqaalaha ku bixiya ee danaynaya Somaliland ayaabad moodaa in ay inooga lexo jeclo badan yihiin waxii aynu dhiganay maadaama aynu sharcigeenii , dadkii iyo dalkii midna ixtiraami waynay.

Khilfaafkan u dambeeyay imiku waxa uu ahaa ;

 

Madaxwayne Biixi waxa uu ka cararayey komishankii doorashada aad ku soo baxday dhexdhexaadinayey hadii la kala diro maadaama aanay mucaaridku dhex u arag in ay u macno eeg tahay doorashada aad ku soo baxday waxba kama jiraan , waa sababta uu ugu dheganaa komishankan hore.

Qolada mucaaridku waxa ay u arkeen eedaynta komishankii qabtay doorashadii madaxtooyada maadaama ay diideen in ay fursad u tahay in komishan xubno loogu kordhiyo tiradii hore ee ahayd 7 xubnood guul ay gaadheen iyaga u tahay maadaama ay arkayeen in goljilic ka banaanaatay halkaa ay lib ka keeni karaan.

Isku soo wada ururi oo waxa hada muuqata in qorshihii Biixi ee ahaa in komishankaa hore ceeb ka saliim yahay oo wakhtigooda dhamaystaan guulaystay , halka ay wali shuruudo ku xidhan yihiin qorshihii ay mucaaridku fursadan la eeganayeen ee ahaa in komishanka laba xubnood loogu daro labada xisbi mucaarid.

Walina waxa aan cadayn xiliga doorasho baarlamaan dhici doonto iyo xiliga doorasho goleyaasha deeganada dalku iyaduna qabsoomi doonto oo aan la garanayn in xataa mar sadexaad ay dib u dhici doonaan inta xukuumada Biixi talada hayso oo markii labaad hada taagan yahay dibna ay u dhacayaan.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS