Dahabshil Motors Mise Boodhari Mills!W/Q;Saleebaan Xuquuq. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dahabshil Motors Mise Boodhari Mills!W/Q;Saleebaan Xuquuq.
July 28, 2019 - Written by Editor:

DAHABSHIIL wuxuu inoo keenay Gaadiidka Faajafaajoodka ee Raaxada oo kor u qaadi doona shilalka ay dad badani Inagaga dhintaan qaar ka sii badanina inagaga Dhaawacmaan. In Cashuurdhaaf loo sameeyaana waa suurtogal.

BOODHARI MILLS waa dhalinyaro aan sida Dahabshiil dalka kashaqaysan balse Qurbaha ka sooxoogsaday oo intay isku darsadeen mushahaarooyinkoodii kadibna dalka ka dhisay Warshadii ugu Horaysay oo samayn doonta Daqiiqdii ama Burkii aynu dibada kala soo dagi jirnay.

BOODHARI MILLS waxay shaqo abuur u samaynaysaa kumanaan muwaadin oo qaar warshada ka hawlgalaya iyo beeralaydii oo beerahoodii qamadiga daqiiqda laga sameeyo Ku beeraya kadibna ka iibinaya Warshadda BOODHARI MILLS.

Dhalinyaradan shuraakada Ku ah BOODHARI MILLS waxay dalkeenii ka beerayaan oo siidhadhkii u keeneen Qamadiga Burka laga samaynayay Beeralaydeenii qalabkii qodista beeraha iyo kii waraabka ayay dalka keeneen warshaddii daqiiqda ka samaynaysay ayay keeneen.

Caloosha Muwaadiniintu Cuntadii ay cuni lahayd oo organic ah ayay BOODHARI MILLS dalka ka beerayaan isla maraasina dalkeena warshad Ku dhex taal inoogu farsamaynayaan.

DAHABSHIIL oo ka hodmay dakhliga Soomaalida oo ku nool maalintii In ka yar hal Dollar. Waxa uu kuu keenay baabuur $30,000 ah, oo shidaalkii iyo saliidii iyo spare parts iyo taayiro raba oo Qalibmaya oo kordhinaya shilalkii gaadiidka oo dad iyo Xoolaba Ku dhimanayaan.

Ma ogtahay Muwaadin:

Goranyadu ilmaheeda aroori bay dhigtaa oo aboodigu Ku laayay

Shinbirtuna Aroos ay ilo xidhoo amaan ahbay ubadkeeda seexisaa

Kala awaran labaduye edebtiyo aqoontiyo … ayay isku dhaafeen

QALINKII; SALEEBAAN BULAALE (SALEEBAAN XUQUUQ)

 

COMMENTS
LINKS