Saddexda Qodob Ee Ugu Waaweyn Ee Lagu Heshiiyey Iyo Mid Waliba Qodobka Uu Diidanaa Ee Uu Hadda Aqballay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saddexda Qodob Ee Ugu Waaweyn Ee Lagu Heshiiyey Iyo Mid Waliba Qodobka Uu Diidanaa Ee Uu Hadda Aqballay!
July 28, 2019 - Written by Editor:

Si Dadku u fahmaan, isla markaana mid waliba ka uu ku dhegsana iyo ka uu doonayey u ogaatid, waxa fiican in saddexda qodob aan horta soo bandhigo, ka dibna mid waliba ka uu ogolaa iyo ka uu diidana aynu tilmaamno.

saddexda xisbi qodobadan ay ku heshiiyeen mid waliba kuu diidiinaa ayuu xalku noqday inuu ogolaado.

Markii dhinacyadu soo bandhigeen qodobada isku haystaan oo kala ahaa qodobada ugu waaweyn sidan;

1.Komishanka la kordhiyo oo laga dhigo sagal xubnood oo xisbiyadu mucaaradku wateen,

2.In guddida doorashooyinku diyaariyaan diiwaangalinta Codbixiyeyaasha oo mucaaradku diidana xukuumaduna doonaysay in shaqado sii socoto..

3.Iyo in xisbiga WADDANI dib ugu soo celiyo wakiiladii komishanka u joogay si shaqadi usii socoto.

Saddexda qodob oo midna xukuumadu diidanayd labana mucaaradku, waxa lagu dirqiyey in mid waliba qaato oo uu liqi waxa uu diidanaa.

1.In komishanka la kordhiyo oo ay wateen xisbiyada mucaardku balse ka gaws qaniinayeen xukuumadda iyo xisbigeedu way ogolaadeen, waxaana lagu xidhay in sharciga la mariyo oo baarlamaanka la hor geeyo ka dibna wax ka bedel ku sameeyeen xeerka doorashooyinka, markii hore xukuumaddu waxay ku doodaysay in sagaal laga dhigo marka baarlamaanka cusub yimaado oo wakhtigasi xeerkaasi wax laga bedelo, balse waxa hada lagu heshiiyey in baarlamaankan jooga ka dhigaan sagaal xubnood oo xeerkasi hadda isbedel lagu sameeyo.

2.In guddida doorashooyinka hadda jira sii shaqeeyaan oo diiwaangalintii codbixiyeyaasha sii diyaariyaan waxa diidana mucaaradka gaar ahaan xisbiga WADDANI oo ka soo horjeeday in guddida doorashooyinka ee hada jooga wax shaqo ah qabtaan, way ogolaadeen inay sii shaqeeyaan inta la soo magacaabay guddida cusub, waxa lagu siyaadiyey in kuwan joogana sii diyaariyey diwaangalinta codbixiyeyaasha, guddida cusubna qabato diiwaangalinta iyo doorashadda.

3.In xisbiga WADANI dib usoo celiyo wakiiladii xisbigiisa u joogay xarunta komishanka doorashooyinka oo uu kala baxay markii uu qaadacay inuu wada shaqayn la sameeyo komishanka aan muddo xileedkiisi dhamaan ee hada sii shaqaynaya.

Saddexda sanadka iyo badhka isku mari kari la’aayeen ee qaadhaan bixiyeyaashu ku xaliyeen ee mid waliba wixi uu diidana ku dirqiyeen waa intaas.

sawirkan idin muuqda waxaan ka soo jaray sadexda qodob ee hada lagu heshiiyey ayey ka mid yihiin.

waxa xusid mudan,

Somaliland waa markii labaad ee beesha caalamku soo farogaliso markii ay ku heshiiyeen waayeen qabsoomida doorashadda, markii kowaad waxay dhacday 2009-kii oo madaxweyne Daahir Rayale iyo xisbiga UCID iyo KULMIYE ku heshiin waayeen qabsoomida doorashada, taas oo markii dambe lagu heshiiyey lix qodob oo beesha caalamku ku dhex dhexaadisay, taas oo dadweynuhu waagaasi u arkayeen wax ceeb ku ah Somaliland Inay iyagu iskood u heshiin waayeen.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR

COMMENTS
LINKS