Hadaladii Siyaasada Ee Maalmahan Ugu Dambeeyay Ugu Hadal Haynta Badnaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadaladii Siyaasada Ee Maalmahan Ugu Dambeeyay Ugu Hadal Haynta Badnaa!
August 3, 2019 - Written by Editor:

Hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in qofku haduu beel yahay in aan lagu dagdagin dilkiisa oo beelo loo kala baqo, laakiin ciidamada la iska laayo waxa uu iila muuqdaa mid gar ah , oo runta ku fadhiya hadalkaasi haseyeeshee madaxweynaha waxa seegtay in uu shicibka ciidamada xabadoodu maalin walba disho wax ka yidhaahdo.

Hadalkii Gudoomiyaha Gudoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi inta kale oo dhan waan qaatey aan aheyn laba arimood oo uu sidii uu jeclaa ama suuqyada laga yidhaahdo uga jawaabay oo ahaa ta dulqaadka oo uu ay iila muuqatay in uu uga jeeday Biixi in ciidanka la laayaa waa ficil la’aan dawlada laga arkay iyo ta uu lahaa qofku haduu beel yahay in la dilo laguma soo dhiirado oo beeshiisii ayaa laga baqanayaa macnaheedu oo uu ciro ku sheegay in uu hurinayey colaada beelaha.

Hadalkan ugu dambeeyay ee wasiirka warfaafinta uu jeediyey caawa oo aan garan waayey waxa uu uga jeedo oo isaguna foolxumo iyo naxli uun sii abuuraya , iyo in masuuliyad xukuumadu lahayd ay dooneyso in nin dibada ka jooga ay ku eedayso oo iyaduna wax lala yaabo ah , tu kale oo ka sii daran oo ah in Jabhada Caare tahay garab ka go’ay Waddani oo iyaduna la yaab ah iyada oo la og yahay in kornayl caare iyo ciidankiisu u badan ciidamada qaranka Somaliland oo cadhooday.

Isku soo uruuri masuuliyada qaranka waxa leh xukuumada Madaxwayne Biixi gadhwadeenka ka yahay inta ay joogto waxii dhaca wanaag iyo xumaan intaa mudo xileedkeeda lagu guda jiro iyada ayaa masuuliyadeeda leh , wax ay cidi la wadaagaysona maaha ama eed cid kale lagula saarayo.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS