Arrin Baa Iga Wareeriyay;Geel Jiruhu Isagoo Garanaya Halkuu Ka Jarayo Laanta, Ayuu Yidhaa!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arrin Baa Iga Wareeriyay;Geel Jiruhu Isagoo Garanaya Halkuu Ka Jarayo Laanta, Ayuu Yidhaa!Prof Cabdi Cali.
August 5, 2019 - Written by Editor:

Arrin Baa Iga Wareeriyay; Geel Jiruhu Isagoo Garanaya Halkuu Ka Jarayo Laanta, Ayuu Yidhaa; Halkaan Ka Jaraa;Talo Ma Igu Dhaantaa!! Ma Jirtaa Cid Sidaydan Oo kale Arrinkani Dhibay, mise Waa Aniga Uun?!!!

Rag Baa Halgan soo wada galay; ballanku wuxu ahaa dalkeena iyo dadkeena liita aan u miciino; markii guushii la helay ayaa lala soo baxay gad cusub oo aydaan isku ogeynba, waddankiina jiho aydaan isku ogeyn ayaa loo kaxeeyay!!!

Dibaddaad u soo booday, waad qaylisay; qolo kale oo sii qaylinaysay ayaa codkiinii isku darsamay; aynu wada hawlgallo ayay ku yidhaahdeen; garashadaydu waxay ii sheegaysaa in ay ka buuxaan kuwii oo kale; immika isku ra’yi baad ka tihiin wax kasta; laakiin maalinta ay xagga kale miiska ka soo fadhiistaan, waa kuwii aad ka soo carartay, oo filimkii laftiisii oo ka sii foolxun ayay jilayaan hadday doonaan!!!! Markaa arrinku yuu isu kaa dhuubin; dadkan qof kastaa waa laba qof; qof immika halgamaya, xaqa ku addimaya; iyo kan hadhow isagu boobka iyo qabyaaladda ku shaqaynaya, isagoo mararka qaarkood sida sakaarada aasaya saalo la arkaayo!!!!; doqoniimad ayay kaga dareen!!! laakiin iyagu adigay doqon kuu haystaan la jaan qaadi kari waayay!!!

Su’aasha labada qaybood ah ee aan talada uga baahanahay:

1-sidee baan ku gartaa immika kuwaas khaayimiinta ah; sidee baan u kala leexannaa immika; ma rabo in aan hadhow garto goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen?! wax niyad ahna uma hayo in aan la shaqeeyo dad caynkaas ah?; midna way ii dheertahoo qofkii aanu immika shaaha wada cabbaynay, ee aanu dhaliilaha xukuumadda wadaagaynay, marka uu iga kaco waxan is odhanayaa talaw labdii qof waa kee?!!; dee marka danbe waxay noqonaysaa in aad tidhaa, waar malaa adiga laftigaagu sidan oo kale ayaad tahay!! boobka, dhaca qabyaaladda, sharci jabinta, dafiraadda asxaabtii halganka aad isugu dhawaydeen,!!!IWM.

Habeenada mawjaddaasi igu furanto, waxan go’aan ku gaadhaa in aan siyaasadda iskaga baxo, waxa i hortimaadda anigoo miiska xagga kale ka soo fadhiistay, ama si dhow ula shaqeeyay cid middida daabkeeda haysa, oo kii kale noqday; ugu danbynta cod kale ayaa ila hadla si deggan ayuu u yidhaa:: ADIGU MA NOQONAYSID SIDAAS OO KALE; codkaas baa guulaysta mar kasta!!! wuxu ku soo ururiyaa sawdigan adigu soo jeedaa (connsciousness); wuxu sii raaciyaa kuwan xumi ma aha self-conscious, macnaha isma oga; talow taasi waali ma noqonaysaa?!! qof aan is ogeyn in uu laba yahay; labada jeerba wuu garnaqsanayaaa!!! ismana oga!!!. mise talaw wuu is ogyahee, wuu badheedhayaa!!

2-Sidee baan ku gartaa kuwa isbeddel doonku ka dhab yahay; horta, already, immika dhawr buug oo ka hadlaya Charcter ka iyo dabaeecadaha bani’aadamka waan akhriyay; si immika aan u garto oo aanu isu kaashanno kuwa ay ka dhab tahay; Ilaahaw muu ahaado qof kaliya; anigu ma rabo tiro; halgankayaga ayaanu iska wadan lahayn illaa inta aanu ka dhimanayno ama guusha helayno; jiil halganka halkaa ka sii wada ayaanu abuuri lahayn, haddii aanu annagu hawlgab noqonno iyada oo aan guushii la gaadhin; ku xisaabtan marka aad talada bixinayso, aniga waqtiga guusha lagu gaadhayaa muhiim iima aha; waxa ii muhiim ah in aan helo dad isbeddelku ka dhab yahay, si aan mar walba xabaal bilaash loo qodin? if you see what I mean!!! mise wax waynba kamaan hadline waan idin dawakhiyay uun?!!!

QALINKII; Prof Cabdi Cali ; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS