WAJAALE NEWS
Siyaasiga Iyo Go’aanka Shacbiga! W/Q; Qoraa Maxamed Baashe,
August 6, 2019 - Written by Editor:

Fashilka Siyaasiga Hoggaamineed Waxa ka Markhaati Kacaya, Sida Ay Maanta Wax Isugu Cayn Iyo Bayd Go’meen”Qoraa Maxamed Baashe,

Siyaasigu marka uu ku guuldarraysto kaalintiisa jihaynta iyo aragti abuurka bulshadiisa ayaa waxa uu fashilkiisa la hoos galaa bulshada lafteeda, waxa aanu ku tilmaamaa arrimaha waaweyn ee go’aansiga siyaasiga ah dalbanaya “waa go’aan shacbi”. Bulshada ayaa markan gaadhaysa go’aankii hoggaamiyeyaasha siyaasadda, halka siyaasiyiintuna bulshada ku raacayaan ee daba kuutinayaan.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dhabta ah, garashada iyo kartida hoggaamineedna lehi ma oggolaadaan in rabitaanka bulshada oo keli ah ay iska daba gurguurtaan.

Hoggaamiyaha dhabta ahi waa ka akhriyi kara dareenka iyo doonista shacbigiisa. Iskama daba jiitamo rabitaabkaas bulshadiisa ee waxa uu bulshadiisaa ka horreeyaa tahan iyo in badan. Meel fog oo aanay bulshada waxba ka arki karin baa danta bulshadiisu uga hirtaa oo uga muuqataa. Waxa uu abuuraa aragti uu dhacsiiyo bulshadiisa, kuna jiheeyo, taas oo bulshada inteeda badani ka dhex arki karto danaheeda madhaafaanka ah.

Bulshadu, aragti abuurkaas oo leh qorshe iyo tabo lagu beegsado, waa ta u soo hilowda ee u riyaaqda. Iyada oo aan is ogayn waa ta danahaas iyo qorsheyaashaas difaacda ee isu soo taagta. Bulshadu dabadeed waxa ay taas ka soo dhalaalkeeda ku daba gashaa hoggaamiyaheeda, isaguna (hoggaamiyuhuna) sidaas ayuu keenada ugu qabtaa oo uga shaqeeyaa hawadinta hawlahaas bulsheed iyo qabyo-tirkooda oo ah arrin gudinta loo hay ah oo maalin kasta gufeynteeda joogteysan tahay.

Dhinaca kale, bulshada bisili ma oggolaato haddii ay ugu muuqato in siyaasiyiinteedu ay hoggaamintii la ambanayaan, in kasta oo ay marka hore ba bulshada bisili soo saarto hoggaan siyaasadeed oo shirraban, haddana haddii ay dhacdo in hoggaanku surmaseegto iyo xagal-dhaac yeesho bulshadu waa ta ku baraarugta, kana hortagta fashil yimaadda.

Hoggaan la’aanta ama hoggaan xumaantu waa lafdhabarta mushkiladdeenna dawlad la’aaneed ama dawlad xumaaneed. Sooyaalkeenna dawladnimada casriga ah ayay taasi ilaa bilowgeedii iyo ilaa eeggan ka dhex muuqataa.

26 Juun 1960 gobannimadii la gaadhey waxa loo aaneeyaa hoggaamin xumo. Nimankii siyaasiyiinta ahaa ee bulshada hormoodka u ahaa waxa ay raaceen neecawdii iyo dabayshii midnimo-doonka ahayd ee shacabku ku dhololo’ayeen. Wax talo ah oo masiiri ah iyo wax qorshe ah oo dawladnimo ah midna ma aanay samayn ee waxa ay 29 Juun 1960 diyaarad u raaceen Muqdisho, iyaga oo aan waxba ku wada socon. Keli ah, waxa ay raaceen shacbigii midnimada doonayey.

Bulshadu wax dembi ah taas kuma lahayn oo waa ay ku saxnayd, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waxa laga doonayey laba mid uun oo kala ahaa: in ay bulshada ku qanciyaan wax midnimo degdeg ah u dhaama oo ay ku negeeyaan ama in ay abuuraan qorshe lagu galo midnimo waxtar u leh. Labadaas midna ma aanay samayn ee waxa ay galeen midnimo aan macne iyo waxtar midna yeelan oo markii si xun loo maamulay na waxyeello noqotay.

Markii ay talo faro-ka-haaddeyna, waxa ay siyaasiyiinta hoggaamineed fashilkoodaas ka hoos galeen dareenkii iyo rabitaankii shacbiga ee ahaa midnimo-doonka. Waxa ay yidhaahdeen, “waxa ay midnimadu ahayd go’aan shacbi”.

18 May 1991 waxa dhacday arrin taas la mid ah, cakiskeeda se ah. Markii uu taliskii Maxamed Siyaad dhacay ee Burco lagaga dhawaaqay la soo noqoshadii gobannimadii 26 Juun ee lagu hungoobey.

Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii SNM oo arrintaas Burco ka hadlayey waxa uu sheegay in laba nin abaabul xooggan sameeyeen. Yaxye Xaaji Ibraahim, AHN, oo reer Gebiley ahaa iyo Axmed Maxamed Halac, AHN, oo bariga Burco ahaa. Abaabul xoog leh ayay galeen. Markii ay dad badan ku qanciyeen dib ula soo noqoshada xorriyaddii 1960, ayay Xasan Ciise u yimaaddeen oo u sheegeen ra’yigooda. Xasan Ciise waxa uu sheegay in uu markii hore ka diidey aragtidooda oo aanu ku raacin.

Sida Xasan caddeeyey labadaas nin waxa ay sii wateen abaabulkoodii, waxna ay hanteen dad badan oo ay ku jireen saraakiil badan oo SNM ka mid ahaa. Burco ayaa shir lagaga dhawaaqay. Xasan Ciise iyo labadaas marxuun mar kale ayay kulmeen. Xasan waxa uu sheegay markii uu arkay xoogga iyo faraha dadka la socda in uu ku raacay fekerkooda, hase yeeshee guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), AHN, uu aragtidaas si cad uga biyo-diidey.

Ma aha Cabdiraxmaan Axmed Cali oo keli ah ee arriintaas gooni-isu-taagga waxa aan si buuxda ugu qancin inta badan siyaasiyiintii waaweynayd ee gudaha ku sheegnayd ama dibed ku sheellayd.

In siyaasiyiinta hoggaamineed aanay go’aamiadii shirkaas Burco ka soo baxay ee Gooni-isu-taagga ku qanacsanayn waxa daliil u ah in ay Muqdisho u direen wefti rasmi ah oo heshiisyo kula soo galay Maxamed Faarax Caydiid, AHN, laba bilood iyo badh ka dib ku dhawaaqa la soo noqoshada xornimada. Magaca SNM iyo USC ayaa heshiisyadaas lagu soo wada galay.

19-kii Julay – 8-dii August 1991 ayaa wada hadallo labada dhinac u socdey waxa go’aannadii la gaadhey ee qalinka lagu duugey ka mid ahaa:

-In labada urur u adeegaan sidii loo wada yeelan lahaa midaynta siyaasadda dibedda, barnaamijyo mashaariic horumarineed, manhajyada waxbarasheed, lacagta iyo gaadiidka iyo is gaadhsiinta

-In ay isku furnaadaan isku socodka ganacsiga labada shacbi, lana kobciyo xidhiidhka hiddaha iyo dhaqanka, si loo xoojiyo gacaltooyada iyo walaaltinnimada.

Wada hadalladaasi xallinta dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed waxa ay u dhaafeen in ay u taallo dadkeeda. Aayo ka talin wixii ku saabsanna dhib baa loogu riixay xilliyo dambe. Waayo markaas gooni-isu-taaggu waxa uu dhacay laba bilood ka hor in ka badan oo ay Somaliland gooni u taagnayd.

Dhinaca weftiga SNM waxa go’aannada wada hadalladaas u saxeexay Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, markaas na ahaa guddoomiyaha weftigaas. Dhinaca USC waxa heshiiskaas u saxeexay Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo AHN ahaa guddoomiyihii USC.

Mar kale, go’aankan weyn ee masiiriga ah siyaasiyiintii hoggaamintu kuma yeelan kaalintii loo baahnaa, waxa aanay ku sharraxeen fashilkooda in go’aankaasi uu ahaa mid shacab. Waa run oo go’aan shacab buu ahaa, waayo waa in cid kale go’aan gaadhaa marka ciddii go’aaminta lahayd buste qoyan hoosta ka gasho. Mar kasta waa go’aan shacab oo aanu wax door ah siyaasigu ku lahayn oo uu bulshada go’aankeeda iska daba kuutiyey.

Fashilkan siyaasiga hoggaamineed waxa ka markhaati kacaya sida ay maanta wax isugu cayn iyo bayd go’meen. Isku mar ayaynu ka wada inaabsannay hoggaankii talada markaas hayey iyo mucaaridkii talada ku ilaalin lahaa ee berrina hoggaanka in uu qabto isu diyaarin lahaa. U fiirsada hoggaaminta sare ee qaranka; xukuumadda talada haysa talo iyo qorshe xumaanteeda, saddexda xisbi qaran iyo qaab-dhismeedkooda ama sida ay u hawlgalaan ee hor iyo dabo-diidnimada ah. Eega wakiilladeenna golaha ku dhex asaasaqay muddo-xileed ahaan iyo guurtideenna dhaxaltooyadu carruuraysay. Waa fashil soo jiitamayey oo hoggaamineed, maantana gaadhey halkiisii ugu madaxa fiiqnayd.

Somaliland oo ay madax iyo minjo la’aan dawladnimo ku sii baahayso oo caddaalad darradu cirka isku sii shareertay ayay ina saaqaysaa, maantana mar kale, neecawdii 1960. Dad badan ayaa hadal haya “Mar Kale Midnimo”. Waa dhab taasi oo dareenkaasi waa mid laabta la soo kacaya; in ka gubata oo is diidsiisa iyo in u riyaaqda oo u rixisaba.

Waa dareen xitaa ka gudubsan oo indhaha ka lalinaya daruufaha iyo waayaha dhinaca kale (Soomaaliya) ka dhisaalan. Dareenkaasi isma weydiinayo sida mar kale loo midoobi karo iyo waxa lagu midoobayo iwm. Dadka qaar waxa ay hilaadinayaan in si ka xun sidii 1960 Xamar loo tegey haddana iyada oo loo kala socdo loo tegi karo, haddii aan talo iyo qorshe hadda laga sii yeelan.

Hadda (2019) mar kale kaalintii siyaasiga meesha kama muuqato, wax door ahna kuma laha dareenkan kala daadsan ee aan bu’da lahayn ee soo kordhaya. Waxa ugu weyn ee dareenkan dabada ka riixaya ayaa u muuqda maamul xumada iyo caddaalad darrada shinkeedii dhaaftay ee gaammurtey ee Somaliland ka jirta oo ah isirro ka soo rayn waayey tan iyo 1991 in ay ka sii daraan mooyaane.

Mabaadi, midnimo jacayl iyo waddaniyadi inta badan waa barkumataal, waxana ka xoog badan cadhada iyo umalka gaaxdey ee ka dhalanaya tabashada siyaasiga ah ee bulshada qaybo badan oo ka mid ah. Waa taas ta halista ahi. Waa marka aanay talo iyo qorshe lagu wada socdaa jirin. Xitaa inta wax tabanaysaa ma wada socdaan, waxna kuma wada socdaan. Hoggaan siyaasadeed meelnaba kama dhex muuqdo. In walba xabagta isku haysaa ee astaanta u ahi waa magac qabiil. Magacyada qabiilkuna dadka dano kama dhaxaysiiyaan, qorshe iyo talo na ma wadaajiyaan ee qabiil waliba gaarkiisa ayuu isu neefeeyaa oo naf been ah isu geliyaa, gar iyo gardarrana xaqa iyo saxnaanta isu siiyaa.

Waa halkaas meesha ay kaalintii siyaasiyiinta iyo hoggaamintoodii bulsheed ku abaaddey ee ku luntay. Waa ta keenaysa in aynu reero is haya u wada muuqanayno. Masiirkii ummadeed waxa uu maqan u noqonayaa baylahdaas. Marka ay siyaasad iyo dawladnimo casri ah timaaddana waxa lagu soo wada dhacayaa meel madhan oo cid waliba ku khasaarayso.

Dawladnimada casriga ah iyo reernimada is dabrayaa waa guuldarro weyn. Waxa ay isku noqdeen dayax iyo cadceed mar soo wada baxay, waxana shiiqay qarannimadii, dawladnimadii iyo isirradeedii maamul wanaaag ee caddaalad iyo sharci sarrayntii ahaa, karti iyo hufnaan hoggaamineed lahaa, waxna billaaday eexdii iyo qaraabokiilkii qabyaaladdu lahayd, musuq iyo maamul xumadii dhaqankaasi lahaa iwm.

Siyaasiyiinta bulsheed iyaga ayaa lahaa kaalintaas hoggaamineed ee maqan, lagama se maarmo in kaalintaas buuxinteeda cidi isu soo gunaanaddo, cidi u soo baxdo, una badheedho mas’uuliyaddeeda iyo xilgudashooyinkeeda. Halista jirta ayaa taas khasbaysa.

“Intaan habqan beeshu

Huluulaha oodan

Ku saan go’in hawdka

Intaan habac jiitan

Badhkeed ku hallaabin

Markay habaq baahdo

Dugaaggu hilbeysan

Intaan hawa-boodka

Fardaha higil raacay

Kuwii higsanaayey

Hummaaggu ka reebin

Xayeeshku habaabin

Intaan halladaadka

Hayaanku is waayin

Habeenku dhex qaadin

Hadhow la shallaayin

Hadaadunka naaftay

Sidii habas daalka

Hawaarsadey ciidda

Anaa hiddiddiida

Hobey hobe hooda

Durbaankiyo heesta

Ku soo hoga geyne

Adaa hal-abuurka

Tixraaca ha’leyda

Ujeeddada hoose

Hawaaale yaqaane

Haruu orod Faarax

Hurweynka jiciirtay

Hadhaaga u jooji”.

Sidaas awgeed, ma la odhan karaa waxa loo baahan yahay in arrintaas laga saaro mugdiga, doorka hadal-haynta iyo dareenka oo ma la qabanqaabin karaa doodo furan oo lagu gorfaynayo dareenkaas, waxyaalaha keenay iyo sida loo yarayn karo khasaaraha ka iman kara, loona tayayn karo wixii faa’iido laga dhex arki karo. Khasaare ka weyni ma jiro haddii kalsoonidu ku yaraato dadka dhexdiisa ama ay dhimato ba. Uurka bulshadu inta aanu kala guurin waxa qumman in la nooleeyo wixii uu ku wada joogi lahaa, iyada oo Somaliland gudaheeda samo-ka-talisnimo loogu gogol xaadhayo hadhowto meeshii la doonayo ee kale ha loogu sahan tago’e.

“Wax aanad huraynin

Inaad hadda yeesho

Ayaa ka hagaagsan”.

Su’aalaha darayga ah ee siyaasiga iyo masiiriga ah ee la is weydiin karo waxa ka mid ah kuwan hoose oo dadka qaar ay ka didi doonaan, qaar la yaabi doonaan, qaar na soo dhoweyn doonaan:

1; Soomaaliya iyo Somaliland, mar kale, dib ma uga wada hadli karaan midnimo waxtar u leh labada dhinac? Waayo midnimo? Sidee iyo qaabkee ugu fudud oo looga wada hadli kanaa arrintaas? Yaa ka wada hadlaya? Xilliga ugu habboon; ma hadda iyo DFS ee Farmaajo, mise doorashada 2021 wixii ka dambeeya xukuumadda timaadda? Inta wada hadal ka horraysa maxaa loo baahan yahay oo la sii dhammaystiraa?

2; Soomaaliya iyo Somaliland, haddii ay midnimo isku afgaran waayaan, ma ku heshiin karaan kala gurasho iyo kala tag buuxa oo ma noqon karaan laba dal oo walaalo ah oo is feedh yaal?

3; Ma jiri karaan wax aan labadaas ahayn oo labada dhinac ku heshiin karaan oo ay wadaagi karaan, haddii labadaas laga sal-gaadhi kari waayo?

Doodo qaabkan leh oo loo badheedhaa waxa ay kicin doonaan dareenka siyaasiga, waxa aanay tusi karaan kaalintiisa hoggaamineed ee mararka hore uu ku soo fashilmay, haddana bannaan ee uu ka gaabinayo.

Halkan uguma jeedo in aynu su’aalahaas kaga warcelinno, wax se aan u jeedaa suurta gal ma tahay in su’aalahaas fagaare siyaasadeed lagaga doodaa Somaliland gudaheeda iyo dibeddeedaba. Dadka Somaliland ma curin karaan doodo dhexdooda oo arrimahaas waaweyn dooxi kara?

Waxa aan is leeyahay waa laga gudbey xilligii uu siyaasigu magaca bulshada ku xoqan lahaa ee uu fashilkiisa la hoos geli lahaa. Dad badan maanta siyaasiga kama oggolaan doonaan ‘waa go’aan shacbi’ ee waxa loo baahan yahay in siyaasigu uu qaato doorkiisa hoggaamineed iyo mas’uuliyaddiisa.

Fiiro Gaar: Ma soo dhoweynayo wixii falcelin ah ee mawduuca ka baxsan iyo wixii aflagaaddo ama wakhti lumis ah (cantarabaqash ah). Fadlan mawduuca ku koobnow, si aynu wax u kala faa’iideysan karno. Mahad Badan.

QALINKII; QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews