Madxafka Qaranka (National Musium)”Somaliland Taariikhbaa Ceegaagta”Khadar Baaruud. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madxafka Qaranka (National Musium)”Somaliland Taariikhbaa Ceegaagta”Khadar Baaruud.
August 8, 2019 - Written by Editor:

Madxaf (Museum) waxa lagu kaydiyaa taariikh iyo xadaarad bulsho, waxa ku faana ama yididiilo ay ku abuurtaa cidda iska leh sugtaana sawraca dadkaasi ay kaga duwanyihiin ama ay dheeryihiin dadyowga kale ee dunida guudkeeda ku nool inta badanna Cilmi-baadhis iyo Dalxiis ayaa looga faaidaystaa.

Xadaaradda iyo taariikhda bulshda reer Somaliland iyo gayiga ay ku noolyihiin waa mid facweyn lehna taariikh mugweyn laguna tilmaami karo kuwa ugu layaabka badan Geeska Afrika ama Afrika guud ahaan tusaale ahaan.

LAASGEEL : inta la ogyahay waa goobta ugu da weyn Geeska iyo Bariga Africa waxaanay ka da’aweyntahay Ahraamta masar (Egypt Pyramids) in ka badan Afar kun oo sanno.

SAYLAC: Masaajidka qiblatayn iyo magaalada saylac waa goobtii islaamku kasoo galay Africa waxaana ku duugan taariikh mudweyn.

SOMALILAND taariikhdii gumaystuha ka hor iyo ka dib waa mid taariikh yaab leh iyo waayo badani ku gedaamanyihiin.

TALEEX oo ahayd xaruntii daraawiishta waxa ku duugan taariikh aad u mugweyn oo ah tii daraawiishta waana taariikhda goobtii u horaysay Africa ee lagu soo weeraray Dayuurado dagaal.

SUUGAANTA : Hargeysa waa hoygii suugaanta Soomaalida.

Radio Hargeysa : First Somali Speaking Radio.

– Beerta Xoriyadda: Goobta Somaliland calankeedii iyo Xoriyadeeda kula wareegtay (Shantii Soomaaliyeed Calankii u horeeyey ee xor ah goobtii laga taagay).

– Gobolka Sanaag : Goob ku caan ah beeyada oo ilaa Faraaciintii masar kasoo doonan jireen udugga PUNTLAND ama الارض البنت.

– SNM Jabhad xaq u dirir ah oo lahayd astaamo aad u layaab badnaa Qaabka dagaalka, Hub ka dhigistii, Qaabka ay isku dooran jireen oo jabhadaha dhigooda ahaa ee dunida ka caan ahaa ay kaga duwanayeen, sidii ay guusha ku hantiyeen. I. W. M

– SAANTII XORIYADDA, AGABKII DHAQANKA, CIYAAR DHAQAMEEDKII I. W. M .

Ma soo koobi karno taariikhda ceegaagta dalkeenna Somaliland muhiimadda ay leedayahay oo aad u balaadhan waxa loo baahanyahay ina la iska kaashado sugideeda cudud iyo caqliba.

Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha JSL aragtidiisa ku wajahan dhismaha Madxafka Qaran oo laga yagleelayo Khayriyadii Hargeysa. Waxa kale oon soo dhaweynayaa kulankii ay qaybta muhiimka ah ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Badhisaabka Gobolka iyo Mayor ku-xigeenka Caasimadda waxa kaloon u mahadnaqayaa Qoraayadii, Engeeradii iyo Aqoonyahankii dhamaan kasoo qayb galay aragtiyaha wanaagsanna ka dhiibtay iyo dhamaan inta diyaarka u ah ka qayb qaadashada yagleelidda Madxafka Qaranka.

 

KHADAR BARUD OMER.

Deputy Governor of Maroodijeh

SOMALILAND GUUL & GOBONIMO.

 

COMMENTS
LINKS