Maxay Kawada Hadli Doonaan Boqorka Sacuudiga Iyo Madaxwaynaha Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Kawada Hadli Doonaan Boqorka Sacuudiga Iyo Madaxwaynaha Somaliland?
August 9, 2019 - Written by Editor:

Waa Su’aal isweydiin leh , laakiin hadii aan aragtidayda sii cabiro wadahadalka Boqor Salman iyo Madaxwayne Biixi waxa uu nuxurkiisu khuseeyo waxa ay ila tahay in uu sidan oo kale noqon karo ;

Hadii aan masanuuniyo waxa ay ila tahay in waxa ugu horeeya ee boqor Salman Madaxwayne Biixi kala hadli doonaa in ay tahay in uu ku culaysiyo in midnimada soomaaliya uu rabo in uu ku jujuubo maadaama oo uu yahay hogaanka maanta Islaamka ugu da’ weyn isla markaana gacanta ku haya xaramayn shariifayn , Somalia na ay tahay dal ka mid ah dalalka islaamku danaynayo in aanay kala go’in.

Waxa yaabi doona Madaxwayne Biixi iyo Mujahid Kaahin iyo sheekh khaliil oo u turjumaya , waxa ay xasuusan doonaan halgankii iyaga oo istaaban doona meelo ay xabadi kaga dhacday , waxa ay ku odhan doonaan boqorow awalba laba dal baanu ahayn oo isku tagey imikana kala noqday dagaal ba’an oo qaadhaadh ayaa na dhex maray oo dadkayagii lagu madhiyey maatidii lagu duqeeyay, marnaba in aanu arinkaasi suuragal aheyn uu boqorka kala hadlay ayey u sheegi doonaan.

Boqorka ayaa hadalku ku noqon doonaa waxaana uu odhan doonaa dagaal kasta oo dhaca iyo dad dhintay waa laga heshiin karaa ee maanta inta nool ha loo taliyo oo soomaali ha la isku soo celiyo , waxkasta oo uu arinkaasi qaadanayona anigaa madaxa u dhiganaya dhib iyo dhaqaale , ku darso oo carabtu waxa ay u taqaanaa dad la laayo wax iska caadi ah maadaama boqorada carbeed qoorta u dheereeyaan cidii maamulkooga ka soo horjeedsata , waxaana uu odhanayaa qoladiina madaxda ee labada dhinac waxkasta oo aad u baahan tihiin anagaa qabna aduun meel aad ku noolaataan iyo waxii aad u baahataanba !

Sheekh khaliil ayaa turjumaya oo marka uu marayo waxkasta oo aduun iyo meelo aad degtaan anaga ayaa idin siinayna ayuu Muuse Ina Kaahin eegayaa , Ina Kaahin baa odhanaya waar waa go’aan shacbi dhaha anaga waxba nagama go’aan u sheega u fasira … !!!

Madaxwayne Biixi oo dhabanka haysta waxna ka fahmaya carabiga boqorka laakiin turjumada Sheekh khaliil sugayay ayaa ka fikiraya waxa uu arinkan kaga baxo uu boqorku ku dhagsan yahay, waxaana ku soo dhici doontaa in Siad Barre diinta islaamka ka hor yimid oo aayado quraan ah beeniyey, dabadeed marka sheekh khaliil turjumada dhameeyo ayuu degdeg ula soo boodayaa u sheeg sheekhoow in uu ninkaasi diinta islaamka ka hor yimid oo dagaalka lagu qaaday kaasina ka mid ahaa !

Sheekha oo laftiisu qaaxo joogay oo wax badan xogogaal u ahaa ayaa ku nuuxnuuxsan doona sharcinimadii halgankii SNM iyo dib u xoreyntii dalka oo aayado iyo axaadiis waafajin doona oo aad boqorka uga dhaadhicin doona, isaga oo aan hadalka dhamayn sheekhu ayuu Muj Kaahin halkaa ka odhan doonaa sheekhoow u sheeg kan joogaana hada ee Farmaajo la yidhaahdo in ninkaasi adeer u ahaa oo uu isagii oo hada jooga yahay… Sheekha oo dhoola cadaynaya ayaa odhanaya ; wal Farmaajo ka Mithla Maxamed Siad wa huwa cailatahu !!!

Inta badan carabtu iyaga ayuun baa isku mashquulsan oo taariikh hore iyo aduunyada kale aad uma daneeyaan , markaa boqorka gacan yareyaashiisa ayaa waxyaabaha loo sheego degdeg u Google

gareeya , waxaabay Isla markii ka heleen dhacdadii Maxamed Siad ee ku xadgudubka diinta islaamka iyo culimadii uu laayey , boqor salman ayaanay u sheegeen.

Boqorkii ayaa madaxa lulay oo yidhi Somaliland arinkeedu waa gar ee waa in markaa Somaliland iyo Somalia sifo sharciya ay u kala baxaan oo aanay isugu dul xanibnaan , waxaana uu odhanayaa waan soo dhaweynayaa garnaqsigiina isaga oo waji furan oo kii hore aad uga badalan ku soo eegaya madaxwayne Biixi.

Markiiba waxaa dhoola cadeynayaa labadii Mujahid iyaga oo aad ula socday dareenka boqorka iyo luuqada jidhka ee boqorka waxna ka fahmayey waxii boqor Salman ka hadlay , sheekh khaliil na intii ayuu turjumay oo waxii dhaafay ama aanay fahmin ugu daray

Madaxwayne Biixi oo hadalkii u furmay ayaa odhanaya horta boqor Salman miyaad og tahay xidhiidhada iyo taariikh da soo jireenka ah ee Somaliland iyo Saidi Arabia ka dhaxaysay… isaga ayaa isku jawaabaya oo odhanaya nin weyn baad tahay oo cidi kaaga warami mayso , sucuudiga oo aan shidaalka la soo bixin iyo isaga oo dalalka aduunka ugu qanisan ah oo aad maanta maamushaba waad u soo joogtay, dadka reer Somaliland ilaa markii uu sucuudigu aanu khayraadka helin ilaa maanta xidhiidho ganacsi oo soo jireen ah ayey la lahaayeen sacuudiga oo ay ka mid yihiin xoolaha nool, kuwiina waad naga joojiseen labaataneeyadii sano ee ugu dambaysay waliba dadkayaga oo dagaalo iyo colaadihii uun markaa ka soo doogay oo dad iyo duunyaba nagaga baaba’day.

Intii markii boqor Salman loo turjumay ayuu odhanayaa waan ka xumahay in ay waxaasi oo dhib ahi idin gaadheen aanaan waxba idin tarin oo waxii aad ka noolaydeen waliba la idinka joojiyey ee maxaan idin la qabtaa imika?

Markii Sheekhu turjumay ayaa Isla markiiba uu Madaxwayne Biixi la soo boodayaa hadii aanad noqonayn dawlada ugu horeysa ee Somaliland aqoonsanaysa waxa aad noo furtaa xoolaha nool, caawimo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba waanu kaaga baahanahay , waxa kale oo aanu doonaynaa in aad dalkayaga maalgashataan oo khayraad badan oo dabiici ah leh , halkaa markuu marinayo ayuu wasiir Kaahin odhanayaa waar u sheeg in aynu ehlu bayt nahay na dee oo islaanimada wax kale oo aynu isku nahay inoo weheliyaan , Muuse oo dareensan in aan reer alsucuud iyo haashimiintu isku wanaagsanayn ayaa u sanqanaya…

Biixi hadalkiisa sii wataa wuxuu odhanayaa anaga oo jaamacada carabta iyo ururka islaamkaba la mid ah oo isir ahaan carab ku abtirsana hadana carab waxa noo dhaamay cajab iyo dadkaa kale ee aduunka oo sodonkaa sanoba wax na tarayey ee maanta ayey taagan tahay xiligii carabta iyo Somaliland walaalnimadooda la xaqiijin lahaa oo aanu dareemi lahayn wax isku ahaansho iyo ehelnimo iyo islaanimoba in wax nalagu taro , ku darso oo boqoroow Somaliland waa dalka labaad ee calankiisa uu tawxiidku ku yaallo ee sucuudiga soo labeeya , wali dawlad sacuudi si dhab ah maanta ka hor iskumaanaan xaal waraysan ee wadaado qandarasyo masaajido lagu dhisayo wada ayuun baa na dhex socon jiray , anaguna waanu yaabanayn oo waxa aanu lahayn waligiin baad Muslim ahaydeene miyey wax dadkani cunaan iyo wax ay ka shaqeystaan inoo sameeyaan , halkaa markuu marayo ayuu soo xasuustay maqaaladaydii Somaliland ta qarsoon oo uu aad ugu nuuxnuuxsaday in umadani gurmad u baahan tahay badan.

Sheekh Khalil oo jidhka is yar galiyey markii uu halkaa masaajidada marayey ayaa boqorkii u sii salaxay oo yidhi masaajido badan ayaanu dhisnay oo wasaarad iyo xafiiswaliba masaajid ayaa ku yaalla , laakiin boqoroow dadku markay gaajoonayaan waxaaba suuragal ah in wax ay tukanayeen ay garan waayaan , salaaduna waxa ay sax ku noqonaysaa in dadku soo jeedaan ee caawimooyin iyo camalo badan ayuu dalkayagii u baahan yahay ayuu ku yidhi Madaxwaynuhu, calankayagana tawxiidka ayaa ku yaalla oo dalka sacuudiga labeeya ayaanu nahay aduunka dhan , sheekha oo halkaa wada ayuu ina Kaahin odhanayaa ka somalia na kuma yaalo ku dheh tawxiidku … sheekha oo dhoola cadaynaya ayaa intaa aan ku darin hadalkiisa.

Boqor Salman oo hadalkiisii ugu dambeeyay ayaa yidhi , dhamaan hayadaha dalka waan idiin amrayaa si midwaliba waxii aad u baahan tihiin idiin la qabato … asalamu calaykum waraxmatulahi wa barakaatu. ..

Shukran Shukran Shukran ayaa lawada yidhi waxaanu noqday kulan Somaliland khayr kala kulantay.

QALINKII; AQOONYAHAN MAXAMED CABDI JAMAC(DHIMBIIL)

COMMENTS
LINKS