Guddoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga Somaliland Oo Hambalyo U diray Jaalliyadaha Jsl Munaasibadda Ciidda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga Somaliland Oo Hambalyo U diray Jaalliyadaha Jsl Munaasibadda Ciidda.
August 10, 2019 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED HAMBALYO AH:  

 Guddoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga Somaliland Oo Hambalyo U diray Jaalliyadaha Jsl Munaasibadda Ciidda.

HARGAYSA(W,N)Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL oo ku hadlaya magaciisa, iyo dhammaan ka shaqaalaha Hay’adda Qurbajoogga waxa uu munaasibadda Ciidda Islaamka Ciid Al Fidrida hambalyo u dirayaa dhammaan bulshooyinka qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga JSL oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi oo lagu baahiyaha warbaahinta.

 

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo umadda islaamka, iyo goleyaasha sharafta leh iyo Ciidamada Qaranka JSL. Si gaar ahna waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa farxadda Munaasibadda Ciidda Islaamka ee Ciidal Fidrida awgeed dhammaan muwaadiniinta qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha tirada badan ee ku baahsan wadamada qaaradaha adduunka oo dhan, gudiyada kala duwan ee qurbajoogga, iyo dhammaan Wakiillada Somaliland ku metelaya wadamada caalamka, qoysaskooda iyo shaqaalahoodaba. Waxa aan Ilaahay innooga baryayaa inuu ciidda ciiddeeda innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, horumar, bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, ictiraaf buuxa iyo himilooyinka qaranka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland oo aan gaadhno Insha Allaahu Tacaalaa”

Allaa Mahad Leh

  Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

 Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

14/06/2018

 

COMMENTS
LINKS