Qoraa Boobe Oo Ka Sheekeeyay Taariikhda Marxuum Muj/Kornayl Daahir Muxumed Cige(Daahir-yare) 1959kii-2019ka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qoraa Boobe Oo Ka Sheekeeyay Taariikhda Marxuum Muj/Kornayl Daahir Muxumed Cige(Daahir-yare) 1959kii-2019ka!
August 11, 2019 - Written by Editor:

“Doobir Badnaanta Daahir-yare Ayuu u Ahaa, Dagaalkana Hoodo iyo Ayaanba Wuu ku Lahaa. Beryihii Danbe Kaalin Hoggaamineed Oo Togan Ayuu Kaga Jiray”.MUJ BOOBE

“Geerida horteed haddii aanad, geesiga aqoonsan,

Goblan weeye Soomaalidaay, garashadaadii,”

Cali Sugulle Dun-carbeed,

Ku-sinnaan 1959kii ayuu ku dhashay Magaalada Gebilay meel woqooyigeeda ah oo ay beer ku lahaayeen. Qoys beeraley ah ayuu ka dhashay, halkaas ayaanu ku koray oo ku barbaaray. halkaas oo uu ku koray kuna barbaaray. Hooyadii waxay ahayd Maryan Cilmi Bahdoon oo loo yaqaannay Maryan-saluug-la’. Daahir markii uu barbaaray wuxu ku biiray Ciidankii Xoogga Dalka oo aanu ku raagin. Jabhaddii Xoreynta Soomaali-galbeed ayuu u digo-rogtay isaga oo ka mid noqday Gaaskii Horyaal. 1981kii ayuu u wareegay Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-galbeed, taas oo ahayd unuggii iyo Aasaaskii SNM markii ay xadka ka tallowday 5/2/1981kii, sida aan ka soo xigtay Korneyl Cabdillaahi Ibraahin oo berigaa ay ciidankaa ka wada tirsanaayeen. 8/2/1982kii ayaa la furayaa Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM oo ahaa Durya iyo Guutadii 4aad. Ciidankaas ayuu Daahir oo loo yaqaannay Daahir-yare ka tirsanaa.

Daahir-yare wuxu ka mid ahaa ciidankii lagu ballaysimay Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM 8/2/1982kii. Muj. Cabdillaahi Ibraahin oo ay isku ciidan ahaayeen ayaa ii sheegay in ay xadka ka tallaabeen 5/2/1982kii, saddex maalmoodna ay raadinayeen cid iyaga iyo Itoobiyaanka iskaga dab qaadda. Tan iyo maalintaa iyo sannado ka horreeyay ayuu Daahir-yare qoriga weheshanayay oo uu bogga ku haystay. Miyaanu Axmed Genius maansadiisii Dhayalsi’ ku odhan:

“Dhiita-cabka leebkiyo,

Dhunta qorigu way wehel,”

Da’aaddaas ayuu Daahir-yare ahaa tan iyo 1979kii qoriga aammintay. Ruug-caddaa halgameed oo laasimay nolosha dagaal iyo iska-caabbinta dullaysiga iyo mididinka. Noloshiisa caadiga ah ayaa dagaal u ahayd, sahan iyo saqaaf u ahayd. Waxaan qof ahaan u bartay 1982kii, tan iyo maalintaana si’ dhow ayaan u aqaannay. Keeni-adayg, hal-adayg iyo geesinnimo la yaab leh ayaan ku aqaannay. Nin farxaan ah oo nolosha la qosla oo aanay murugada iyo naxdintuba naftiisa meel ku lahayn ayuu ahaa. Doobir badnaanta Daahir-yare ayuu u ahaa, dagaalkana hoodo iyo ayaanba wuu ku lahaa. Beryihii danbe kaalin hoggaamineed oo togan ayuu kaga jiray.

Daahir-yare wuxu guursaday 5 haween ah oo midi dhimatay waxaanay u yeesheen 14 iyo toban carruur ah 9 oo sidan kala ahaa:

  1. Rooda Muxumed Intitfaa oo 3 gabadh iyo hal wiil keliyaa u dhashay,
  2. Luul Cumar Ceelaabe oo u dhashay 5 gabdhood iyo 5 wiil waxa u nool 4 wiil iyo 4 gabdhood,
  3. Xaliimo Daahir Askar oo u dhashay hal wiil,
  4. Sahra Cabdi Buuni oo gabadh u dhashay,
  5. Ifraax Jibriil Taani oo laba wiil u dhashay, uurna leh

Dhammaan qoyskiisii iyo Mujaahidiinta SNMba waan ka tacsiyadaynayaa geeridaa xaqa ah ee ku timid rug-caddaagaa inaga baxay. Naxariistii Janno, innagana Samir iyo iimaan.

Qalinkii:Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net,

Hargeysa, 11/8/2019ka,

 

COMMENTS
LINKS