Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Qaarkamida Xujeyda Somaaliyeed Ee Ku Sugan Makka Oo Aan Wali Xajin! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Qaarkamida Xujeyda Somaaliyeed Ee Ku Sugan Makka Oo Aan Wali Xajin!
August 12, 2019 - Written by Editor:

MAKA(W,N)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda  Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warar sheegaya in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo iyaga oo ku sugan magaalada Makka aan wali  gudan waajibaadkii xajka.

Qaarkamida Xujaydan  oo iyagu la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in oo joogaan Makka una suurtagali weyday in ay xajiyaan, waxaana kuwaasi oo  eedeymo u jeediyay shirkaddihii soo qaaday oo sida ay hadalka u dhigeen markii ay keeneen dalka Sacuudiga meel isaga tuuray.

Waxaa ay intaa ku darreen in ay garan-waayeen qaab ay u xajiyaan, xitaa aysan helin deegaan wanaagsan oo ay degaan, madaama shirkaddihii ay soo qaaday halkaa uga dhuuteen.

Balse dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Diinta Cismaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay isla VOA ayaa arinta ku tilmaamay borobogaato iyo warar la siyaasadeynayo, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu u baahan tahay in ay hesho cadeynta arintan u saabsan.

”Aniga u maleyn-maayo in ay jiraan dad noocaas ah, Wasaaraddu dadaallo badan ayeey waday intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka, waa arrin runtii la siyaasadeynayo, mana ah in Xajka la siyaasadeeyo” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay isla Wasaaraddu sheegtay in ay jiraan kana war hayaan shirkaddo dayacay dadkii ay soo qaadeen, dowladda la xisaabtami doonto, waxaana muuqata in hadalkii hore ee Wasaaradda iyo cabashada ku aadan in ay jiraan dad aan wali xajin uu isa saameynayo.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS