Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Shaaciyey Wakhtiga La Kicinayo Idaacadii Weynayd Ee Radio Hargeysa Oo Mudo Xumayd! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Shaaciyey Wakhtiga La Kicinayo Idaacadii Weynayd Ee Radio Hargeysa Oo Mudo Xumayd!
August 12, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka warbixiyay qorsheyaal dhawaan wasaaradaas laga hirgalin doono.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo xalay hadal ka  jeediyay barnaamij faneed ku saabsanaa munaasibada ciidda oo uu xalay  qabtay Telefishanka qaranka Somaliland, oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland  iyo qaar ka mida dadweynaha caasimada Hargeysa, oo lagu marti-qaaday furitaanka barnaamijkaasi.

Wasiir  Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sheegay in ay dhawaan kicin doonaan idaacadii weynayd ee Radio Hargeysa iyo qaybtii gudaha ee TV-ga qaranka Somaliland ee laga daawan jiray magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafintu wuxuu intaas ku daray in ay ku hawlan yihiin sidii ay u qaban lahaayeen barnaamijyo wacyigelin iyo madaaalo isugu jira, kuwaas oo u jeeddada laga leeyahay tahay in bulshada lagu baarujiyo dhinaca horumarka.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS