Jaaliyada Somaliland Ee Ohio USA Oo Kulan Qado Sharafeed Ah Usameeyay Xildhibaan Muuse Da,uud Cilmi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Somaliland Ee Ohio USA Oo Kulan Qado Sharafeed Ah Usameeyay Xildhibaan Muuse Da,uud Cilmi.
August 13, 2019 - Written by Editor:

Columbus, Ohio(W,N) —Shalay  jaaliyada Somaliland ee Ohio waxay “ Lavash Restaurant” ee ku yaalla magaalada Columbus, Ohio, qado sharafeed ugu sameeyeen xildhibaan Muse Daud Cilmi , oo ka trisan golaha deegaanka e magaalada Berbera.Inkastoo ay  ahayd maalin shaqo, haddana, qadada waxa ka soo qayb galay dad fara badan.

Xafladan waxa soo agaasimay guddoomiyaha  Jaaliyada Somaliland ee Ohio, Yusuf Omar, iyo xidhiidhiyaha jaaliyada, Abdisalam Ali Mohamed, iyo Cabdi Kayd.

Sheikh Abdirizak Mataan ayaa ku furay aayadaha quraanka kareemka ah. Ka dibna, dadkii ka soo qaybgalay xaflada ayaa is baray xildhibaan Muse Daud Cilmi.

Xildhibaan Muse Daud  Cilmi ayaa jaaliyada uga warramay waxyaabahii u qabsoomay dawlada hoose ee Berbera. Isagoo sheegay labadii sano ee ugu dambeeyey in ay golahu  qabteen hawlo fara badan, sida wadooyin cusub oo kor u qaaday bilicda iyo isu socodka magaalada.

Waxaa kaloo ka waramay siayaasada guud  iyo nadabgelyada  wadanka.

Muse Daud Cilmi waxa ku baraarujiyey jaaliyada in ay lacagtooda gashadaan  wadanka, siiba gobolka Saaxil, oo ay ka jiraan fursado badan oo maalgashi ah.Ama ay ka shaqeeyaan siday u keeni lahaayaan shirkado maalgashada wadanka.Maal gaashidaas oo abuuaraya  warshado yar –yar ama meherado shaqooyin u abuura dhallinyarada.

Xildhibaanku wuxuu aad ula dhacay midnimada iyo isku dubnaanta ka muuqatay jaaliyada. Wuxxuna xusay in,” Jaaliyada Somaliland ee Ohio ay tahay jaaliyadii ugu fiicnayd ee uu la kulmay,  “ intii uu qurbaha ku safrayey. Wuxuuna ku dhiiriyey inay himiladooda ay kor u sii qaadaan, iyo  midnimadooda ay sii xoojiyaan.

 

COMMENTS
LINKS