Milicsiga Maqaal Uu Madaxwayne Biixi Qoray 1997kii Iyo Dhacdada Maanta Isagoo Xilkii Qaranka Haya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milicsiga Maqaal Uu Madaxwayne Biixi Qoray 1997kii Iyo Dhacdada Maanta Isagoo Xilkii Qaranka Haya!
August 13, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Maqaal uu Madaxwayne Muuse Biixi qoray oo uu Madaxwayne Cigaal (Ihun) ku eedaynayay inuu u ogaaladay in MW KuXigeenkii Caydiid, Waa Mudane Cabdiraxmaan Tuur (IHUN), inuu kulano ku qabto burco. Kulanadaas oo uu Muuse ku sheegay kuwo lagu mijo-xaabinayo jiritaankii JSL oo koonfur lagu geynayo dadka.

Wuxuu maqaalka uu ugu magac daray “HASHU MAANKAY GADEE MA MASAAR BAY LIQDAY”. Waxaanan wax uga tirayaa inuu maalintaa Jaraa’idka Xorriyo oo dhan isagu qoray waayo ciwaanka koowaad ee maalintaas ayaa ah “CABDIRAXMAAAN (MW KXigeenka) OO JOOGA BURCO” halka ciwaanka labaadna ahaa “KOOXDA SODDARE IYO CAYDIID OO UU KALA TARTAMAYA SOMALILAND”.

Wuxuu soo baxay SEPT 1997, oo ah 22 sano ka hor, waxaana daabacay Wargeyskii la odhan jiray “XORRIYO”.

Maanta, 22 Sanno Kadib, Xajka Waxaa Ku Kulmaya Madaxwayne Biixi iyo Wasiiro DF Soomaaliya ah. #Facebook ayaa mahad iska leh oo na soo gaadhsiiyey sawiradda kulankaas iyo ajendaha midnimo doonka iyo boholyowga ah ee  ku sidkan. Isagu, Muuse Biixi, muu hayn wax sawiro ah iyo warar sugan toona. Waase wax aan maanta odhan karo waa “Sidduu Jeclaa” berigaaba.

Maaha markii u horaysay ee eeddo MW Cigaal uu u jeediyay uu isagu qudh iyo maan u sameeyo. Bil amaara, waa kii ku eeddayn jiray in Xukuumada Cigaal “In isku suldaan ahi xilalka u sareeya hayso” sida maanta Ciidanka, Maxkamada Sare, Madaxwaynenimada iyo Maaliyada iyo in kaloo badan ay in isku suldaan ahi ama isku ardaa uu ugu taxay xilalka qaranka ugu sareeya. Cigaal , IHUN, maxaa wax la jeclaa inuu sameeyo oo uu ka xishooday lagu maso biday. Waxaa iyaduna sii qoyan in Xisbi qaran, waa Waddaniye, uu ku sheegay in Koonfur laga leeyahay.

Aan soo ergisto dhigaal xikmad ah oo FB ku soo qoray Drshakuur Mohamed:

” #Wax aan ceebi ku jirin, balse aad u ceebsato ujeedo aan sax ahayn, haddii aad sameyso waad ku ceebowdaa. Daacadnimadu in qaladkaas oo kale aad gasho ayay kaa ilaalisaa !” Dr Abdishakur Mohamed. Halkaas ayaan ka taagan nahay arinkan, ma ceebsan kulan madaxeed u qalma Madaxwaynaha ku yimid doorasho dadwayne, waxaan tooshka ku ifinayaa “..Daacadnimo la’aanta Hogaanka iyo is-diidooyinkii shalay iyo maanta..”

Gegabadda maqaalkaas 1997-kii ee Muuse Biixi wuxuu ku soo ururinayaa 4qodob:

1.Xoojinta Nabadgelyadda oo ugu baaqay bulshada reer Somaliland.

2;In Ummaddu iska kaashato dhismaha qaranka Somaliland iyo Sugida Jiritaankeeda.

3;In si wadda-jir ah looga feejignaado cid kasta oo lid ku ah qaranka Somaliland.

4;In dawladda Somaliland lagu taageero wixii dan u ah qaranka; isla markaana laga ilaaliyo iney si #il-duuf ah ama #Badheedh ah u gasho gef dumin kara qaranka.

Haddaba talooyinka maqaalkaas ee 4ta ayaan la qabaa Muuse Biixi aniga iyo kuwo kale ee ila fikirka ahi. Waliba qoddobka 4aad ee kor ku xusan oo aan kala reebin kaska iyo kama’. Sawirkaas Xajka ee maanta Soomaaliya wuxuu marag u yahay inuu nagaga baxay ” .Ilaalintii Qaranka” ee isagu ku baaqay. Anagu se ka bixi mayno!

Allaa Mahad leh,

QALINKII Siyaasi Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

 

COMMENTS
LINKS