“Gujiska Ugu Dhaw Odayga Waa Ninka La Yidhaa Abdi Yusuf Aar, Ee Ku Gabada Ganacsiga!”Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Gujiska Ugu Dhaw Odayga Waa Ninka La Yidhaa Abdi Yusuf Aar, Ee Ku Gabada Ganacsiga!”Prof Cabdi Cali.
August 14, 2019 - Written by Editor:

 Gujiska ugu Dhaw Odayga!!!

Afeef: ninku haddii uu gurigiisa iska fadhiyo ama meheraddiisa iska haysto, sharci ahaan waa kiis haddaad soo hadal qaaddo, oo warbaahinta ka sheegto, laakiin ninku hadduu faraha la soo galo ammuuraha caamka ah (Public) ga ah, Mediaha waa laga sheegi karaa.

Gujiska Ugu Dhaw Odayga Waa Ninka la Yidhaa Abdi Yusuf Aar, Ee Ku Gabada Ganacsiga!!! anigu ma garanayo caqliga iyo cilmiga laga waayay qaranka dhan ee laga dugsanayo inankaas.

Waa ninkii ka danbeeyay isku dhicii aniga iyo xukuumadda min bilaw illaa dhammaad. Ilaahay iyo isaga ba waan ku mahadinayaa in waqtigii ku habboonaa iyo sidii ugu fiicnayd aan uga tegay xukuumadda; xikmad wayn baa ku jirtay in aanan ku soo gaadhin xilligan anigoo ka mid ah xukuumaddan!!!

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS