Habka Loo Qariyo Gabood-Falada Xuquuqal Iinsaan Ee Dadka Rayidka ah Ay U Geystaan Shisheeyuhu? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Habka Loo Qariyo Gabood-Falada Xuquuqal Iinsaan Ee Dadka Rayidka ah Ay U Geystaan Shisheeyuhu?
August 14, 2019 - Written by Editor:

Dhawr maalmood ka hor; aniga oo akhriyaya warbixinta 6-dii biloodba mar loo gudbiyo Xafiiska Xog-haya Guud ee QM; taas oo uu diyaariyo Golaha Amaanku iyada oo xogta laga helayo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo “UNSOM”, ayaa waxa igaga soo baxday arrin aad iiga yaabisay oo aan u arkay in ay ka soo horjeedo mabaadi’ida dhex-dhexaad-nimada(principles of Impratiality) ee ku wajahan ka soo warbixinta xaaladaha xuquuqal iinsaan ee Soomaliya. Sidoo kalena, ka hor imanaysa mabaadi’da ay QM ugu talo-gashay in ay ku shaqeeyaan Xafiisyada noocan oo kale ah, ee ku aadan gudbinta xogta dhacdooyinka iyo weliba qodobka 4-aad ee Heshiiskii ay wada-galeen DFS iyo QM ee ku saabsan habka shaqo ee Xafiiskaas, madaama uu Xafiiska UNSOM golaha Amaanka ka caawiyo soo Uruurinta Xogta dhacdooyinka Horumar iyo Gabood-falloba leh ee ka dhaca Soomaaliya “Lifaaqa sawirada ah eeg qodobkaas ku jiray heshiiska”.

Haddaba; maxay tahay dhacdadaasi? Golaha Amaanku waxa uu ku sheegay warbixintiisii uu diyaariyay ee uu gubiyay 15-kii bishii May ee sanadkan in Kooxda Dhawrista iyo Xuquuuqal Aadamaha ee Xafiiska UNSOM ay diwaangeliyeen 757-khasaare dhimasho oo dad rayid ah; taas oo 72% oo u dhiganta 546- dhimasho loo aaneeyay in ay geysteen Xarakada Al-Shabaab, halka 9% oo u dhiganta 70-dhimasho loo aaneeyay Ciidamada Amaanka ee dalka; sidoo kale, 10% oo u dhiganta 76-dhimasho loo aaneeyay in ay geysteen dhagar-qabayaal(perpetrators) aan la aqoonsan, iyada oo ay ku jireen khasaare 6 qof oo rayid ah( 2-dil ah iyo 4 dhaawah ah) taas oo loo aanayeeyay weeraro cirka ah oo Diyaarado aan la aqoonsani ka fuliyeen Jubaland iyo Hiiraan. “Lifaaqa ka eeg Warbixintan aan ka hadlayo inta khusaysa qoraalkan”

Haddaba; arrinka iga yaabiyay ayaa ah iyada oo la aqoonsan yahay diyaaradaha goor kasta ka fuliya duqaymaha Koonfurta iyo badhtamaha Soomaliya iyaga oo ku doodaya in beegsanayaan Xarakooyinka ka dagaalama aagagaas, hadana waxa loogu sheegay in ay yihiin diyaarado aan la aqoonsan(Unknown Aircrafts). Tusaale, ahaan Maraykanka(USA) marka uu fuliyo hawl-gal duqaymo ah oo cirka ah si toosa ayuu u shaaciyaa mararka qaar, inta badana waa laga war-helaa duqaymahaas in uu fuliyay isagu.

Haddaba, waa maxay sababta ka dambaysa in lagu sheego duqaymahaas kuwo ay fuliyeen diyaarado aan la aqoonsani? iyadoo dhinaca kale, lagu sheegay warbixinta guud ahaan khasaaraha nafeed ee kale cida loo aanaynayo in ay geysteen. Ku darsoo, duqaymahaasi inta badan waxa ay sababaan khaasare naf iyo maal-ba leh oo soo gaadha dadka rayidka ah, Waxaana badi fuliya diyaaradaha aan duuliyayaasha lahayn ee Wadankaas “Drones” ama ( Unmanned Aerial Vehicles) kuwaas oo Xeerarka Caalamiga ah ee Bini-Aadanimada(International Humanitarian Laws) ay u aqoonsan yihiin hubka aan wax kala soocin (Indiscriminate Weopons), sidaas awgeed, mamnuuc ah marka loo eego Xeerarkaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxa aynu ka war-haynaa in Maraykanku uu yahay waddamada qaadhaanka dhaqaale ee ugu badan ugu deeqa Ururka QM, sidoo kalena xarunta QM ee 1-aad ay ku taalo waddankaas; isla-markaana uu ka mid yahay 5-ta xubnood ee joogtada ah ah ee Golaha Amaanka. Intaas waxa dheer, in Warbixinta loo gudbiyo XHGQM uu diyaariyo Golaha Amaanku oo sida aan kor ku sheegay uu xubin buuxda ka yahay Maraykanku, sidaas darteed; Soomalidu waxa ay ku maah-maahdaa “Hal libaax arkaysaa ma godlatee” miyaa Maraykanka oo intaas aan kor ku sheegay iyo in kaloo badan ku sifaysan oo weliba isagu ka mid ah cida diyaarinaysa warbixinta lagu sheegi karaa xad-gudubyo bini-aadanimo oo uu geystay? sidaa darteed; natiijada taas ka dhalataa waa in lagu sheego falkii u geystay kuwo ay fuliyeen diyaarado aan la aqoonsan.

Ugu dambayn, qof kasta oo akhriya Warbixintaasi waxa uu arkayaa in aan arrimaha qaar dhex-dhexaad laga ahayn, sidaas marka ay noqoto arrinka aan kor ku sheegay loo xag-linayo dhinaca ay dantu ka cokan tahay ee awooda leh, loona sheegi karin gabood-faladiisa xuquuqal Aadame.

Sababtaas darteed, ummada Soomaalida ah maxaa la gudboon? Marka xaajo-halkaas taagan tahay; aniga aragtidayda hadii aan waxba laga qaban karin awood ahaan; waxa ila quman;

1.In dadka aqoonta leh ee Soomaalidu ay falan-qeeyaan arrimaha noocaas ah ee ka fog dhex-dhexaadnimada; si fahamka ummadu kor ugu kaco; taas oo hadhow laga yaabo in ay wax ka bedasho.

2;In DFS ay ku daba-gasho Xafiiskaas heshiiskii ay wada-galeen, isla-markaana kala haddasho arrinkan weydiiso-na waxa sababay, iyo sida loo go’aamiyay in ay ahaayeen diyaraadaahaasi kuwo aan la aqonsan.

3;In DFS ay baadhis iyo daba-gal(Examination and Follow Up) ku samayso warbixinaha uu gudbiyo Golaha Amanaku iyo weliba xog-uruuriyayaasha oo ah Xafiiska UNSOM, maadaama ay mas’uul ka tahay dadka rayid-ka ah ee la qarinayo cidii geysatay gabood-fallada ka dhanka ah.

Soo Gudbintii Cabdale Daahir Aadan oo kasoo Xigtay:- Mukhtar Y. Mohamed.

 

COMMENTS
LINKS