“Ardayda U fadhiisatay Imtixaanka Dugsiyada Sare, 57.57% Waa Hargeysa Iyo Burco”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ardayda U fadhiisatay Imtixaanka Dugsiyada Sare, 57.57% Waa Hargeysa Iyo Burco”Abwaan Weedhsame.
August 15, 2019 - Written by Editor:

“Ardayda u fadhiisatay imtixaanka Dugsiyada Sare, 57.57% Waa Hargeysa Iyo Burco. Tan Macnaheedu Waxa weeyaan 100-kii arday ee imtixaanka dugsiga sare u fadhiistayba 57 ka mid ahi waxay ku nool yihiin labadan magaalo.

Ardayda u fadhiisatay imtixaanka dugsiyada dhexena 60.80% waa Hargeysa iyo Burco. Tan macnaheedu waxa weeyaan 100-kii arday ee imtixaanka dugsiga dhexe u fadhiistayba 60 ka mid ahi waxay ku nool yihiin labadan magaalo.

Waxa sidoo kale halkan ka muuqata:

1; In dadka tuulooyinka iyo miyiga ku nool, keliya la tabo marka codka la doonayo.

2; In tirada ardayda dugsiyada dhexe ee Gobolka Awdal ay ka badan tahay Gobolada Sool iyo Sanaag oo la isu daray!!!! Sool iyo Sanaag ubadkooda ma iyagaa wax-barashada u diiday mise waa la hagraday? Adaan kuu dhaafay.

3; In Gobolada galbeedka tirada ardaydoodu xoog uga badan tahay kuwa Bariga. Iyadoo aan ognahay in Somaliland baaxadeedu bari tahay, Maxaa ilaa xadkaas kala badnaysiiyey?4; In ardayda imtixaanka u fadhiisatay, tuulooyinka iyo miyigu ka yihiin < 5%. Dadka tuulooyinka iyo miyiga ma waxa la tebaa marka codka laga rabo oo qudha?

Adiguna maxaad ka fahantay?

QALINKII; ABWAAN XASAN DAAHIR (WEEDHSAME)

 

COMMENTS
LINKS