Arday 19Sano Ka Hor Ka Baxday Dugsiga Sare Ee Faarax Oomaar Oo Booqasho Ku Tagay Iyo Waxa Ay Indhahooda Kusoo Arkeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arday 19Sano Ka Hor Ka Baxday Dugsiga Sare Ee Faarax Oomaar Oo Booqasho Ku Tagay Iyo Waxa Ay Indhahooda Kusoo Arkeen!
August 17, 2019 - Written by Editor:

“Faarax Omaar Wuxuu Cod Dheer Ugu Baaqayaa Ardaydii Kasoo Aflaxday Waxna Ku Baratay 50 sanno Ku Dhawaadkii Uu Jirey”Khadar Baaruud.

HARGAYSA(W,N) Qaarkamida ardaydii dugsiga sare ee faarax oomaar ayaa saaka booqasho ku tagay dhismaha dugsigan oo ku yaala xaafada shacabka Agagaarka Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana Dhalinyarada 19sano ka hor kabaxday Dugsiga faarax Oomaar kusoo Dhaweeyay Maamule Guuleed Goohe isag ugu Horayn ka Warbixiyay xaalada Iskuulku uu ku sugan yahay wakhtigan oo bulshada reer somaliland ka war qabto kaalinta uu kaga jiro Waxbarashada dugsiyada ay maamusho dawladu iyo doorkii waxbarasho ee 19sano ka hor.

Aqoonyahan Mustafe Maxamed Khayre oo kamid dhalinyarada Saaka booqashada ku tagay, kana mid Ardaydii wakhtigii ay dhigan  jireen bilaabay in uu dugsiga faarax oomaar yeesho wargaysa bile ah oo ay ardaydu soo saarto ka waramaya dareenkiisa iyo waxa  uu kusoo arkay.Wuxuna yidhi; “Farxad bay noo ahayd in aanu booqano Faarax Oomaar si aanu u dhiirigelinayo maamulka cusub Guuleed Goohe iyo ardayda iyadoo ay maanta ahayd maalintii koowaad ee sannad-dugsiyeedka. Wuu ku mahadsan yahay Badhasaab-Xigeenka Khadar Barud oo kulanka qabanqaabiyey iyo Cabdicasiis Xawaash iyo Soheir Hassan oo booqashada aanu wadaagay.

Sidoo kale waxaa isna dhiniciisa ka dareen celiyay booqashada ay kutageen dugsiga faar oomaar badhasaab kuxigeenka gobolka maroodi jeex khaddar baaruud oo kamid dhalinyaradii kabaxday faarax oomaar wuxuna yidhi;

“Waxaanu booqosho saaka ku tagnay Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, waxaan u mahanaqayaa Mustafe Khaire Abdiasis Hussein Abdi iyo Dr. Soheir oo ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsigan oo danaynayey inay wax ka ogaadaan duruufta iyo waayaha uu ku sugan yahay dugsigu. Waxaa nagu soo dhaweeyey warbixin waafiyana naga siiyey Maamule Guuleed Yuusuf Iimaan (Guuleed Goohe) waxaanu kalmado waano iyo dhiiri galin ah la wadaagnay qaar ka mid ah ardaydii Dugsiga.

“Faarax Omaar wuxuu cod dheer ugu baaqayaa ardaydii kasoo aflaxday waxna ku baratay 50 sanno ku dhawaadkuu jirey. Faarax Oomaar waxaa ku abtirsada Dhakhaatiir, Siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan, Ganacsato, Saxafiyiin, Lawyer, Engineers, Abwaano, Qoraayo, Professors, Culimo I.W.M. dhamaantoodna hormoodka bulshada maanta ka mid ah oo ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

“ALLAAHU MAA BALAQTU!!!”

Booqashada dhalinyaradan dugsiga faarax oomaar ka baxday 19sano ka hor ayaa noqonaysa tii uhoraysay ee ay ku talaabsadaan dhalinyaro mudo hore ka baxday iskuulkan waana mid dhiirigalin unoqonaysa ardayda wakhtigan wax ka barata!

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS