Collaada Beer-dooxa Ah Ee Ceel Afwayn Sheeko Murugo Badan!W/Q:Mustafe Axmed Geedi Yare! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Collaada Beer-dooxa Ah Ee Ceel Afwayn Sheeko Murugo Badan!W/Q:Mustafe Axmed Geedi Yare!
August 18, 2019 - Written by Editor:

Allah Ayaa Mahad iska leh, sharafi waxay korkiisa ahaatay nabi muxamed(scw)rabi ha inagu hanuuniyo xaqa iyo wanaag ,oo raxmadiisa iyonaxariistiisa ha inoogo naxriisto-

Sheekadan murugada badani waxay ku bilaabmi oohin iyo ilmo qoyn doonta warqadan aad akhrisan doonto , ninka dhacadadan inooga sheekayn doona waa Warfaa oo Dad ehelkiisa kamid ah ku dilay Collaada BEER-DOOX ee Degmada Ceelafwayn wuxuu ku bilaabaya sheekada sidan ee ka bogo,Waxaan ahaa will dhalinyaro ah, ku barbaaray dhul nabadi ka jirto,waligay cabsi ima galin. baradaydu waa degaanka ceel-fwayn waxan Ku barbaray deegamada jiida ilaa dararwayne iyo dogoble, qoyskaygu waa reer guura. inkasto anaan xoolo fiican lahayn, waxaan ahay wiilka labaad ee ay aabo Diiriye iyo hoyo Dhudi ay dhaleen. Waxa iga wayn qoyska walaalkay Daakir aniguna waxan ahay Warfaa ,waxaa iga sii yar 3″ caruuur ah” labo gabdhood iyo wiil.

Malintaan 9-jir noqday abtigay Warsame oo geelal badan, ciidan yarina hayso ayaa qoyska ka codsaday in wiilasha uu abtiga u yahay mid lagu daro oo uu korsado , geellana la raaca wiilkiisa Muuse warsame, abtigay laygu dar ,waxaanan dabo-dhoon u ahaa geella abtigay warsame, halkaas ayaan Ku barbaaray oo nin reer abtigii la koray ayaan noqday, waxaan dadka dheraa koolkoolinta abtiyaday iyo wixii aan codsado oo degdeg laygu siin jiray, abtigay warsame wuxuu iga jeclaa caruurtiisa waayo,” markasta oo uu bandarka ceelafwayn tago wuxuu ii keeni jirey dhar,buskul,timir iyo waxyaale kale oo aanu caruurtiisa siin jirin”, sidii abtigay ii jeclaa.

maalin ayaa anigoo geella la jooga. Waxaan geel kob agtayda ah daaqayey hal kamida ah aan ka xaday koor,dabadeedna ninkii geela la joogay ayaa intuu i eryaday isoo qabtay oo bahal dhengad” ah cad iyo cad igu jaray ,aniga oo ooyaya” ayaan abti gurigii ugu tagay oo u sheegay in ninka geela lihi isoo dilay, abtina intuu xanaaqay oo madoobaday oo hadana casaaday ayuu u dhaqaaqay halkii ninku iga xigay, abti oo xanaaqsan iyo ninkii ayaa is af-dhaafay abti bahal toorey,” ah oo docda ugu jirtay ayuu shan caloosha kaga dhuftay ninkii, dhawacii ninka waa lala cararay oo gaadhi wado maryay ayaa lagu qaaday oo ceerigabo ayaa lageeyay “mar waxa lalahaa ,wuu dhintay marna waa noolyahay,” abti warsame gaadhi boolis ah ayaa ceelfwayn casarkii u qaaday oo xidhay, jacaylka abti ii qabo dhagar bani’aadam ayuu u galay, markii dambe ninkii ilaahay wuu u gargaaray ,abtiyo jeelkii waa laga sii dayay, ninkiina waxa loo xaqay 50-geella ah.

Markii abti lagu yidhi maxaad ninka u dishay wuxuu yidhi haduu wiilkayga dili lahaa ma dileen lkn wiilka an abtiga u ahay naftayda waan ka jeclahay “allow sahal amuuraha, ma ogtahay inan abtigayga sidaas ii jecel aan maalin uun 7-xabo oo rasaas ah caloosha iyo madaxa kala dhici doono , oo aan ifka dhaafin doono, hada oo aan kula hadlaayo waxaa laabtayda qoysay ilmo ka timi indhahayga, aan kusii socono sheekada intaanan warqada aad akhriyayso ilinta indhahaygu qoyn.

Markii aan da’da 15-jirsaday .waxan isku tuhmay raganimo, haa waa run maanta waxaan ahay nin wado iska mariyay geell-jire iyo adhi-jire, sidii aan doono ayan u kibraa cidii an ka xoogronaado xuurto ayan ku qabtaa ,waa anigan geesinimo is biday oo is xiniinyo taabatay, haa iminka nin raga ayan ahay waxaan u bahanahay inan helo wixii aan ku hamiyi jiray ,si raganimadaydu u dhamaystiranto , kasi waa qori,abtiyo warsame ayaan u sheegay inaan rabo qori ,nasiib wanaag abti wuu ii balan-qaday qorigii.7-caano maal kadib waxaa la ii keenay bahal abu-qardaasa ah oo candho-laab ah ,qasnadana 30-xabo oo 15-ifiso tahay ayaa gacanta la iga saaray ,iminka Ku xidhmay dhalinyarada facayga ah, ee aanu isku beesha nahay waxaan tagi jiray geedka tolku isku warsado ,inkasto aan reer abtigay isoo koriyay hadana beesha aan ka dhashay iyo beesha reer abtigay buur iyo banaan way wada dagaan oo way is wada dhaleen waa sababta loogu naanayso habarlamaan”, intii aan Ku xidhmay reer tolkay waxuun baan ka shekeeya tariikhda reerkayga iyo fàan jogto ah, iminka waxaan noqday nin cuqdad iyo naxli ka buuxo qalbigiisa,waxaana xafiiltan qabyaladeed naga dhexeeya dhalinyaro qabiilka reer abtiyaashay ah.

Gu’gii dhawayd ayan noqday nin isku filan oo wa anigii guursaday ee la degay aabo iyo hooyo , nin beeshayada ah waxaa dilay nin ka dhashay beesha reer abtigay ,waxaan ahaa ragii ugu horeeyay ee qoryaha safaystay ,waxaan dhexda u xidhay sidii aan dhalinyarada reerka ugu guubaabin lahaa in la aarsado” waxaan isku qoofalay qorigayga, maalmo kadib waxaa oosha dhexdeeda ka qarxay dagaal lagu hoobtay ee ee Beer-doox,anigu waxaan ahaa ragii weerarka qaday ee dhowr nin Ku dilay duulanka, weerarka kadib waxaan is biday geesinimo oo waxaan ifka dhafiyay rag fiicanan u dhashay oo beesha kale ka dhashay. Maalinta wixii ka danbeeyay dhufayska ayaan Ku jirey oo waxan rabay in anigaiyo nimanka colkayaga ah in midkood dhulka u hadho.

“Wa anigan oo maskaxda i Yar xanuuntay, oo caloosha ayaa i xanuunaysa oo hogaagee” maanta ma waxad noqotay gacan Ku dhiigle, imisa ayaad maqshay shiikh dadka Ku leh, qofkii qof dilaa wa ehlu-naar subxanalaha.waar yeelkadeed ee hadaa ma ceebta tolka wax loo dulqaato ah, waar tolkay halkuu maro ayaan mari” soowtii somalidu odhan jirtey ; fiqi tolkii kama jano tago; Anigoo isku mashquulsan oo dhulka xarxariiqaya aya nin tolka ahi ii dhawaqay oo war naxdin leh ii shegay ,ma ogtahay in ducaale iyo jamac dheere la dilay ala naxdin waynaa waa labo dhalinyaro ah oo beesha qiimo Ku leh, ooshii waa oogsatay oo dilka labada nin ayaa aad looga murugoday, waxay ahayeen rag u dhashay geesinimo.deeq.codkarnimo iyo akhayaarnimo waa sababta aanu beel ahaan dagaalka talo ugu galnay si aan u aarsano.

Beeshii waa isku yaacday nin wliba qorigisii isku soo gaadh, waxa la isugu yimi geedkii beeshu Ku tashan jirtay . nin waliba talo lagu duulo Ku waran anigoo oo warfaa diiriye ah ayaa kacay , waxaan soo jeediyay inan caawa gaade samayno oo duulanka qaadno, runtii arinkaa waa loo guuxay waana la isku raacay . habeenkii ayaan dulaan qaadnay anagoo 30-nin ah anago sanqadh tirasho ah ayan kusoo baxnay geell-jire kobtii “karamaan” geell Ku haya ,waxaan soo jeediyay in labo qaybood la isu qaybiyo . nin waliba qorigiisa cabaysay oo xabad dhuunta u dhig xeradii geela ayaan hareeraynay ,waxan ugu tagnay golihii labo nin oo an isku geeljire ahayn . saxiibo aanu colaada horteed ahayn , intaan qori ay haysteen ka qaadnay , oo dharkii ka bixinay ayaanu labad indhood ka xidhnay oo intaanu isku xidhnay aniga iyo nin kale 15-xabo Ku jarjarnay oo dib ooshii ugu noqonay. labada wiil ee aan dilay abti ayaa loo yahay oo gabadh aanu inadeer dhow nahay ayaa dhashay, colaada kahor saxiibo is jecel ayanu ahayn oo jid jidiin iyo jaall isku ah , caruurnimadina aanu so wada barbaarnay. Subaxnimadii xigtay weerar ayaa nalagusoo qaday waxa malinta dhintay inadeerkay iyo niman kale oo tolka ah aadna waan uga murugooday oo waan ooyay geerida Ku timi inaderkay cige. Weerar aan hogaaminayo ayaan casarkii qaadnay colkii kale ayaan is helay dagaal adag aya na dhexmarey oo soodhka la isula galay . waxan arkay nin dhufays Ku jira oo rag badan naga dilay ,xagiisa ayaan u jeestay oo rasaas badan Ku shiishay dhowr xabo Ayaan la helay. Markii qofkii mayd noqday ayaan dul tagay ,ala naxdin waynaa . “waan gariiray oo qaboobay , oo jidhidhico i roortay . markaas Ayaan ooyay”, show ninka aan dilay waa habar-wadaagay ay habaryartay asli dhashay oo hoyo Ku dhalasho xigtay show ninku waa walalkay ciise yare oo aan reernimo u dilay anigoo ilmadu labtayda qoysay ayaa meeshii la iga jiiday ,3-maalmood ayaan hiqdaa hayay subxaana lahaa.

Ragii arkay in aan wiilka habaryartay dhashay dilay ayaan dhaarsady si anay u sheegin inan dilay walalkay, meeshii ayaan kasoo luuday anigoo oohin qalbi jabay. Markii aan guriga kusoo socday waxan maqlay baroorta hooyo ,ayeeyo iyo walaalahay , markaan ardaagii soo fadhiistay ayaan aniguna qalbi jabay oo oohin ilmo tiftaa i gurtay, dabadeed waxa qalbigayga kusoo dhacday sida ay u murugoon doonto habaryartay asli iyo caruurteeda ,marna waxaa ii sawiran walalkay ciise.

Xusuus-

Maalintii aniga iyo ciise yare isugu kaayo danbaysay collaada ka hor waxaan isku aragnay ceelafwayn isagoo awr soo iibiyay , markii uu I arkay ayuu igusoo orday oo laabta i galiyay ayuu yidhi; Ala waa walalkay warfaa iyo wa walalkay ciise , dabadeed intuu isoo kaxeeyay waakii hudheelkii i geeyay ee hilbka ii qaaday markii aan dhargayna intaanu qaad qaadnay wa anagii Ku barjaynay maqaaxidii “iskufilan” markii danbe waa kii intuu kacay 300 oo land ah isiiyay ee hooyo iyo ayeeyo timirta iyo sharaabka iigu dhiibay ilaa Ramadan waxba kama hadhine. Habarwadagay ciise aad ayuu ii jeclaa aniguna waan jeclaa oo walaalnimada saxaabtinimo ayaa noo dheerayd lkn nasiib xumo walalkay gacantayda ayaan Ku dilay anigu ugu aaraya nin anan aqoon oo magic qabiil naga dhexeeyo qalbiga iyo jidhka ayaa I dubaaxinaya warqadan aad akhriyayso waxa qoysay ilmo , garbkaygii ayan dilay walalkay Ayaan gawracay hadh iyo habeen oohin ayaan Ku jiraa Ciise wuxu ahaa nin ilaahay raganimo u dhaliyey ,wuxu ahaa deeqsi.geesi.codkar garta niqi-yaqaan wuxuu ahaa akhyaar aad ii ii jecel.

Maalin kale ayaa weerar lagu dilay adeerkay cigaal , anaguna waa anagii weerar qaadanay galinkii danbe goor casar liqii ah Ayaan collkii is helnay dagaal kulul ayaa na dhexmaray oo rag badan nalagaga dilay lkn nasiib waa anagii colka jabinay ,markii aanu maydkii colka soo gadhnay waan argagaxay maskaxda iyo jidhka i dubaaxiyay markii aan arkay maydka abtigay warsame,:! waan qayliyay oo qorigii tuuray anigoo

leh abti abti ayaan maydkiisa isku duubay anigoo oohin qalbi jabay dabadeedna (koomo) ayaan galay oo meeshii rag ayaa iga qaaday oo isoo xanbaaray waxan miirsaday iyadoo biyo laygu rusheeyay ,anigo luudaya ayaan xaga guriga u kacay oo baroortu is qabsatay ,guriga waxan tagay hooyo oo koomo Ku jirta iyo ayeeyday oo 80jir ah oo ilinta indhoheeda ka timi wajigeeda qoysay . markaas ayaan intaan qorigii tuuray aan oohin qabsaday oo 6-caano maal aan hiqdaa hayay abti warsme wuu isoo korsaday sidii uu ii jeclaa wa anigii qaybta hore ee sheekada kugu sheegay maantana rag aan Ku jiro ayaa caloosha iyo maskaxda xabad Kala dhacay fadlan hadii aan sheekada sii wado waxan cabsi ka qabaa inaan koomo galo oo sidii aan walalkay ciise yare iyo abti warsame u dilay caado ayay ii noqotay ,habeenkii labadooda ayaan Ku riyodaa oo waan sasaa” hooyo sidii walalkeed u dhintay waxay qaaday “dhiigkar” oo marwalba jihada ayaa loo dhiga .sidaas ayuu noo sameeyay dagaalka beer-doox oo nin waliba abtigii iyo habarwadagii u dilay. Nin waliba murugo ayaa u dhan oo waa nin duulay oo abtigii dilay gurigoodiina looga barooranayo . ma rabo in aan Ku wado murugadayda iyo wixii naftayda ilaa iyo maanta ay isu badashay sidii aan u dilay abtigay iyo walalkay waxaan noqday maqane jooga oo waxaan ka baqayaa dadkii aanu cid isagu xidhnayn.dhamaad.

Waxaan u mahad-naqayaa walaal kasta iyo qof kasta oo akhriyay warqadan. iyadoo u jeedadaydu tahay in aan dareenkayga ku cabiro sida ay coladaasi u samaynayso guri iyo goob kasta ilahay waxan ka baryaynaa inuu nabada ka yeelo dadka iyo deeganka is beer dooxay. akriste waxan ka raali-galinyaa khalad kasta oo iga dhacay intaan qoraalka ku jirey,ilaahayna waxan ka baryayaa danbi dhaaf iyo

naxariis.

sheekadani waa sheeko faneed u hal-abuuray Mustafe Axmed Maxamed Geedi (Geedi Yare) guud ahaan sheekadu waa malo awaalo lkn waxa xaqiiqo in nin kastaa abtigii,sodogii iyo seedigii uu ku gawracay dagaalka. sidaas darteed waxa sheekadan maskaxdiisa ka

Qoray qoraaga ku saxeexan,———–

la wadaag asxaabtada Facebook

Alaah mahad iska leh

Xigasho: Qore. Mustafe Ahmed Geedi( Geedi Yare)

Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

WhatsApp.0659555532

Fadlan sii linkga sii gudbi

COMMENTS
LINKS