Siday Tahay Xaqiiqdu!Q1aad;W/Q; Cabdixakim Samo-kaab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siday Tahay Xaqiiqdu!Q1aad;W/Q; Cabdixakim Samo-kaab.
August 18, 2019 - Written by Editor:

Maahmaah somali baa ahayd “Ruuxii garan waaya waxa taagan waxa soo socdana ma garto” Maqaalkii ku taariikhaysnaa 27/08/2018 ee ciwaankiisu ahaa (Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha Degaanadu ma ku qabsoomayaan Xilligoodii u Cayinayd) Waxaa ka mid ahaa sadar dulucdiisu ahayd “Hawl aan Daacad laga ahayni ma qabsoonto” waa doorashada e, maaha in bulshada loo matalo maadays aan midho dhalaynin, Maaha in qabsoomida doorashadu gasho rabitaan dan gaar ahaaneed, Balse dastuurka qaranka iyo xeer hoosaadkiisaba waxaa ku dhigan ama qoran asbaab dib u dhigi karta doorasho, Maaha markii koobaad ee doorasho qabsoomi waydo xilligeedii, balse marar badan way dhacday, waa qorsho la’aan haysata masuuliyiinta u igman arimaha doorashada iyo masuuliyiinta umadu dooratay oo aan ku xisaabtamin mudada tirsiimo-sanad ahaaneed xilka bulshadu u dooratay, waxaana ugu wacan balanqaadyadii hawl-qabad ahaaneed ay soo bandhigeen maalmihii ay olalaha ku jireen intaan la dooran, waa hubaal in aanay isku sar go’nayn qorshihii ay wateen iyo mudada xilku ku eeg yahay in yar mooyaane.

Waxa uu Madaxweynuhu hore u sheegay in loo sii diyaar garoobo doorasho toban bilood, Maanta oo taariikhdu tahay 29/06/2019, waxaa shir yeeshay Axsaabta qaranka jsl, ujeedaduna waxa ay daaranayd in dhinac kaliya ama hal mawqif laga wada yeesho qabsoomida doorashada. Maxaa ka soo baxay? Ma u cuntamaysaa bulshada iyo diblimaasiga danta guud ku foogan?

Waxaa ka hadhsan mudadii doorashada 174 caano maal una dhigan 5 bilood iyo 21 cisho, Ma ku qabsoomaysaa mudadaa?

Waxxa qabyada ah iyo waxa qabsoomay qormadan ugu qeexo, jawaabtana bulshada aan u reebo, Taxanihii Todobaad ee Itus oo itaabsii, waxa aan ku lafoguray  caqabado ay sheegeen koomishanka qaranku oo hor taagnaa qabsoomida doorashada isku sidkan, waxay ahaayeen sidan:

Caqabada 1aad: Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo ilaa hada aan laga gaadhin xal iyo heeshiis

Caqabada 2aad: Xeerarkii diwaan gelinta iyo doorashada oo udub dhexaad u ah qabsoomida Golaha wakiilada iyo Golaha Degaanada ee isku sidkan oo ilaa hada aan la ansixin.

Caqabada 3aad: Diwaan gelinta cod bixiyayaasha oo laf dhabar u ah qabsoomida doorasho, sharciguna dhigaayo in doorasho kasta ka hor la sameeyo oo inoo qabsoomin

4aad: Xisbiga wadani oo ku dhawaaqay bishii march 2018 in uu kalsoonidii kala noqday komishanka.

Caqabada 5aad: wada xaajoodkii u dhaxeeyay u dhaxeeyay axsaabta oo ilaa hada xal laga gaadhin.

Hawlahaa imisaa wax laga qabtay? Imisaana hadhsan?

Inta Qabyada ah ma lagu dhamays tiri karaa mudada ka hadhsan doorashada?

Jawaabta ka soo baxda garaadada bulshada ee garashada lihi, waxay garan karaan in doorasho qabsoomayso iyo in doorasho aanay qabsoomaynin.

Jawaabtii bulshada laga sugaayay waxaa ka soo hor maray oo in ay ka jawaabaan su’aashii taagnayd Gudida Doorashooyinka Qaranka JSL.

Markii Bishu, Maalintu iyo sannadkuba ahaa 08/08/2019 waxa ay Gudida Dorashooyinka Qaranku sheegeen Caqabado is hortaagay qabsoomitaankii doorashada maalintii u astaysnayd, waa 12/12/2019, Sidaa daraadeed Dastuurka iyo xeer hoosaadka Qaranku Ma banaynayaa dib u dhaca doorashada?

Asbaab Dib u dhigi karta doorashda golaha Degaanka, Hore wax sharciya ama xeer ah oo qeexaya kamay oolin, balse asbaabta keeni karta in ay dib u dhacdo doorashada golaha wakiilada xeer baa ka yaalay kaas oo ahaa sidan: ( Dastuurka JSL Qodobka 42aad “Mudada xilka iyo Xilliga Dorashada” farcamihiisa 3aad “hadii doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi waydo daruufo adag awgeed Golihii hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso daruufahaasi lagana dooranayo gole cusub daruufaha adagi waa dagaal baahsan, xasilooni daro gudaha ah, aafo dabiiciya oo culus sida dhul gariir, cudurada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya golaha guurtida ka dib marka golaha xukumadu sidaa soo jeediso”)

Hadii laysku eego Caqabadihii ay sheegeen Gudidu waa gudada dorashooyinka e iyo sida uu sheegay dastruurku ee sababi karta in  dib u dhacdo dorashadu  waa kaaf iyo kala dheeri.

Arinta Maanta miiska saaran ee culayskeeda wadata balse aan dastuuri ahayn ee ah raali galinta bulshada ku kala nool Gobalada jsl isla markaana dorashada golaha wakiiladu u qabsoomaynin ilaa la xaliyo mooyaane waa “Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada”

Waxa aynu nahay dal curdin ah waana mida ka dembaysa in la garan waayo cida uu saaran yahay xilkeedu saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu.

Fiiro Gaar ah:

Dorashada Golaha Degaanada iyo Golaha Wakiiladu waxa door roon in midiba midka kale ku xidhnaanin oo aanay dabar ku noqonin, sababtoo ah dorashada golaha degaanada wax caqabad ah oo ku xidhan ma jirto, balse Golaha wakiiladu hadii aanay  caqabado jirin ku xeersani, 15 sano ama 3 mudo xileed xildhibaanadu kumay gadheen kuraasta.

Qalinkii: Cabdixakiim (Samokaab)

 

COMMENTS
LINKS