‘Anigu Siyaasi Ma Ihi. Laakiin Siyaasadda Waxa Mar Walba Sal U Ah Waa Sharciga” La-taliyaha Sharciga Ee Golaha Wakiillada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
‘Anigu Siyaasi Ma Ihi. Laakiin Siyaasadda Waxa Mar Walba Sal U Ah Waa Sharciga” La-taliyaha Sharciga Ee Golaha Wakiillada Jsl.
August 18, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaa soo bandhigay waxyaabaha uu u xilsaaran yahay iyo shaqooyinka uu u qaabilsan Golaha Wakiillada, isagoo iska fogeeyey dhaliilo loogu jeediyey qaabkii uu u soo bandhigay jawaabtii sharci ee lagu buriyey mooshinkii khuseeyey kordhinta tirada xubnaha Guddida Doorashooyinka ee qaybta ka ahaa heshiis ay saddexda xisbi qaran kala saxeexdeen 27 July 2019.

Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo waraysi siiyey telefiishanka Somali Cable TV , waxa uu sheegay in La-taliyaha sharciga ee Golaha Wakiilladu uu yahay mid dastuuri ah oo ku cad qodobka 52-aad ee dastuurka Somaliland, kaasoo qeexaya in Goluhu yeelanayo La-taliye sharci, isagoo xusay in shaqadiisuna ku caddahay xeer-hoosaadka golaha, waxaannu sheegay in mooshinkasta oo ay soo jeediyeen mudanayaasha Wakiilladu loo soo gudbiyo La-taliyaha sharciga, kadibna uu ka guto waajibkiisa sharci oo ah inuu hubiyo in mooshinku waafaqsan yahay xeer-hoosaadka iyo dastuurka dalka.

“La-taliyaha sharcigu waxa uu awood u leeyahay inuu hubiyo, kana jawaabo in mooshinkaasi waafaqsan yahay xeer-hoosaadka Golaha iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo haddii uu waafaqo wuu marayaa, haddii uu waafaqi waayana ma marayo, markaa habkaas iyo qaabkaas ayey sharciyadda Golaha Wakiilladu ku shaqaysaa, maantana naguma cusba oo horeba waannu ugu soo shaqaynay oo ragga ka sheekaynaya ee leh; ‘La-taliye shacri ma jiro.’ Waxa aan leeyahay anigu maanta oo qudha maan ahayn La-taliye sharci oo intaas oo mooshin oo ka horeeyeyba aniga ayaa gacanta ku hayey oo aniga ayaa ka soo jawaabay,” ayuu yidhi Garyaqaan Mustafe.

Waxaannu intaas ku daray; “La-taliyaha Sharcigu sidiisaba marka la eego Golaha Wakiillada laba shaqo ayuunbuu qabtaa, labadaas shaqo ee uu qabtaana waa ka-talo-bixin xeer oo ah inuu ka-talo-bixiyo xeerarka golaha yaal, shaqada labaad ee uu qabtaana waa inuu hubiyo, kana jawaabo mooshinnada ama xeerarka loo soo gudbiyo inay waafaqsan yihiin Xeer-hoosaadka iyo Dastuurka, markaa arrintan la ii soo gudbiyey may ahayn arrin ka-talo-bixin ah oo anigu kamaan talo-bixinayn oo fikirka iyo ra’yigayga kumaan darsannayn, laakiin wixii uu dastuurka iyo xeer-hoosaadku ay sheegayaan ayuun baan anigu sheegay.”

La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada, ayaa iftiimiyey sababta keentay in mooshinka la soo gudbiyey uu mariyo waayo waddadiisa, waxaannu yidhi; “Waxa keenay bal eega YouTube-ka iyo dooddii mudanayaasha oo dhegaysta markii uu bilaabmayey kal-fadhigan 40-aad, waxa ay mudanayaashu ka doodeen wax-ka-beddelka xeerka doorashooyinka, ajandahooda ayey ku darsadeen, wayna u codeeyeen oo go’aan gole ayaa loogu codeeyey ajandihii kal-fadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada, markaa ajandaha ayuu ku jiraa oo waxa loo muddeeyey lambarka toddobaad ee qodobbada ajandaha, markaa maxaa ku jaban in la sugo waqtigaas oo wax-ka-beddel lagu sameeyo marka doodiisa la gaadho?

Ta labaad, xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 43-aad waxa uu sheegayaa; ‘lama furi karo mooshin haddii arrinta uu ka hadlayo mooshinku isla kal-fadhigaas hore loogaga dooday.’ Markaa waxa taala dooddii ay mudanayaashu ka dhiibteen bilawgii kal-fadhigan wax-ka-beddelka xeerka doorashooyinka oo lagu daray ajandaha, YouTube-yada ayeyna doodaasi ku jirtaa, sidaa darteed mar haddii laga dooday arrinta nuxurka mooshinku xambaarsanaa lama furi karo mooshinka, sidaasna waxa caddaynaya oo sheegaya qodobka 43-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sidaa awgeed mooshinkaasi muu waafaqsanayn xeer-hoosaadka golaha, waana intaas inta aan anigu kaga jawaabay, sharciyad ayaanan kaga jawaabay oo anigu siyaasi ma ihi, xilkayguna waxa weeyaan in aan eego inuu waafaqsan yahay dastuurka iyo xeer-hoosaadka, weliba xeer-hoosaadkaasna waxa ku saxeexan Guddoomiyahayagii hore ee Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro.”

La-taliyaha Sharciga oo la weydiiyey su’aal ahayd; ‘Sida ay qaar ka mid ah xildhibaannada sheegeen, adigu awood miyaad u lahayd in aad soo hor istaagto Golaha oo aad ka hor akhrido, weliba aad sida Maxkamadda go’aamiso in mooshinkaasi buray? Waxaannu ku jawaabay; “Walaal, waa la yaqaan oo kol haddii aannu mooshinku waafaqsanayn xeer-hoosaadka waxa uu ku xad-gudbayaa sharciga oo kol haddii aannu sharciga waafaqsanayn wuu jabay oo lama furi karo, sida ku cad qodobka 43-aad ee Xeer-hoosaadka, wuxuunna qodobkaasi inoo diidayaa in aynu furno mooshinkaas…Qofka sidaas (in aanan golaha ka hor akhri karin) ku doodayaana waa qof aan garanayn qaab-dhismeedka iyo sida uu goluhu u shaqeeyo oo goluhu madax ayuu leeyahay, waana shir-guddoonka oo Guddiyo ayuu leeyahay, La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiilladuna lama shaqeeyo Shir-guddoonka oo qudha ee waxa uu la shaqeeyaa sidoo kale guddiyada golaha oo waxa aannu kala shaqaynaa mashaariicda sharci ee la soo hordhigo oo waxa aannu fadhiisanaa fadhiyada Golaha oo arrimaha ka soo baxa golaha ayaannu jawaab-sharci ka bixinaa, laakiin marka ay tahay mooshin waxa jirta in mooshinku uu hannaan maro oo sharciyad ayuu maraa, aniguna xaq uma lihi in aan talo ka bixiyo oo imminka mooshinkaas la soo gudbiyey talo kamaan bixin, laakiin qodobka 42-aad ee Xeer-hoosaadku waxa uu leeyahay; ‘La-taliyaha sharcigu waxa uu hubinayaa, kana jawaabayaa inuu mooshinkaasi waafaqsan yahay dastuurka iyo xeer-hoosaadka, markaa ma waafaq mise waafaqi waa, waana halkaas halka ay su’aashu ku jirtaa, talada sharcina bannaanka la iskuma siiyo ee Golaha dhexdiisa ayaa laga akhriyaa, xilkaas ayaana i faraya in aan golaha ka dhex akhriyo, maadaama uu mooshinku ka dhex abuurmo fadhiga golaha, jawaabtuna waxay noqonaysaa uun fadhiga golaha,sidaas ayeyna sharci ku tahay.”

Waxa kaloo La-taliyaha Sharciga la weydiiyey su’aal ahayd; ‘Adiga Garyaqaan ahaan qaabkee ayaad ku timaad Golaha Wakiillada, yaase ku soo xula? Waxaannu ku jawaabay; “Horta sida uu dastuurku sheegayo waxa uu leeyahay; ‘Golaha Wakiilladu waxa uu yeelanayaa La-taliye sharci oo lagu xushay aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.’ Markaa runtii maanta maan iman Golaha Wakiillada oo anigu muddo dhan 15 sanno ayaan ka shaqaynayey Golaha Wakiillada, xilal kuwan ka horeeyeyna waan qabtay oo mansab iyo Agaasimeyaal ayaan gaadhay oo aan soo qabtay, waxaanan halkan ku soo gaadhay darajo iyo aqoon oo waxa aan ahay nin xaga sharciga ka haysta shahaadada sare ee Masters Decree (shahaadada digriiga labaad) oo weliba khaasatan ku takhasusay shuruucda baarlamaanada ama waxa loo yaqaanno (Parliamentry procedure and practice) oo baarlamaannada Adduunka oo dhan isku si ayey u shaqeeyaan oo mooshinno ayey leeyihiin, mashaariic sharci ayaa la mariyaa, waxaanna mar walba sal iyo aasaas u ah Golaha waa xeer-hoosaadkooda, waana dastuuri oo qodob dastuuri ah ayaa odhanaya waa in goluhu yeesho xeer-hoosaad, weliba fadhigooda ugu horeeya ay samaystaan.”

Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaa sheegay in sharcigu mar walba uu sal u yahay siyaasadda, isla markaana uu shaqsi ahaan jecel yahay in xisbiyada qaranka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu mar walba guulaysto.

“Anigu ma ihi siyaasi, laakiin siyaasadda waxa mar walba sal u ah waa sharciga, siyaasadduna waa ciyaar (game), ciyaartaasna ninka sharciga si wanaagsan u yaqaan ee ugu dhex ciyaara ayuun baa guulaysta. Anigu waan jecelahay inay axsaabta siyaasaddu guulaysato oo inuu waddankeennu hore u maro ayaan jecelahay, laakiin mar walba waxa aan leeyahay haddii aynu nidhaahno siyaasaddu way indho la’dahay oo sharcigiina aynu indhaha ka tuurno sidee ayeynu walaalayaal u soconaynaa bal idinka ayaan idin weydiiyee?

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS