“Madaxweyne Biixiyow, Waa Intaasood Uga Sii Dhawaataa”Siyaasi Mustafe Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Biixiyow, Waa Intaasood Uga Sii Dhawaataa”Siyaasi Mustafe Shiine.
August 20, 2019 - Written by Editor:

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi ,ayaa isagoo la hadlaaya Jaaliyada reer Somaliland ee Sucuudiga, si xirfadaysan uga jawaabay sawirkii ay indhawyd bulshada reer Somaliland hadal haysay, kaasi oo si ba’an ay dhinacyada dadku isugu raaceen in uu ahaa denbi uu galay hogaamiyihii qaranku.

Mudane Muuse waxa isagoo arrintaa ka hadlaya uu ku bogaadiyay shacabka reer Somaliland sida feejigan ee ay u ilaashanayaan qarankooda, isla markaana ay uga dareen celinayaan wixii ay fahmiwaayaan ee ay madaxdoodu ku kacdo.

Qaabka uu Biixi uga hadlay arrinta sawirkaasi, ayaa ay ka muuqatay bisayl iyo xirfad hogaamineed oo cusub, inkastoo lagu yaqaan Madaxweyne Muuse inuu is daad raacsho marka ay ku jiifto.

Rayalcaamka dadka arrintan ka hadlaayay, ayaa intooda badani qodobkaasi kaga gam’ay jawaabta iyo garawshiiyaha uu Mudane Muuse ka bixiyay sawirkii ay ummaddu ka sastay.

Madaxweynuhu wuxuu raaciyay in aanu dhibsan dhaliisha, isagoo ku sababeeyay in uu 40 sano soo ahaa mucaarid oo uu garanaayo waxa ay dhaliishu tahay, haseyeeshee waxa dadka Muuse Biixi yaqaan ay sheegayaan in aanu dul u lahayn arrintaasi, daliilna ay ugu filan tahay inta dhalinyaro ee xabsi ku mutaysatay dhaliil ay dhaliileen madaxweynaha oo maxkamad lagu saaray kiis ah ” waxaad u gefteen Madaxweynaha”, taasi oo ka dhigtay madaxweynihii ugu horeeyay ee naftiisa oo wax laga sheegay maxkamad lagu horgeeyo dhalinyaro muwaadiniin ah oo qaarkood uu codkooda kursiga ku gaadhay.

Si kastaba xaalku ha noqdee madaxweynaha wuu garanayaa sida wanaagsan ee uu sheegaayo, waxaase muhiim ah inuu ka run sheego hadalkiisa oo uu dhagaysto dareenka shacabka, taasaana u soo jiidi doonta magac iyo sharaf.

COMMENTS
LINKS