Somaliland Iyo Ereteriya:Ma Asmara Ayaa U Socotay Indho-Indhayn Keliya Oo Hargeysa Ayaa Ciyaarta Khalad Fahantay Mise Diblomaasiyada Ayaa Soo Guuxaysa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Ereteriya:Ma Asmara Ayaa U Socotay Indho-Indhayn Keliya Oo Hargeysa Ayaa Ciyaarta Khalad Fahantay Mise Diblomaasiyada Ayaa Soo Guuxaysa?
August 21, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)-Shan bilood ayaa laga joogaa markii ay bishii March wefti ka koobnaa wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Ereteriya Yemane Ghebreab ay socdaal ku yimaadeen Somaliland.

Socdaalkaas oo ahaa mid lama filaan ah wuxuu soo jiitay indhaha warbaahinta gobalka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo weftiga soo dhaweyay ayaa wuxuu maalintaas sheegay in weftiga Ereteriya u yimaadeen inay iskaashi la yeeshaan Somaliland, waxaanu yidhi  “Weftigu waxa ay u yimaadeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi  iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.”

Hase yeeshee  wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax, wuxuu isagoo dhinac taagan Wasiir Faratoonka Somaliland uu  sheegay in socdaalkoodu yahay indha-indhaynta Somaliland, ka dib markii uu Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki soo diray, isagoo yidhi  “Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki,  si aannu wax badan uga ogaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waanu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxaana uu noo sharaxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aanu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.”

Weftiga Ereteriya waxa socdaalkooda aad wax uga qoray Warbaahinta gobalka, gaar ahaan warbaahinta dawliga ah ee Ereteriya, kuwa Itoobiya iyo Kuwa Kenya.

Markii weftigu dhawr maalmood Hargeysa joogay, Addis Ababa iyo Asmarana aad looga hadlay socdaalkooda ayaa waxay dad badani qabeen in ugu yaraan uu xidhiidh u bilaabmi doono Hargeysa iyo Asmara, iyagoo maanka ku haya hadalka Wasiirka khaarajiga Somaliland ee ahaa inay inay weftiga Ereteriya u socdaan xoojinta cilaaqaad dhex mara labada dal, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya  in Madaxweyne Biixi uu socdaal ku tagi doono magaalada Asmara ee Ereteriya.

Hase yeeshee, waxa hadal qaadka socdaalka weftigaas Ereteriya iyo xidhiidh u bilaabma Hargeysa iyo Asmara ugu dambaysay markii ay weftigaasi labada xubnood ka koobnaa ka dhoofeen madaarka Hargeysa 20 March.

Haddaba, dad badan ayaa aaminsan in socdaalka Weftiga Ereteriya aanay ujeedadiisu ahayn inay xidhiidh iskaashi la bilaabaan Somaliland, balse uu nuxurkiisu sida uu Wasiirka Arrimaha dibadda Ereteriya sheegay ahaa inay soo indho-indheeyaan Somaliland maadaama oo ay Ereteriya 20 sanandood go’doon kaga jirtay dunida.

Laakiin ay dawladda Somaliland sida uu wasiirka khaarajiga Mr. Faratoon sheegay u fahantay in Ereteriya doonayso inay iskaashi cusub la bilowdo Somaliland.

Diblomaasi aad ula socda siyaasadda gobalka, oo Wargeyska Geeska Afrika uu arrintan kala sheekaystay kana gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa aaminsan in Weftiga Ereteriya aanu u socon xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Ereteriya, balse ay u socdeen xog urursi iyo indho-indhayn “Waxa muuqata in Weftiga Ereteriya u socdeen xog urursi, u kuurgalida siyaasadda iyo xaaladda Somaliland ee umay socon dano dhex mara labada dhinac, waxaana dhici kartaba inay farriimo siinayeen Muqdisho.”

Diblomaasigani wuxuu intaas ku daray, “Booqashooyinka noocan ah ee mar keliyaata ah ee weliba dhinac keliya ku kooban waxay u badanyihiin kuwo aan qoto dheerayn oo aan daarnayn xidhiidh kobcin, loogana dan leeyahay arrin markaas taagan, waana in aad looga taxadiraa in loo soo wada baxo oo ay calooshaada ka kalluumaystaan.”

Si kastaba ha ahaate, waxa la eegi doonaa in sida ay Somaliland qabto uu labada dal u bilaabmo xidhiidh ugub ahi oo ay diblomaasiyadda Ereteriya weli dhexda ku soo jirto iyo in sida ay weftigii Ereteriya sheegeen socdaalkoodu ahaa indho-indhayn iyo xog raadis keliya.

 

 

COMMENTS
LINKS