Ceel-Afwayn Iyo Tobanka Sano Ee Soo Socda!Qalinkii;Muxiyadiin Yuusuf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ceel-Afwayn Iyo Tobanka Sano Ee Soo Socda!Qalinkii;Muxiyadiin Yuusuf
August 21, 2019 - Written by Editor:

Ceel-afwayn wali ma aragtay oo cago ma saartay akhriste? Ceel-afwayn cudoon oo caad saran yahay baa jirta. Akhriste, gugii 2008-dii dabayaaqadiisii ayaa aniga iyo koox diwaan galinta codbixiyaasha ka shaqaynaysay ayaanu waabarigii soo istaagnay faras-magaalaha. Baaburta komishanka u adeegaysa dhamaan anbad bay noqdeen oo bananka Saraar iyo Karamaan ayey ku asqoobeen.. Gobonimada dadkaasi oo ilaa imika aan maskaxdayda ka bixin dad habeenimo qudcur ah hagista gawaadhida isku xilmqaamay oo kaliya in dadka jidka Ceerigaabo ee saxda ah kugu ridaan. Mugdigaasi ayey heegan u ahaayeen oo waxa wajigooda ka muuqday farxad iyo rayn rayn lama ilaawaana.

Dadki aanu gobonimadooda habeenimo na dhadhansiiyey bal qiyaas markay cadceedu soo baxday sida la yeelay… Isku duuboo dadkaa Sanaag joogay anigu ma qabo inay yihiin kuwan laga soo warinayo dhiilada iyo is-dilka. Dunta dadkaasi waxa u marag ah sida aroortii lanoo qaabilay ee quraac iyo shidaalo naloo siiyey… shaqaalihii ka shaqeeeyeyna loogista iyo marti galintooda qof tagay kala masuugi maayo. Ceel-Afwayn ceebla oo cudoon oo intay aroor hore isku soo baxeen dadka sheekadooda aad ka yaabayso xikmada hadalka, suugaanta dadnimadooda, is-jacaylka iyo muxash-xashnimada ku dheehnayd.

Dadkaasi Ma aha umad loo quudhi karo waa Ceeb-afwayne … Adigoon Galbeed iyo Gurigii lagugu dhalay aan dhinac u dhaafin ha ceebayn dadkaa cudoon ee Ceel-afwayn la daala dhacaya dawladaynta ay doorashadu u horayso ee asqawga iyo is-fahamkoogii soo jireenka ahaa wali la jaan-qaadin.

Bal sawiro Ceel-afwayn iyo 10 sano ka dib….. Quruxda bay’adooda aan wali nabaad guurin… dadka wali diidan ilbaxnimo khaa’is ah oo aan iyagu gadhwadeen ka ahayn ee lasoo waaridayo… Bal labadan sawir eeg oo ka bogo mida koowaad sida bay’adoodu tahay iyo dhismaheeda magaalo-nimo. Magaalda dhismayaasha leh weeyi Ceel-afwayn hadaad u taqaan ……

QALINKII; MUXIYADIIN YUUSUF AW RABAAX.

GABILEY SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS