Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaaliya & Qodobo Kale, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaaliya & Qodobo Kale,
August 22, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres  ayaa warbixintiisa saddex biloodka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaalida ee uu u gudbiyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuu qaybo ka mid ah kaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu tilmaamay in horumar aad u y ar laga sameeyay in wada hadaladu dib u bilaabmaan.

Xoghayaha guud ayaa warbixintiisa waxa kale oo uu kaga hadlay xaaladii deg dega ahayd ee uu Madaxweyne Biixi ku soo rogay saddex degmo oo ka tirsan gobalka Sanaag oo uu markii dambe laalay, waxaanu xoghayaha guud yidhi “Somaliland, Madaxweynaha Somaliland ayaa qaaday xaalad deg deg ah oo laba bilood ahayd oo lagu soo rogay saddex degmo oo ka tirsan gobalka Sanaag 25 June, oo  hore loogu soo rogay ka dib markii ay soo laabteen dagaal beeleed ka jira degmooyinkaas. Isku dhacyadaas ayaa ku soo laabtay degmooyinkaas 7 ilaa 8 Julay ka dib markii ay 18 ruux oo shicib ahi ku dhinteen isku dhacyo beeleed.” Ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu António Guterres yidhi “Waxa kale oo horumar yar laga sameeyay dib u bilaabista wada hadalada Somaliya iyo Somaliland intii lagu gudo jiray wakhtigii warbixintan la diyaarinayay. 25 June xarunta Centre for humanitarian dialogue ayaa abaabushay kulan dib loogu eegayo dedaalo caalami ah oo  hawl fududayn ah oo u dhexeeyay  labada dhinac. 17 Julay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay guddiga  dib u heshiisinta iyo wada hadalada Somaliland si ay u diyaariyaan jidka  loo mari karo wada hadalada laguna hoggaamiyo wada shaqaynta dawladda federaalka.”, wuxuu xoghayaha guud intaas ku daray in dawladda Somaliland ay soo dhawaysay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,  balse ay diiday qaabka uu Farmaajo guddiga u dhisay, “Markiiba, Somaliland ayaa soo saartay war-murtiyieed ay ku cadaynayso sida ay wada hadalada uga go’antahay, iyadoo diiday qaabka ay dawladda federaalka Soomaaliya u dhistay guddiga.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in Somaliland, gaar ahaan magaalada Laascaanood lagu xidhay saxafi soo waraystay dad deegaanka ah oo ka soo horjeeday xadhiga xildhibaan lagu xidhay Hargeysa, sidoo kalena wuxuu sheegay in Hargeysa lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah saxafi lagu eedeeyay baahinta warar aan jirin.

Xoghayaha guud wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Ramadaantii iyo xuskii 18 May  cafiyay 557 maxbuus oo galay dambiyo fudud.

 

COMMENTS
LINKS