Madaxweynaha jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan Oo Ku Geeriyooday Hargaysa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan Oo Ku Geeriyooday Hargaysa,
August 24, 2019 - Written by Editor:

TACSI; MADAXWAYNE.

24/08/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 24/08/2019, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, isagoo xilal kala duwana soo qabtay.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS