Carruus Garan Waayey Aroosadiisii Habeenkii Ay Aqal Galayeen Iyo Sababta Keentay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Carruus Garan Waayey Aroosadiisii Habeenkii Ay Aqal Galayeen Iyo Sababta Keentay!
August 24, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Nin u dhashay Dalka Scotland ayaa waxa soo waajahday arrin aad u layaab badan habeenkii aqal galkiisa ninkan ayaa waxa uu ka soo dhacay kaabadaha salaanka oo dhererkoodu ahaa 3.7 Mitir, kadibna wuu miyir doorsoomay.

Ninkan ayaa aqoonsan waayey aroosadiisii sababtuna waxa ay aheyd koomadaasi uu galay sida lagu baahiyey saxaafada Daily Record oo Wargeyska himilo ka soo xigtay in ninkani uu ku nool yahay galbeedka Lothian, ninkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Chris Malone waxaanu ka dhacay kaabado ku yaalla goobta aroosku ka dhacayay xilligaasi oo mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya goobtaasi uu ka caawinayay qaadista hadyado ay dhigayeen hoolka aroosku ka dhacayey.

Ninkaa waxa soo gaadhay jajab saameeyay qaybo ka mid ah madaxiisa iyo dhabarka iyo sidoo kale labada garab iyo waliba dhaawacyo kale oo ka soo gaadhay waddnaha iyo sambabada waxa aanay xaaladda Chris dhakhaatiirtu ku tilmaameen in uu la mid yahay qof ka badbaaday shil baabuur.

Aroosada oo magaceeda la yidhaahdo Avril ayaa sidoo kale suxufiyiinta u sheegtay in ay aragtay markii uu koomada ka soo baxay waxa aanay sheegtay in ay aad u xishootay kadib markii ay aragtay in aanu garanayn waxaanay bilawday in ay xasuusiso heestii loo shiday meherkoodii intaasi kadib ayuu Mr Chris bilaabay in uu xasuusto inay gabadhani ay tahay xaaskeedii.

 

COMMENTS
LINKS