Doqoni Meel Dhaw Bay Wax Ka Aragtaa!Qalinkii;Mustafe Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doqoni Meel Dhaw Bay Wax Ka Aragtaa!Qalinkii;Mustafe Shiine.
August 27, 2019 - Written by Editor:

“Carooga Qabaliga Ahi Waxba Ina Tari Maayo,Hooyo Dugsi Ubadkeeda Marna Wax Ku Siisa, Marna ALLE ku Sugta Uun Bey Dibada Wadhi,Siyaasi Mustafe Shiine,

Ma joogno maanta wakhti aynu isu muuq-muuqano, colaadana sideedaba waxa buunbuuniya midaan waxba ka tarayn.

Waxaan anigu lee yahay ” waar tolow colka jooja”.

Xukuumadda iyo ciidankeeda waxaan lee yahay ” Birta,birta ah haddii qasab la doono in lagu qaloociyo way jabtaa, waar sharciga caqli ku dara iyo hirgelinta dawladnimada “.

Aabuhu ubadkiisa lama tirsado, masuuliyadu ninka ay saaran tahay lexo jeclo ayaanu ka rabnaa.

Dhinaca kale waxaan lee yahay ” Carooga qabaliga ahi waxba ina tari maayo, hooyo dugsi ubadkeeda marna wax ku siisa, marna ALLE ku sugta uun bey dibada wadhi, wiil hoog, maalin kale loo baahnaana waa ku dhiman, dabadeedna sideenii uun beynu isu soo boholyoobi, aynu cagta u dhigno oo ilaa inta laga waayayo nabada halagu dheganaado.

Madaxweyne adiga waxaan kuu soo jeedinayaa waxaanay Sakaaro ka biiqsan qaranka dab ha ku gelin oo nin xun oo walba uga tag wixii uu kaaga dhego, wax daqiiqado ku simana sanado yaanay kaa qaadan.

Dhalinyarada Social Media ka goolaaftamayana waxaan lee yahay, ha kala raacina, dawladi reer kama adkaato oo tii Siyaad Baraa SNM tirtiri lahayd,macadalaa waa tan isku DNAga ahee, Qabiilna dawlad kama adkaado oo tii yabyabka ahayd ee Ina Cigaal beynu jarka ka tuuri lahayn.

Waar colka jooja, 2000 oo Inanoo la dilo oo caqli xumo lagu dilo ma haynee cagta dhiga.

 

COMMENTS
LINKS