Burco Iyo Waxyaabaha Layaabka Leh Ee Aan Kula Kulmay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Burco Iyo Waxyaabaha Layaabka Leh Ee Aan Kula Kulmay!
August 31, 2019 - Written by Editor:

Waxa ay ahayd sanadkii 2014 kii , goor fiid ah ayaan ka soo rawaxay kastamka Beer oo aan xiligaa shaqaale ka ahaa , waxa ila socday mid ka mid ah shaqaalaha oo isaguna gurigooga oo magaalada ku yaalla u soo rawaxayey.

Marka aanu soo dhaafnay kaantaroolka bariga magaalada laga soo galo ayaa waxa indho sare iyo kuwo hoose oo nalka mamnuuca ah nagu shiday baabuur isaga oo in dheer noo soo jira , waxba waanu arki waynay oo gaadhigii ayaa wadada nagala bixi gaadhay !

Anaga oo yaaban oo iska ashaahadanay ayaa nalagu hor jaray baabuurkii oo uu Alle dirqi nagaga badbaadiyey in aanu isku baaba’no oo shil nagu dhaco naxdin iyo amakaag anaga oo yaaban oo dagaal u diyaar garownay ayaaba gaadhigii wadaado iyo ciidan nagaga soo dageen iyada oo tooshash waaweyn nalagu shiday .

Waxa nalagu yidhi ka daga gaadhiga anaga oo gacmaha kor u taagayna ayaanu gaadhigii ka dagnay waa la baadhay , waxa nalagu yidhi

maye hablihii idin la socday ?

Aniga: Hablo maxay ah ?

Iyaga : Xageed ka timaadeen ?

Inankii kale : Samada ayaanu ka nimid !

Iyaga : waa maxay nimankan kibirsani

Aniga: waar ma kibirsanin e ma intaad na layn gaadheen oo uu gaadhigu nala dhici gaadhay markii dambena gaadhi nagu hor goyseen ayaad anaga waliba daalac noo raacaysaan , xataa su’aalaha aad na waydiiseen iyo sidan aad noola dhaqanteen midna xaq nooguma lihidin ee maxaa jira ?

Iyaga : Socda oo aayar socda hawlgalo ayaa socda e …

Anaga oo yaaban ayaa baabuurkii nalaga horqaaday markaasaanu u fiirsanay baabuurkani muxuu ahaa iyo wanaag farista ayaa ku qoran .

Hab dhaqan aad u liita oo diinta iyo dawladnimadaba dadka nacsiinaya weeyaan hab dhaqanka noocaas ahi , markii aan sii waraystayna waxaaba aan ogaaday in wadaadu inta ay saldhiga tagaan ciidan la soo siiyo ay habeenkaa yoomiye wanaagsan siiyaan oo la kaayeysto.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS