Calancas Raadkeedii Iyo Waxii Ay Dalka Ka Gaysatay Waa La Ogaa Ramaaxoow! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Calancas Raadkeedii Iyo Waxii Ay Dalka Ka Gaysatay Waa La Ogaa Ramaaxoow!
September 2, 2019 - Written by Editor:

“Ramaaxoow Waa Runtaa Oo Calancas Baa Dalka Haysata, Wax Ay Dumiyaan Mooyaane Wax Ay Dhisaan Lama Arag”Dhimbiil.

 Taariikhdu waa run kama rays !!!

#Ramaax oo ah Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga Ucid waxa aan leeyahay SNM way istaqaanay nin waliba waxa uu galo iyo waxa uu gudaba umada Somaliland ayaa ka markhaati ah , Waa ayaan daro in maanta aad Xasan_Yoonis Habane oo geeriyooday aad ka sii daba hadasho.

.

Muj Xasan Yoonis Habbane waa ninkii dhisay ciidamada SNM iyo ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ahaa geesi aan dan caama mooyaane dano kale ka shaqeyn oo u hagar baxay dadkiisa iyo dalkiisa , waxa uu mudan yahay in loo duceeyo oo la xuso wanaagii iyo waxii uu dalkan gashaday ee isaga oo geeriyooday hadalo laga sii daba tuuraa nusqaan bay ku tahay dadka markii uu noolaa aan erey odhan karayn ee maanta hadlaya.

Taariikhdu nin walba way tilmaantay kii qolo iyo ku xumee ku suntanaa iyo kaa qaranimada iyo wadajirka umada raadinayey isku meel dhigi mayso , been may ahayn in calancas ay dalka xumaan ka waday oo ay duminaysay dawladii Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali Alle ha u naxariisto e .Waxa kale oo jiryay in markii Cabdiraxmaan dawladiisii xiligeedii dhamaaday in Maxamed Ibrahim Cigaal ay calancas wateen oo ay rabeen in ay ka dhigtaan madalooti ay dalka ku maamulaan , waxaana ay gacmaha u galiyeen dhiig iyo dagaalo sokeeye, haseyeeshee cigaal ninka uu ahaa waa la yaqaanaa oo inta uu ku fahmay ayuu iyaga dibada u daadiyey iyo munaafaqadoodii oo Alle ha u naxariisto e uu magacaabay Muj Xasan Yoonis Habbane oo ay ku direen oo uu waliba raali galin siiyey kuna amaanay daacadnimadiisa iyo lexojeclada uu qaranka ka qabo.

Waxa xusid mudnayd in xasan yoonis iyo Madaxwayne Cigaal is khilaafeen oo uu xilka la qaaday isaga oo waliba si asluubaysan u qoray xil ka qaadista jananka xiligaa , haddana waxa uu magacaabay xiligii uu geeriyoon doono wax yar ka hor cigaal , markaa dambe wuu diiday Xasan yoonis in uu xilka qabto , laakiin waxa uu Cigaal ku qanciyey in maanta uu dalkiisa iyo dadkiisu u baahan yihiin oo aanu isagu dano ka lahayn , dabadeedna sidaasi ayuu ku aqbalay magacaabista madaxweynaha , waxaana uu noqday shaqsigii iilka dhigey Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal .

Maalintii dhawayd waxa uu ka dhawaajiyey Ramaax , isaga oo aan u fahmay in uu leeyahay calancaseey idinka dalka haysta e miyaa la idin inqilaabay , marka aan dhuuxay hadalkiisu nooca uu u yaalay , Ramaaxoow waa runtaa oo calancas baa dalka haysata wax ay dumiyaan mooyaane wax ay dhisaan lama arag cida barigaa wax duminaysayna calancas bay ahayd oo dadka haybo iyo reero u kala gurtay , waan ku arkay oo ilaa kaambaynkii doorashada ayuun baad ku celcelinaysaa habaryoonis baa berbera ku duushay si aad ciise muuse taageero uga hesho.

Umadu halkaa way soo dhaaftay waxkasta oo dhacayna waa laga heshiiyey, reerka ciise muuse la yidhaahdo maaha reer cuqdad iyo xumaan loo adeegsan karo ee waa reeraha uu dulqaadkooda dalku ku dhisan yahay ee ka daa tolkay xumaanta iyo naxliga aad marba ku soo celcelinayso iyo waxa aad xoqayso oo ah in dadka reer berbera ee walaalaha ah in aad kala qaybiso.

 

QALINKII; Muhamed Dhimbiil.

COMMENTS
LINKS