“Jacaylku Waa Dareen Mideeya Laba Qalbi Oo Is Doonaya”;Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Jacaylku Waa Dareen Mideeya Laba Qalbi Oo Is Doonaya”;Abwaan Weedhsame.
September 2, 2019 - Written by Editor:

“Jacaylku waa dareen mideeya laba qalbi oo is doonaya. Jacaylku waa is tixgelin, is tebis, iyo isku tiirsanaan. Jacaylku waa is weheshi, iska war hayn, isku werwerid, iyo in la wadaago dhib iyo dheef hadba wixii jira. Dadka is jeceli isma dhayalsadaan, iskuma dheeldheelaan, wiirsina hadalkiisaba daa!.

Dadka is jeceli way iska farxiyaan ee iskama nixiyaan, way is dugsadaan ee isma deyrshaan, way isku hiloobaan ee isma hilmaamaan, way is qadariyaan ee isma quudhsadaan, naftay isku huraan niyadana way isku dhisaan.

Dadka is jeceli waa isku riyo,waa isku rajo, raali baanay iskaga yihiin raaxadiyo rafaadkaba. Dadka is jeceli eegmaday iskugu qadaan, odhaahday isugu samraan,waanay isku indha kuushaan. Markay kala maqan yihiin qalbigay ka midaysan yihiin.

Way isku dhaataan,way is dhiirigeliyaan, way is dhegaystaan, way is dhawraan, wed kala dhaqaaja mooyee wax kale ma kala dhantaalaan.

“Waan ku Jecelahay” Dhegta Waa u Hadal Qalbigana waa u dhaar oo waxay uga dhigan tahay- “aan is hanano, aan isku kaa halleeyo, aan isku soo hirano, ila hawl gal, nafta ii hur, ii hiili,adaan heegan kuu ahay,hoo kalsoonidayda”. Miyuu fudud yahay dhawaaqaasi? Haddaba, Ha iska odhan adigoon fulin karayn!

QALINKII; ABWAAN XASAN DAAHIR ISMAACIIL WEEDHSAME,

COMMENTS
LINKS