“Miyaanay Yaab Lahayn In Barlamaanka Iyo Madaxweynuhu,Iska Dhigaan In Ay Dhex Inoo Tahay Mashkiladda Doorashadu! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Miyaanay Yaab Lahayn In Barlamaanka Iyo Madaxweynuhu,Iska Dhigaan In Ay Dhex Inoo Tahay Mashkiladda Doorashadu!
September 3, 2019 - Written by Editor:

Aan Diirka ka Qaadno ليهلك من هلك عن بينة ويحيا من حي عن بينة; Prof Cabdi Cali.

Shaqadan ma laha xisbiyadu; ma laha odayaasha dhaqanku; ma laha dadweynuhu; ma laha aqoonyahanka iyo waxgaradku; saami-qaybsiga waxan ay ugu yeedhaan, tirada komishanka iyo wax kasta oo la xidhiidha doorashada waa ammuur sharci, oo ay tahay in ay ku qayaxnaato sharciga doorashooyinka; haddaba immika ma isla garanay cidda shaqada lahayd ee dayacday: waa barlamaanka iyo Madaxweynaha iyo dabcan golihiisa xukuumadda; maxaa arrinkan u geeyay xisbiyada iyo odayaasha dhaqanka; xaqiiqdu waxa weeye markii ay qabsan waayeen shaqadooda ayay kalliftay in xisbiyada iyo dhaqanku arrinkan ka hadlaan oo ka shiraan, oo ay isku dayaan in wax meel la isla dhigo!!!!

Haddaba miyaanay yaab lahayn in xubnaha barlamaanka iyo madaxweynuhu iska dhigaan in ay dhex inoo tahay mashkiladdani, oo ay u hadlaan sidii oo aanay arrinkan kaba lahayn xisbiyada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale!!!!

Policy makers haddaad maqasho waa barlamaanka iyo golaha wasiirada oo madaxweynuhu hoggaaminayo; policy makers ma aha cid kale, walaa xisbiyo mucaarid ah, walaa odayaal dhaqameed, walaa aqoonyahan; sidee baad uga sugtaa xeer cid aan ahayn policy makers!!! la tasho, haa, laakiin shaqadiina in aad qabsataan bay ahayd!!!

Marka aan had iyo jeer leeyahay dawladnimada aan barano qaarkeen ma laga yaabaa in ay u qaataan in aan aflagaado wado,!!! ; si kastaba ha ahaatee, tan immika aan ka hadlayaa ma tahay wax jira mise waa been; macnaha in ay u haystaan barlamaanka iyo madaxweynuhu in ay dadka ula siman yihiin hawshan iyada ah; haddii maanta arrinkaa laga xisaabtamo, eedda oo dhami labadaa dhardhaar ee fulinta iyo sharcidejinta (policy makers) ayay dhakada ka fuulaysaa!!!; ma ogyihiin talaw!!!, mise waxay u haystaan in meesha loo geeyay in ay budget bilaash ah iska qaataan, oo waliba iyagii ka dareeraan shirka golaha, oo yidhaahdaan saami-qaybsigii ayaanu ka dudnay, madaxeynuhana uu waqtigu kaga lumo i jiid aan ku jiidee iyo muranka xisbiyada mucaaridka ah!!! Alla kariim!!

QALINII; PROF CABDI CALI; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS