“Ama Madaxweyne Muuse Mas’uul Ummaddu Diratay Buu Noqon, Ama Nin Dantiisa Wata Oo Ganacsade Ah”. Abwaan Weedhsame, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ama Madaxweyne Muuse Mas’uul Ummaddu Diratay Buu Noqon, Ama Nin Dantiisa Wata Oo Ganacsade Ah”. Abwaan Weedhsame,
September 8, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid hal abuurka reer Somaliland ee ka hadla marxalada Uu dalku marayo iyo hadba hab-dhaqanka xukuumada markaa hogaaminaysaa ay bulshada  kula kacdo haday tahay musuq maasuq iyo boobka lagu hayo hantida umadda horena suugaan ugu cabiray dhaliilaha xukuumadii Daahir Riyaale iyo Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay xukuumada madaxwayne biixi iyo ficilada ay wakhtigan bulshada la wadaagto isagoo wax laga xumaado ku tilaamay in shacabka wax walba ay la horyimaadaan.

Sidoo kale Abwaan Weedhsame ayaa ka dariyay natiijada laga filan karo safarkii udanbeeyay ee Madaxwayne biixi ku tagay Dalka Jabuuti oo uu ku sifeeyay mid laba arimood uu daaran waxa uu kala soo guryo noqdo, halka warshad ay xukuumada Madaxwyne biixi sheegtay in laga furayo magaalada berbera Ee  lagu sifayndoono shidaalka ay tahay beentii ugu waynayd ee Ay bulshada Usheegto.

Abwaan Weedhsame Ayaa Qoraalo kooban oo u arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka bulshada Ee facebookga Wuxuu Udhignaa Sidan;

“Muuse Aad Buu Tan Jibouti ah ugu noqnoqdaaye, toloow ma Geellaa duruustii kali-talisnimada soo siiya? Keli-talisnimo in kugu filan Alleba kuu dhaliye iska soo noqo.

Mise wuxu toloow baraya sida dal loogu dhigo meherad aad leedahay oo keliya adiga iyo qoyskaaga oo qudhi aad maamushaan? Taasina halkan ka suuragali maysee iska soo noqo.

Ama madaxweyne Muuse mas’uul ummaddu diratay buu noqon ama Nin dantiisa wata oo ganacsade ah buu noqon. bisayl iyo qaydhiin waxa u dhexeeya yacyacood baa la yidhaa, labadaas waxa u dhexeeyana tuugaysi baa la yidhaa.

Waar dadka ha laga xishoodo.

Markale isagoo ka hadlaya Abwaan Weedhsame xukuumada biixi iyo waxyaabaha ay bulshada usheegayso wuxu yidhi;

Xukuumadda Muuse waa xukuumadii ugu horraysay ee shidaalka dalka gudihiisa inoogu sifaysay!!!!! Alla been weynaa!!!! hadda Warshaddaha shidaalka sifeeyaa lacagta ay ku kacaan waa billions xataa millions maaha.

QALINKII; Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame.

COMMENTS
LINKS