HARGAYSA(W,N) Maamulayaasha dugsiyada gaar loo leyahay oo maanta shir iskugu yimid ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cadaalad daro ay wasaarada waxbarashadu kula kacday iyadoo gabi ahaanba deeqdii waxbarasho ee ardayda dala ka reebtay dugsiyada gaar loo leeyahay,
Masuuliyiinta dugsiyada gaarka ka socday ayaa madaxwaynaha somailand ugu baaqay in uu waxka qabto arinta ardayda aywax baraana ay yihiin muwaadiniin reer somaliland ah oo xaq u leh in ay helaan waxa ardayda dugsiyada dawlada dhigtaa uu helo.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan;
https://youtu.be/8uCnALnJ80E