DAAWO;-Xildhibaan Mubaarik Oo Maayarka Caasimada Raali Galin Kasiiyay Dhacdadii Garoonka Degmada Axmed Dhagax,Eedo Culusna Ujeediyay Dadkii falkaasi Soo Abaabulay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xildhibaan Mubaarik Oo Maayarka Caasimada Raali Galin Kasiiyay Dhacdadii Garoonka Degmada Axmed Dhagax,Eedo Culusna Ujeediyay Dadkii falkaasi Soo Abaabulay!
September 9, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Xildhibaan mubaarik Cabdi Malow oo kamida xildhibaanada laga soo doorto degmada axmed dhagax ayaa wax laga xumaado ku tilaamay dhacdadii maalintii jimacaha ee ciyaartii koobka labada degmo ee axmed dhagax iyo ibraahim koodbuur garoonka hargaysa stadium lagu aflageedeeyay maayarka caasimada cabdiraxmaansoltelco oo isago kasoo qaybgalay ciyaarta,

Xildhibaan Mubaarik ayaa sheegay in dadka maayarka aflagaadaynayay aanay ahayn reer axmed dhagax balse ay ahaayeen dadka samcadooda iyo karaamadooda dhaawacayay dhaqankanina aanu ahayn kkii looga bartay shacabka xaafadaasi degan

Xildhibaan mubaarik ayaa isaga oo ku hadlaya afka shacabka degmooyinka axmed dhagax iyo 31may wuxu falkaa foosha xun raali galin iyo xaal kasiinayo maayarka caasimada oo uu sheegay in gaf cad la kula kacay degmooyinka maagaladuna ay yihiin kuwo loo siman yahay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS