Taariikhda Lacagta Oo Dollarka”W/Q: Fadxi Greenford. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikhda Lacagta Oo Dollarka”W/Q: Fadxi Greenford.
September 10, 2019 - Written by Editor:

Qof Kasta Si Fiican Ayuu U Yaqaan Lacagta Ugu Awooda Badan Dunida Ee Dollar’ka Ugu Yaraan Maalin Ayaad Shay Ku Iibsatay, Se Hadii Kale Maqaaladiisa Ayaa Kusoo Gaadhay-

Hordhac

Aan Ku Bilaabee Lacagtu Waa Tiir Dhaxaadka Nolosha Aadamaha’ Waana Tiirka Uu Ku Taaganyahay Heerka Dhaq-dhaqaaqa Ganacsi Iyo Kala Iibsiga Dunidu.

Hadaba Lacagtii Ugu Horeysay Ee Dunida Waxaa Samaysay Boqortooyadii “Lydian” Ee Uu Hogaaminayey Boqor “Croesus” Sanadkii 550-BCE, Kaasoo Ugu Magac Daray Lacagtaa Magaciisa, “Croesus” Boqortooyadii Lydian’ka Ayaa Waxaa Loo Yaqaanay (Asia Minor) Ama ” Anotolia” Waa Hada Dalka Loo Yaqaan Turkiga.

Lacagtaas Aya Ahayd Qadaadiic Ka Samaysan Dahab Iyo Qalin Iyo Sidoo Kale Dahab Iyo Qalin Isku Dhafan, Kuwaasi Oo Ay Sameeyeen Dadka Lydianku, Oo Xirfad Heer-sare ah lahaa, Waxaana Lacagahaa Ku Kala Sawirnaa Dibi Iyo Libaax, Lacagta Libaaxu Ku Sawiran Yahay Waxay Ahayd Mid Ka Samaysan Dahab Oo Waxaa Mushahar ahaan U Qaadan Jirey Madaxda Sare Ee Boqortooyada, Halka Ta Dibigu Ku Sawirnaana Ay Ahayd Mid Ay Qaadan Jireen Shaqaale Hoosaadku, Muddo Kadib Ayaa Laysku dhafay Lacagtii Oo Dahabkii Iyo Qalinkii Oo Isku Shiilan Laga Sameeyey Lacag, Sidoo Kalena Lagu Wada Sawiray Libaaxii Iyo Dibigii, Waxaanay Isku Noqotay Hal-Lacag Oo Keliya. Eeg Sawirka 1aad–>

Qarnigii 6aad Waa Markii Ugu Horeysay Ee Mushahar Lacag ahaan’ Loo Qaato, Waana Maamulkii Ugu Horeeyey Ee Shaqaalohooda boqortooyada Iyo Ciidamada Mushahar Ahaan U Siiyey Lacag, Dunida.

Taariikhda Dollarka–>

1-Dollarka Waxa Samayntiisa La Bilaabay Sanadkii 1790-kii Waxaana Bilaabay Siyaasada Qorshaha Lacag U Gaara In Loo Sameeyo Dawlada Maraykanka, Madaxweyne George Washington,Taasoo Ay Soo Baxeen Lacago Tijaabooyini Waxaana Si Toosa Loo Isticmaalay laba-Sano Kadib Sanadkii 1792-dii, Waxaana Qayb Weyn Ka Qaatay ” Alexander Hamilton” Oo Ah’ Wasiirkii Maaliyadee Maraykanka Ee Wakhtigaa.

2-Erayga Dollar, Waxa Uu Asal Ahaan Ka Yimid, Lagana Soo Min Guuriyey (Spanish Coin) Lacagtii Birta Ahayd Ee Isbaanishka Ee La Odhan Jirey, “Thaler”, Kadib Markii Maraykanku Samaystay Doolarka Ayaa Iyadoo Lacagtaa Qadiimka Ah’ Ee Isbayn Ee Dunida Aad Looga Isticmaali Jirey Wakhtigaa La Weynanayo Lana Qadarinayo Loogu Magac Daray.

3- Luuqada Ingiriisada Ayaa Eray Bixinta Dollar Lagu Soo Kordhiyey Qarnigii 16aad, Taasoo Ah’ Eray Nasakhan Oo Ka Yimid kelmada (Thaler), Thaler Ayaa Ah’ Eray Jarmala, “Joachmisthaler” Ayaa Lagu Magaacabi jiray Meeshii Laga Soo Qoday Macdanta Qalinka Ee Laga Sameeyey Qadaadiicda Birta Isbaanishka’ Waxayna Ku Taalay Meeshii Loo Yaqaanay Bohemia, Ee Hada Loo Yaqaa “Republic Czech”

Halkaas Ayaanu Ka Yimid Erayga Thaler, Oo Loo Rogay Dollar.

4-Calaamada Astaanta U Ah’ Doolarka Maraykanka “$” Waxay Ka Timid Lagana Soo Min-guuriyey Astaantii Lacagtii Birta Ahayd, Ee Isbaanishka, Calaamadaaso U Taagan Erayga “Peso” “$” (PS) Sidoo Kale Way Noqotaa Xarafka (P) Oo Macne Ahaan Ah’ Lacag.

5-Sanadkii 1933-Kii Ayaa La Sameeyey Waraaqda Doolarka Ah’ Ee Ilaa Hada Sida Saxda Ah Loo Isticmaalo.

6-Sanadkii 1875- Ayaa La Sameeyey Waraaqdii Ugu Horeysay Ee Dollara.

7-Sanadkii 1775-tii Ayaa Shir Weynihii Kongarayska Ee Dalka Maraykanka Lagu Qorsheeyey In Dalki Yeesho Lacag Gaara, Taasoo La Diyaariyey Qalabkii Lacagta Diyaarin Lahaa.

8-Ka Hor Samaynta Iyo Soosaarida Lacagta Doolarka Dalka Maraykanku Waxaa Laga Isticmaali Jirey, Lacagta Qadaadiicda Isbanishka, Iyo Tii Cismaaniyiinta Walow Aanay Saamayn Weyn Lahayn Lacagta Cismaaniyiintu.

9- Lacagta Qadaadiicda Ah’ Ee Ka Samaysan Dahabka Iyo Ta Qalinku Waxay Ahaan Jireen Kuwo Lagu Qiimeeyo Qiime Isku Dhow, Waxaana Kala Isticmaali Jirey Oo Samaystay Dalalka isbaanishka Iyo Ingiriiska, Walow Ay Saamayn badnayn Qalinka Qadaadiicda ah’Ee Isbaanishku.

10-Sanadkii 1816-Kii Ayaa Ingiriisku Lacagtoodii Dahabka Ahayd U Yeeleen Qiimo, Waxaanay Noqotay Lacag Heer-sare ah’ Iyadoo Ka qiimo Badatay Qadaadiicdii Isbaanishka, Iyo Tii Cismaaniyiinta Oo Dunida Aad Looga Isticmaali Jirey Waagaas.

11-Sanadkii 1834- Tii Ayaa Dollarka Maraykanku Xoogaystay Waxaanay Sameeyeen Qadaadiic Ka Yar-yar Kana Qaab Wanaagsan Qadaadiicdii Isbaanishka, Iyagoo Ku Baahiyey Yurub Oo Dhan Waxaanau Noqotay Lacag Lasoo Dhaweeyey Maadaama Ay Ahayd Farsamo Ahaan Mid Si Heer-sare ah Loo Diyaariyey, Sidoo Kale Qadaadiicdii Dahabka Ahayd, Ee Ingiriiska Ayay Hoos U Dhac Mugle Ku Sameeyey Dollarku Waagaas.

12-Inay Noqoto Lacagta 1aad Ee Dunida Waxaa Lagu Qorsheeyey Heshiiskii 1944-Kii Ee (Bretton Woods Agreement).

13-Lacagta 10 Iyo 20-ka Dollar Waxaa La Sameeyey Saandkii 1945-Kii, Dhammaadkii Dagaalkii labaad Ee Dunida, Markii Dhaqaalihii Dunidu Hoos-U Dhacay Ayaa Dawaladihii U Soo Amaah Tageen, Maraykan Si’Uu Lacagta U Badiyo ayaa Uu Qorshahan Sameeyey.

Qalinkii: Fadxi Greenford

Cont: 252-63 4001631

COMMENTS
LINKS