“Waa Inaynu Ku fikirnaa Sidee Baynnu Khilaafaadka U Yaraynaa, Sidee Baa Dadkeennu Isu Aaminaa”Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waa Inaynu Ku fikirnaa Sidee Baynnu Khilaafaadka U Yaraynaa, Sidee Baa Dadkeennu Isu Aaminaa”Madaxwayne Biixi.
September 11, 2019 - Written by Editor:

BORAMA(W,N) Madaxweynaha Jsl Muuse biixi cabdi oo maanta ka qaybgalay xafladii qalin jabinta camuud ayaa Aqoonyahanka qalinjebiyey ka codsaday inay cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha bulshada dhexdeeda ka jira, “Si aynnu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu   khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS