Sharciyada Hawada Sare “Airspace Law” Iyo Khilaafka U dhexeeya Somaliland Iyo Somalia! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sharciyada Hawada Sare “Airspace Law” Iyo Khilaafka U dhexeeya Somaliland Iyo Somalia!
September 11, 2019 - Written by Editor:

Qaybtii Aad

Ka dib markii ay ICAO assessment team-ku ku talo bixiyeen in Somaliland iyo Soomaaliya sameystaan steering committee. Iyadoo talobixinta ICAO laga duulayo ayaa waxaa la dhisay 16-kii February 2011 guddi lagu magacaabay Somali Civil Aviation Steering Committee (SCASC) kana kooban 5 xubnood. Guddidaas (Steering committee) waxay Soomaalidu ku lahayd 3 xubnood oo ay soo kale magacaabeen Wasiirkii Duulista Hawa iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirkii Qorshaynta ee Dawladda Federaalka Ku Meel Gaadhka Cabdi Weli Cali Gaas.

Waxaa la magacaabay xubnihii metalayey labada daraf ee Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo kala ahaa Ahmed Hersi Qatala oo ku noolaa Waddanka Holland oo metelayey darafka Somaliland oo uu magacaabay wasiirkii Duulista Hawada Mohamoud Hashi Abdi iyo Eng Kaamil A Diini oo darafka Soomaaliya ka socday kuna noolaa Canada, Cabdillahi Gooje oo isna ka socday dhanka Puntlandoo isaga laftiisu ku noolaa Canada, waxaa Iyana dhinaca kale qayb ka ahaa UNDP oo uu u qaabilsanaa Maxamed Xuseen Nuux iyo ESAF/ICAO Regional Director Meshesha Belayneh oo isna u qaabilsanaa Maareeyihii ICAO ee Bariga iyo Koonfurta Africa iyo CACAS oo uu uga wakiil ahaa Kameite Musopokwa oo isagu markaa madax ka ahaa hay’adda CACAS kana mid ahayn committee-ga laakiin Secretary ahaan ka ahaa, inkastoo ay 2da xubnood ee aan Soomalida ahayni ay codeynta aan wax ku lahayn (Non-voting committee).

4-tii May 2011 waxaa xubintii Somaliland uga tirsanaa lagu bedelay maareeyihii Hay’adda Duulista iyo Hawada oo la odhan jiray Axmed Dalal Faarax (Wiiwaa). Waxaa shirkii ugu horreeyey ee gudida uu qabsoomay 5tii June 2011 iyadoo lagu qabtay Nairobi shirkaas oo loogu Mr Wiiwaa loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha guddida (Chairman of the Steering Committee). Gudidan oo kulan wakhtiyoodkoodu ahaa 3dii biloodba hal mar.

2dii July 2012 kii ayuu Ahmed F Dalal ku qabtay shirkii 2aad ee Steering Committee-ga ku qabtay Morteal si ay labada xubnood ee kale oo Canada deganaa uga soo qayb galaan, shirkaas oo ahaa shirkii 5aad ee uu Steering Committee-ga. Shirkaas oo ka dhacay xarunta guud ee ICAO ay ku leedahay Montreal ee dalka Canada (ICAO Headquarters). Shirkaas oo ay la qaateen Peter Noad oo madax ka ahaa Technical Cooperation Bureau ICAO/TCB, labada xubnood ee kale oo kala ahaa Maareeyaha Hay’adda CACAS Kemoite Jonathan Mosupoukwa iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya David M Clapp ay iyaguna kaga soo qayb galeen dhanka isgaadhsiinta telephone-ka (Conference call).

Shirkaas oo ay Steering Committee-gu u soo bandhigeen hay’adda ICAO iyo CACAS:

1,In shaqaalaha tababarka ku qaadanaya marka ay tababarka dhammaystaan ay noqdaan shaqaalaha ka shaqeynaya xarunta CACAS, si looga maarmo shaqaalaha kale ee aan Soomalida ay hay’addu qoranayso, maadaama ay project-ku yahay mid Soomaalidu leedahay.

2.In Lacagta ay qaadanayaan loo kordhiyo, xaaladoodana looga war hayo, loona dhakhmin shaqaale tababar uun qaadanaya.

 

Waxa kale oo ay Steering committee-gu shir kale ku qabteen Montreal 15-kii March 2013-kii.Shirkaas waxay Steering committee-gu kaga codsadeen in wax ka beddel lagu sameeyo UN Security Resolution 814 iyo 837 ee Chapter VII ee Charter-ka Un-ta ee soo baxay 6dii June 1993 ee ay hawada Soomaaliya/Somaliland mandate si ku meel gaadh ah ugu dhiibeen UNOSOM II inay ilaaliyaan Gegida diyaaradaha (Airports) iyo Dekedaha (Ports) si ilaaliyo macaawimada bani’aadminmo ee ka soo degaysaa goobahaa. Ka dibna waxay UN-tu soo saartay Resolution 954 oo lagu dhaqmi doono ilaa 31 March 1995.UN-ta oo uu markaa Secretary-General ka ahaa Boutros Boutros-Ghali. Ka dib markii uu hawlihii UNOSOM dhammaadayna ay hawlihii hawada la wareegeen UNDP/ICAO.

Waxay Steering Committee-gu dalbadeen in sharcigaas oo dhigaya hawada lacagta laga qaado ku qorshaynaayey oo keliya in hawlaha hawa marista iyo tababarada shaqaalaha uun wax lagaga qabto, laakiinse aan caddaynayn in qalabaynta dhabbayaasha ama airports-ka in lagu qalabeeyo aan caddeynayn wax ka bedel lagu sameeyo, maadaama ay xaaladdu sidii hore iska bedeshay, si horumarin loogu sameeyo airports-ka, midda kalena tababarka shaqaalaha lagu daro in ay ka hawl galaan shaqada ka socota xafiiska CACAS ee Nairobi, iyagoo loo dhiibayo xilalka maamul ee shaqada hay’aduna dusha ka maamusho. Shirkaas ayaa noqday mid si fiican la isugu afgartay, looguna ballamay in shir ka kooban ICAO, CACAS, UNDP iyo SCASC ay isugu yimaadaan Nairobi dhammaadka 28 May 2013.

Hadaba, iyadoo uu arrinku halkaa marayo ayaa wasiirkii Boosaha iyo Isgadhsiinta ee Dawladdda Federaalka ee Somalia Cabdillaahi Ceelmooge Xirsi isla markaana dhinaca kalena ka maamulayey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista uu 11-kii May 2013-kii xaflad lagu qabtay Aden Cadde International Airport Mogadishu kula saxiixday wafti ka socday UNDP iyo ICAO oo kala ahaa David Clapp iyo Peter Noad, kuwaas oo ahaa hay’adihii hawada Soomaliya/Somaliland masuulka ka ahaa ee u dhiibay hay’adda maalulaysay 23-ka sanno ee fadhigooduna ahaa Nairobi. Shirkaas oo lagu kala saxiixday in lagu wareejiyo maamulka hawada Soomaaliya.

Shirkaa ay heshiiska ku kala saxiixdeen wasiir ceelmooge, UNDP iyo ICAO ayaa wuxuu uu ahaa mid qayb ka ah ka dib markii uu Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya uu casuumad ka helay US Secretary of State Hillary Clinton 16-kii January 2013, taasoo uu Maraykanku kaga qaaday cunaqabatayntii ka dib dagaalkii Somalia 2da diyaaradood ee Black Hawk loo yaqaanno lagaga soo riday Mogadishu 3-4tii October 1993. Shirkaas waxaa ku wehelinayey nin la yidhaa Maxamed Xuseen Cabdiraxmaan oo UNDP xafiiska Somalia u shaqeyn jiray, kaasoo kula taliyey in madaxweynuhu uu ka codsado Mrs Clinton in ay ku wargeliso UNDP in xayiraaddii nalaga qaaday si aan hawadayada ula soo wareegno, arrintaas oo ay u fulisay uguna qortay warqad xafiiska UNDP ee New York, ka dibna uu Xasan Nuur dardar geliyey sidii uu xafiiskiisa UNDP ee New York ugu qori lahaa dalab ay UNDP ay ka dalbanayso ICAO in hawada Soomaaliya lagu wareejiyo.

Ariintaa ay kala saxiixdeen ICAO iyo Soomaaliya ayaa noqday mid ay aad uga cadhootay dawladda Somaliland maadaama ay socdeen wadahadaladii loogu gogol xaadhey shirkii London ka qabsoomay 23-kii February 2012, ka dibna lagu kulmay Dubai UAE 28-kii June 2012, Ankara 13th April 2013, loona ballansanaa in shirka kale oo ka dhici lahaa Istanbul 7 – 9 July 2013.

 

Iyadoo markaa ay ka fal celinayso heshiiskii ay UNDP ugu ogolaatay in maamulka hawada (Airspace Management) lagu wareejiyo Soomaaliya ayey xukuumadda Somaliland qaaday talaabo adag oo ay diyaaradaha UNDP kaga joojinayso inay ka soo degaan airports-ka Somaliland, arrintaas oo uu Wasiirkii Duulista iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi isagoo warqad u qoray Madaxii UNDP ee Somaliland iyo Somalia kuna wargeliyey in ay MoCAAT jawaab kaga bixinayso heshiiska aan sharciga waafaqsanayn ee aad la saxiixateen Dawladda Federaalka 11 May 2013:

1.In laga bilaabo 15ka May 2013 saacaddu marka tahay 06:00hrs (03:00 GMT) dhammaan duulimaadyada UNHAS la xayiray, diyaaradaha hadda fadhiya airports-ka Somaliland la joojiyey ilaa uu war danbe soo baxayo [Tixraac Notam-ka hadda] ee khuseeya arrinta.

2.Laga bilaabo 5-ta July 2013 dhammaan lahaanshaha hawada sare iyo maamulkeeduba wuxuu hoos iman doonaa maamulka MoCAAT, waxaana dhammaan diyaaradaha isticmaala hawada Somaliland, marka lagu daro kuwa hawlaha bani’aadanimo loo sheegi doonaa inay soo ka soo dalbadaan ogolaanshaha hawa marista iyo ku degitaankaba (Over-Fly permission and Landing rights) Wasaaradda MoCAAT oo keliya.

3.In laga bilaabo 1da June 2013 ay MoCAAT faraysaa CACAS Project Coordinator-ka in aanu ku maamuli karin Mogadishu FIR hawada Somaliland (Somaliland Airspace Management and Control).

4.In laga bilaabo manta oo ah 14-ka May 2013 ay UNDP/ICAO iyo CACAS-ba ay noo xidho wixii aanu xaq u lahayn ee project-ka ka mid ahaa ilaa inta aanu helayno ama naloogu soo gudbinayo qaybtayada aanu ku Air Navigation Charges dariiqa IATA.

Taasoo ay xukuumadda Somaliland ay shirkii lagu ballansanaa ee ka dhacayey Turkiga ee loogu magac daray Isntanbul ee qabsoomayey 7 – 9 July 2013 ku dareen qodobka maamulka hawada oo ay Somaliland shirka geysay qodobkan Hawada oo dhigayaa:

1.In la sameeyo laba FIR (Flight Information Regions) oo kala ah Mogadishu FIR iyo Hargeisa FIR kala madax bannaan oo Soomaaliya iyo Somaliland ka maamushaan.

2.In La sameeyo Somali Joint Aviation Control and Management Centre oo ay wada maamulaan Soomaliya iyo Somaliland iyadoo ay harunteeduna noqon doonto Hargeisa, maamulkuna uu ka boonaan doono 4 xubnood oo si isleeg loo qaybsado maamulka iyo dhaqaalaha ka soo baxa Air Navigation Revunue-ga.

3.In inta si uun lagu heshiinayo ay hawsha sii wadaan hay’adda ICAO ama CACAS.

Shirkaas oo laba maalmood socday, khilaaf badanina soo kala dhex galay ayaa gebogabadii ay xubnihii ka socday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) ay ogolaadeen in sameeyo Somali Joint Airspace Control and Management oo fadhigiisuna noqdo Hargeisa. Waxaa heshiiskaa dhanka Somaliland u saxiixay Wasiirkii Arimaha Dibedda Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, halka uu dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliyana uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed isaga oo goobjoog ka ahaa wasiirkii Turkiga u fadhiyey Soomaaliya.

Ka dib markii lagu heshiiyay shirkii lagu ballansanaa ee dhex maray labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya ayey Wasaaradda Duulista iyo hawadu u fasaxday 15 July 2013 in diyaaradaha UN-ta oo dhami ay hawlahoodii dullimaadyada ay sii wadan karaan kana soo degi karaan airports-ka Somaliland.

Waxa hadaba xusid mudan in hadana wasiirkii Boosha iyo Isgaadhsiintu ka qayb galay shirkii 38aad ee ICAO Assemby oo lagu qabtay xarunta guud ee ICAO oo ku talla Mortreal ee Waddanka Canada, kaasoo lagaga wada hadlayey dib u eegista xeerka Article 49 ee Chicago Convention 1944. Shirkaas ka dib uu 5tii Otober 2014-kii Ceelmooge kulan la qaatay Xoghayihii Guud ee ICAO (Secretary General) Raymond Benjamin, isagoo ka dalbanaya in hawada Soomaaliya maamulkeeda laga soo raro Nairobi laguna soo wareejiyo maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya maadaama ay ay hadda noqotay dawlad ka baxday Kumeel-gaadhnimadii lana aqoonsaday.

Madaxa ICAO waxa uu ku wargeliyay in ay Soomaaliya buuxisay qayb ka mid Article 28 paragarph (a) oo aad u muhiim ah, laakiin ay dh iman yihiin paragraph (b) iyo (c) oo u baahan in ay buuxiyaan kuwaasoo dhigaya Qalabka, charts-ka, khariiradaha hawada (Airway maps), sharciyadii hawada iyo aqoonta shaqaalaha. Midda kale in ay Somalia iyo Somaliland ay ku heshiiyaan ee ay wada saxiinna ay muhiim tahay. Waxay markaa Wasiir Ceelmooge iyo Benjamin kala saxiixdeen in haddii ay ilaa sannadka inta ka hadhay ay ku dhammaystiraan lagu wareejin doono 5-ta January 2014-ka.

Mudadii loo qabtay in ay ku soo dhammays tiraan shuruudihii ay ICAO ku xidhay ayaa waxaa isna ku soo beegmay wada hadaladii loogu ballansanaa in lagu heshiiyo ee ka qabsoomayey Turkiga gaar ahaa magaalada Istanbul, shirkaas oo isna loogu magac daray Istanbul II Communique ayaa waxaa lagu kala saxiixday heshiisyadii hore loogu heshiiyey Instanbul I waxaana lagu ka soo baxay 9 qodob oo laba ka mid ahi (Qodobka 7aad iyo 8aad) gaar u khuseeyo heshiiska hawada sare (Airspace Management), kuwaas oo kala ahaa:

Qodobka 7aad: Iyadoo la tixraacayo wadahadaladii Istanbul I ee 7 – 9 July 2013. Waxay labada daraf ku heshiiyeen in la sameeyo Air Traffic Control Board kaas lagu sameyn muddo 45 cisho gudahood ah.

Qodobka 8aad: Waxay labada daraf Soomaakiya iy Somaliland ku heshiiyeen in la magacaabo Guddi farsamo (Technical Committee) oo ku meel gaadh ah. Guddidaas oo ka kooban 4 xubnood (2 daraf kasta) kuwaas oo soo diyaarinaya shuruuraha iyo tixraacyada ay yeelan doonto gudida Air Traffic Board-ku. Gudidan farsamo (Technical Committee) waxaa dusha kala socon doona labada ee ay khusayso.

Waxaa hadaba ay xukuumadda Somaliland ay ka gaabisay inay nuqulo ka mid ah heshiisyadii Istabul I ee lagu heshiiyey 7 – 9kii July 2013 iyo Istnabul II oo lagu heshiiyey 18 January 2014 u gudbiso ICAO Headquarter Montreal si ay ugu war geliyaan heshiiska dhex maray iyaga (Somaliland) iyo Soomaaliya.

Inkastoo arrintaasi uu ka hadhi waayey Maareyihii Duulista iyo Hawadu oo uu dhowr email u diray ICAO iyo UNO waxaa jawaab loogu soo celiyey in aanay isaga shaqadiisa ahayn oo arrinka looga baahan yahay madaxda ugu sarreysa dalku inay xidhiidhada noocaan oo kale ay u leeyahay awood. Arrintaas oo keliftay in uu khilaaf soo kala dhex galo Maareeyaha iyo Wasiirkiisa, arrintaasina ay keliftay in uu maareyuhu isk casilo xilka 14 September 2013. Waxaa la yaab kale leh in dhinaca kale ee Soomaaliyana ay isku dhaceen Wasiir Cabdillahi Ceelmooge iyo Eng Kaamil Diini oo ahaa xubintii kale ee dhinaca Soomaliya u metelayey Steering committee-ga, halkaana uu xilka kaga qaaday wasiir Ceelmooge taarikhdu markay ahayd 15 March 2014, halkaana uu ku burburay gududii Steering Committee-gu muddo 5 bilood gudahood ah.

Arrintaas oo markii danbe sababtay in Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo lagu magacaabo Maxamed Cabdillaahi Salaad iyo madaxa hay’adda ICAO Dr Fang Lui ku kala saxiixdaan heshiiskii ugu danbeeyey ee ay Somalia kula soo wareegtay maamulka hawada ka dib markii uu Turkigu ka caawiyey in ay buuxiyaan qodobkii Article 28 iyo 3diisii Paragraph-ba ee xagga tayayada iyo maamulka hawada. Heshiiskaana la kala saxiixday 14kii September 2017kii. Inkastoo wareejintu aanay ahayn mid ay gacanta ku hayaan maamulka Duulista iyo hawada ee Soomaliya oo ay weli gacanta ugu jirto hay’addii Nairobi ka maamulaysay ee FISS, laakiinse loo tababarayo sidii ay Somalia iyadu gacanteeda ugu maamuli lahayd hawadeeda.

WAAD MAHADSAN TIHIIN

LA SOCO QAYBTA 5AAD IYO XALKA KHILAAFKA.

QALINKII; Ahmed Musa

COMMENTS
LINKS