Soo Dhawayntii Madaxwayne Biixi Ee Gabiley Iyo Dareenada Ka Dhashay Hadalkii Uu Ujeediyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soo Dhawayntii Madaxwayne Biixi Ee Gabiley Iyo Dareenada Ka Dhashay Hadalkii Uu Ujeediyay!
September 12, 2019 - Written by Editor:

Maxaa Lagu Fasiri Kara Hadalkii Madaxwayne Biixi Ee Reer Gabilayoow Tabashadiina Sheegta, Wakhti Uu Ka Hadalka Tabashadii  Awdal  Ka Gaabsaday?

GABILEY(W,N) Madaxwaynaha jamhuuriyada somalilad Muse Biixi Cabdi Iyo Waftigiisii kasoo laabtay gobolka awdal ayaa maanta soo gaadhay gobolka gabiley isagoo ka qaybgalay xaflada qalin jabinta Ardayda jaamacada tima cade halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad dareeno Isbarkan Xanbaarsanayd.

Soo dhawaynta madaxwayne biixi ee gabiley ayaa ka duwan wanayd tii looga bartay  reer gabiley ee ay  ku qaabili jireen iyada oo laga dhex arkayay in ay goobaha soo dhawaynta aanay ka muuqan siyasiyiin, odoyaal iyo aqoonyahan ka muuqan jiray wakhtiyadii hore kuwaasi oo aan maanta gabi ahaanba lagu arkay soo dhawayntiisa,

Marka laga tago maamulka iyo shacabka ay ardaydoodu qalin jabinayso iyo xubnaha xilalka uu u magacaabay waxay ahayd mid ka duwan gabiley iyo muuse  xidhiidhkoodii!

Maxaa keenay In mudo labo sano iyo dheer oo uu xilka hayay in aanay  siyaasiyiintii iyo waxgaradkii guushiisa horseeday ay gabi Ahaanba Aanay  ka garab muuqan?

Madaxwayne biixi reer gabiley siday u taageereen xukuumadiisa ma uga dhex muuqdaan xilalka Uu Magacaabay?

Maxaa sobobay in hormuudkii guushiisa  ay mudo gaaban kaga rajo dhigaan madaxwayne biixi iyo filashada wixii ay ka sugayeen?

Su,aalahan iyo kuwo kale oo badan ayaa waxay kamid ahaa dareenadii ka dhashay booqashada madaxwaynaha iyo isbadalka ka muuqdaa reer gabiley.

Dhanka kale Madaxwayne biixi ayaa khudbad uu ka jeediyay jaamacada Tima cade wuxuu reer gabiley dhankiisa ku Canaantay in ay sheegtaa tabashadooda islamarkaana ay iska daayaan sida jilicsan ee ay wax u waydiinayaan marka ay la soo xidhiidhaan, hadalkaasi oo noqday mid dhinacyo badan leh.

“Soomalida ayaa ku maah maahda isku haya iskama Hagrado”hadii Madaxwayne biixi reer gabiley ka doonayo in ay sheegtaan waxa ay tabayaan islamarkaana uu sheegay in ay Gabiley aanay xaqeeda ku waayin madaxwaynaha ayaad isku deegaantihii, muxuu dhinaciisa u garan waayay in uu isagu xukuumadiisa iyo mashaariicda ay fulinayso uu ka qaybgaliyo? maadaama uu isagu midida daabkeeda hayo maxaa lagu macnayn karaa  tabashadiina sheegta waxaad la xuquuqtiin gobolada dalkee?

Hadalkan ayaa dadka siyaasada falan qeeyaan ku tilmaameen mid waji kale leh, iyadoo marka loo eego safarkii u ku tagay gobolka awdal oo wakhtigan ay ka taagan tahay dareeno siyaasadeed oo xanbaarsan tabashada awdal uu madaxwaynuhu aanu ka bixin wax jawaab ah balse taa badalkeeda uu dhigooda gobolka gabiley ku dhiirigaliyay in ay waxa ay tabanayaan sheegtaan halka ka qaar ay hadalka madaxwaynaha ku sifeeyeen in uu daaran mid uu ugu jawaabayo reer boorama oo aanu waxba ka qaban wixii ay ka cabanayeen balse qorshihiisu yahay gabileyba waxbay tabaysaa ,awdalna waxbay tabaysaa taasi oo leh wajiyadii looga bartay siyaasada xisbiga kulmiye ee shayba shay ku ilow,

Wallow Madaxwayne biixi xilalka uu xukuumadiisa ka siiyay jufadiisa hoose ay  laba jeer ka badan yihiin xilalka uu siiyay reer gabiley, taasi oo lagu micnayn karo mid wakhtigan hadalkiisu daaran yahay in  reer gabiley Uu dhinac kale uga faa,iidayso balse aanay ahayn waxtar iyo tixgalin uu u hayo toona,

Sikastaba ha ahaatee hadalka madaxwayne biixi ka jeediyay jaamacada gabiley ayaa umuuqda mid reer gabiley ugu Abaabulayo sidii ay uqaaadan lahaayeen door ku jihaysan, sidii ay ugaga gudbanaan lahaayeen gobolka awdal shacabkana uu ugu tusayay mid door bidaya helitaanka waxa ay tabanayaan balse ka fog waxka qabashada waxa ay usoo gudbiyaan.

Halka uu siyaasiyana uga dan leeyahay in cabashooyinka reer awdal kaga xuubsiibto baraaru jinta  gobolka gabiley ee tolnimada ku doortay. Iyadoo hore shacabka reer Somaliland uga wada warqabo sida aanay xukuumadihii kulmiye waxba uga qaban muranka dhuleed ee udhexeeya awdal iyo gabiley iyo dabcan ficiladii dhexmaray oo iyana wali aan xal laga gaadhi,

Waxaase laga war sugidoonaa sida ay waxgaradka reer gabiley uga gudbaan jidkii kulmiye ugaga faa,iidaysan jiray ee rabitaanka gobolka awdal iyo bulshada ay ood wadaagta yihiin.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS