DAAWO;-Xabaalo Cusub Oo Laga Iibiyay Galbeedka Magaalada Hargaysa Iyo Magacyada Shakhsiyaadka ka Qayb Qaatay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xabaalo Cusub Oo Laga Iibiyay Galbeedka Magaalada Hargaysa Iyo Magacyada Shakhsiyaadka ka Qayb Qaatay!
September 13, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Qaarkamida odayaasha, culimada magaalada hargaysa gaar ahaan xaafada jig jiga yar ayaa  isku xil qaamay in galbeedka hargaysa ay ka iibiyaan beer loogu talo galay in ay noqoto xabaalo.

Munaasibada lagu shaacinayay iibka dhul beereedkan xabaalaha loo qorsheeyay oo ku yaala galbeedka hargaysa ayaa waxaa hadalo ka jeediyay gudidii isku xilqaantay iibka xabaalahan, waxa isna goob joog ka ahaa sheekh Aadan xaaji Maxamuud Xiiray (Aadansiiro) oo isagu gacanta ku haya xabaalaha xeedho iibkooda iyo daryeelkooda.

Gudidadan ayaa sheegay magacyada shakhsiyaadkii ka qayb qaatay qaadhaanka lagu iibiyay xabaalahan.

Sidoo kale gudidan ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhaqaalaha inta dhiman bixintooda.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS