WAJAALE NEWS

“Horta Adigu Aqoon Yeelo,Qiimeyntu Sidaad Mooday Maahee.”W/Q;Cabdilaahi Beershiya.

Intuu Noolaa Muu Akhriyin soddon buug oo anfac leh, dugsigii sare waxa u dheer 4 sanno oo slides amma note kooban la siin jirey, haddana dalka waa u aqoonyahan. si fudud ayuu dadka ugu xukumi karaa inuu dowladnimada diidan yahay. isaga haddii lagu qiimeeyo dadka la sheqeeya waxa ka eed sheeganaya mooyaane cid kale heli maysid…

Inkastoo xilka u hayaa u kooban yahay oo aanu sidaa u buurneyn haddan aflagaado ma joojiyo. waxa xafiiska ay ku kulmeen aqoonyahan 1970 Aadkii dalka Ingiriiska ka qaatay shahadada labaad ee Master degree oo khusaysa manaahijta. sidoo kalena xubin weyn ka soo ahaan jirey sideetamaadkii guddidii manaahijta ee Somaliya laakiin dalkeena iskaga dhex nool oo nolol maalimeedkiisa ka hela goob gaar loo leeyahay oo u shaqaale ka yahay. sidoo kalena iskaga dhex jira dadka caadiga ah ee meelaha masaajidada aan ka dheeraan… muuqaalkiisa markii u eegay wuxu u qaatay inuu wadaad yahay, dabadeed cadho badan oo u wadaadada u hayey ayuu kula dhacay….wuxuu ku eedaynayaaa inuu wadaad yahay oo uu dalka si fool xun uga shaqaysto.

Isaga oo quudhsanya jirtaanka qofkan laftiisa ayuu u boobsiiyey hawshii uu uga baahnaa, waayo waxay ka ahayd maan gaabni amma garasho la’aan iyo post u soo dhigay face-ka oo asxaabtiii ay wada socdeen dhowr hadal oo dhiniciisa taageersan u soo dhigeen u doonayo inuu ugu mahadnoqo aragtidooda toosan.

Aqoonyahankii inta uu xafiiskii iskaga kacay ayuu ku yidhi yarkii; “Adeer laba jeer ayaan kaa weynahay ee noloshu maaha sida aad u fahansan tahay. dowladnimaduna maaha sida ay ku la tahay…. ee woxogaa is dhis oo shahaadadii jaamacada waxa aad ku darsataa in aad wax badan akhrido adiga ayaa si fiican dadka u kala garan doonee…..”

 

Xigasho nin ayaa maanta iiga sheekeeyey sheekadan oo magacyo run ah wadata mar aanu meel ka wada shaahaynay.

 

QALINKII; MACALIN CABDILAAHI BEERSHIYA

HARGAYSA SOMALILAND.

Exit mobile version