“Ilaahay Baa Deeq Baxshee, Cirdiga Iyo Nafta Bani’aadmaka ka Daaya Mashruucaysiga”!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ilaahay Baa Deeq Baxshee, Cirdiga Iyo Nafta Bani’aadmaka ka Daaya Mashruucaysiga”!Prof Cabdi Cali.
September 15, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Prof cabdi cali jaamac ayaa ka hadlay arimo sharafta bulshada dhaawac ku ah oo NGOyadu Somaliland ka dhex wadaan kuwaasi oo aan xaqiiq ahayn balse lagu dhaaawacayo sharafta bulshada reer Somaliland qoraal kooban oo uu arintaasi kaga hadlayo ayaa wuxu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Shalay xayaysiisku wuxu ahaa galmo oo dhan iyadoo kufsi lagu soo gabbanayo; maantana in qofku nafta iska jaro; waa sidaa arrinku marka dhaqanka NGO gu kula fogaado; mashruucaysi baa la yidhaa; Waar Ilaahay baa risiqa bixiyee ha iska soo xambaaranina dhaqanada iimaan-laawayaasha ku badan!!!

Waxa xigi in la sameeyo xogo iyo tirakoobyo bug ah, dabadeedna la yidhaa oo miyaa ogtihiin intuu marayo is-dilku ama dadka qudha iska jaraa sanadkii; maydinkaa waxbaba og; dabadeedna inta xaflad lagu soo casuumo mid wasiir ah ay kaga yeedhsiiyaan sida Babqaaga arinkaas oo uu halkaa ku qiro; mar haddii policy makers ku qiraan mashkiladdaas, iyaga way u gashay, maxaa yeelay macnaheeda ayay garanayaan; markaasuu u dararayaa oo uu u qarxayaa mashruucu!!!!

Dhinaca kale, ma dafirayo in waligeedba ay dhici jirtay carrigeena iyo meel kasta oo bani’aadam ku noolyahay qof is dila iyo qof wax kufsada, laakiin waa wax kooban dhulkeena, mashruucna ma noqon karto; hadalhaynta xumaanta ayaaba dhiirigalin ah iyo xayaysiis ah; may la socotaa!!!

QALINKII; Prof cabdi cali jaamac; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS