WAJAALE NEWS

DAAWO;“Maanta Waxay Ahayd Oo Nacasnimo Nagu Ah, In Axmed Mire Ka Maqnaado Munaasibadan”Madaxwayne Biixi.

BURCO(W,N) Madaxwaynaha Jsl Muuse Biixi oo ka qaybgalay Xaflada qalin jabinta Ardayda Jaamacada Burco ee gobolka Togdheer ayaa ka haday arimo dhowr Kuwaasi oo uu si gaar ah xusay khilaafka ka taagan dugsiyada gaar ah iyo wasaarada Waxbarashada isagoo sheegay dugsiyada gaarka iyo jaamacada gaar loo leeyahay In ay u aqoonsan yihiin xarumo Ganacsi.

Sidoo kale Madaxwayne biixi ayaa  Wax Laga xumaado Iyo Nacasnimo  ku tilmaamay in maanta munaasibadan jaamacada  burco uu ka maqnaado Muj Axmed Mire oo hormuud ka ahaa Halgankii lagu xoreeyay dalka iyo gudo galkii burco,

Maqnaanshihiisu ay ceeb iyo dhaliil ku tahay isaga iyo saaxiibkiisa arimaha gudaha Maxamed Kaahin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version